Waxa la yidhi waraabaa ku dhaartay “Waataan ragga qarniga
21-aad ka miciin hooseeyaa, inaan arrinkaasu sidaas ahayn” waxaana la weydiiyey
muxuu qabaa ragga qarniga 21-aad joogaa, wuxuu ku jawaabay “Ri dhoobo gashay
baanay labaatan nin ka saari karin.”
Raggii hore magaca iyo dhegta ayuu xeerin jiray ee manfac
iyo eex ma eegi jirin, laakiinse, maanta waxa aad arkaysaa in
gartii iyo gobonimadii ay ka mudan tahay cuntada iyo eexdu murti-maahmaaheed
ayaa tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin.
Marka laga hadlaayo doodaha iyo erey-bixinta garta marka la qaadaayo waxa ka mid ah, xadhig,
xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Bir-kuma
goyn, Lug-dhaar ah, Dooc iyo Dareen,
waxa kale oo dhaqamada garta ka mid ah, mar ninka loo hadlayo, mar uu
isagu hadloonayo iyo mar uu hojiye leeyahay.
Waxa kale oo noocyada garahaasi marka la qaadaayo loo kala saaraa afar qaybood oo kala ah, Duco,
Didiif, Dacwi iyo Maluug.
Duco:
waa hadalka ugu horeeya
ee lagu bilaabo garaha maadaama aynu
nahay umad muslim ah, ka dib, waxa la yidhaahdaa bisinka faataxadda
inoo mara, waana la maraa, sidaa awgeed,
waxa la yidhaahdaa “ Faataxo dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona
wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.
Marka ay garanayaan labada qof ee ay wax ka dhexeeyaan
muduciga (qofka wax tirsanaya) iyo
Mudaacale (qofka wax laga tirsanayo), waxa ku horeeya muduciga, waxaanu hadalkiisa
ku bilaaba, (Islaam Allaay Erey wayga duco, Erey wayga didiif, Erey wayga
dacwi, Ereyna wayga maluug”, markaa erey
waa iga duco, “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah
Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq
leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax lahayna aanu siin wax aanu lahayn
oo aanu raacin xaq aanu lahayn, laakiinse, ragga muduciga ah qaar baan ducaba
hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda “Saddex erey iyo maluug baan ka hadlayaa’.
Didiif: waa afeef, waxaana la odhan jiray “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la
yaqaan wixii hadhi jiray iga hadhan iyo weedho kale oo la mid ah”, sidaa
awgeedna, had iyo goor marka la garamayo
waa lays-xujayn jiray, waxaana la odhan jiray i “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan,
kuwaas oo ah Nacfi-jiid, Naas-jiid iyo Lug-jiid”, waxa loola jeedaa Nacfi-jiid waa ninka wax la
siiyo, Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (Abtiga loo yahay), Lug-jiid waa
ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay, sidaa awgeed baa
loo yidhaahdaa “Saddex nin midna
markaati iguma furo.”
Dacwi: waa halka ay gartu u dhimato ee (Ugu
muhimsan), Allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka
saymahaas oo kale kala baxaa, dacwiga waa habka loo sheegato waxa aad leedahay
iyo sidii aad ugaga hor degi lahayd, waxa uu ninka kale sito ee kugula
garamayo, taasoo ay ka mid tahay, “Hadii uu odhan doono” adigoo ku hadlaaya af-macaan, oo aan waxna
dhimayn, waxna aan dhaafayn, isla-markaana ku daraaya talo iyo xirib.
Maluug: Waa
wax kasta oo la tuhmo, laakiinse, aanad
cadayn loo hayn, tusaale ahaan, ninka
muduciga ahi waxa uu odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay,
waa nala ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin,
balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati baan u
leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar hadii ay
caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci baan ka
fadhiyaa, haddii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”. Laakiin
marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo, iyadoo aan
madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga.
Bal aynu eegno xiligan marxaladda lagu jiro iyo waayaha
dambe, sida gartu tahay iyo sida gabayada iyo suugaantu u sii shiiqayaan,
abwaanka Caanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa tuducyo ka mid ah
gabayadiisa uu kaga hadlo waxyaabaha dhacdooyinka cajiibka ah wuxuu yidhi,
“Waayeel gadoodoo, gacalkiyo xigaalkii, gantadii ku madhiyoo, misna loo
garaaboo, gabadh ugub la siiyoo, gudbiyoo isdhaafshoo, ku gabaati qaatoo, yidhi
geeri ma ahayn, waa xaal guracan oo guran oo la yaabloo, waxan uga gol leeyahay
ruuxii gartow sheeg.”………….la soco
Qoraa:
Maxamed Faarax Qoti
Waxa kale oo noocyada garahaasi marka la qaadaayo loo kala saaraa afar qaybood oo kala ah, Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug.
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid