Ka dib, waxa la caleemo saaray laba suldaan, oo mid ka
mid ahi ku yimid, habkii iyo xeerkii dhaqanka beesha u yaalay marka ay dooranayaan
caaqil ama suldaan.
Sidaa darteed, habkan xulashada sandaladan
dimuquraadiyada ku dhisan caqliga ayaa ah wakhtigan mida ugu qiimaha iyo
sharafta badan marka loo eego sandaladda dhaxaltooyada ah, haddii ay ku dhaqmi
lahaayeen beelaha reer Somaliland habkan xulashada ee hanaankeedu wanaagsan
yahay, wax-weyn ka tari lahayd dhaqan doorsoonkan ku dhacay suldaanada dhaqanka
ee ku milmay siyaasada.
Sababtoo
ah, waxa aad arkaysaa inay maanta tahay sudlaannimadu magac iyo darajo lagu
danaysanayo, taasoo dantii reerku ay lahaayeen
ku keentay laf jab iyo cadaawad, waxa kale oo reeraha ay ka soo jeedaan u soo
jiideen magac xumo iyo sumcad xumo-weyn,
isla-markaana ku noqotay canbaar iyo naaneys xumo aan ka hadhi doonin,
mararka qaarkoodna, waxa aad moodaa inay cadow ku yihiin beelihii ay ka soo
jeedaan, Murti soomaaliyeed baa tidhaahda “ Madax aaddan lahayn miyirkiisa la
isma saaro”.
Marka aynu arrimahaas oo dhan ka soo gudubno, Xanaanka
waxa la yidhaahdaa kama tagana dhaqanka diinteena suuban ee Furqaan, waana waxtarka
la is taro, sida, abaal-gudka, baadida oo la siku celiyo, in laga fogaado
sameynta waxyaalaha meelka dhaca ah, af-xumada, af-lagaadada, cayda,
dhir-baaxada, xabada, lana xaq-dhowro dhowro dhamaan dumarka sharafkooda iyo
milgahooda.
Balse,
marka ay arrimahaas oo dhami ay dhacaan, labadii dhinac ee ay wax-kala gaadheen
haddii aanay dhameysnin oo aanay isku dulqaadan, waxa dhici jirtay in qofka wax
loo tirinayo la golle keeno ee lagu soo cadeysto, waxa jirta xeer ciqaabeed la
mariyo qofkaas oo in xaal lagu xukumo, xaalkaas oo ah xoolo qofka wax trisanaya
lagu dhaahiyo, iyadoo wixii uu trisanayey lagaga bogsiinayo, waxa kale oo uu xaalku
noqon karaa gabadh la siiyo qofka wax
tirsaday.”
Waxa
kale oo iyana jirta Ergo, waa dad si toos ah ugu taga cida ay wax u
sheeganayaan , waxaanay noqotaaa ergadu mid la ajiibo (La yeelo) iyo mid la
diido oo la yidhaahdo, “ waxa aad wadataan gar iyo garow toona kama ogolin”, soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa “Ergo wixii La farona way geysaa, wixii la
siiyana way cuntaa”.
Maganta: Dhaqanka Somalida waxa ka reebban in maganta
la laayo, maganta waxa look ala saaraa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula
taal, Magan kuu timid, Magan kula joogta, Magan kaa tagtay iyo Magan kugu soo
socota.
Laakiinse,
marka maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad xeer leedihiin
waxa ka timaadda dhibaato badan oo sababta in la isku dilo, masalan ninka
gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo ee illaa
saddex awoow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo) kaa
doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo magan kugu soo socota ah, la
dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa nin
kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu qaldmay, sidaas ayey u kala kiis
culus yihiin.
Xaal : Haddii aad maqasho arrintaa xaal baa ku waajibay ama hebel xaal hala
siiyo, waxa weeye nin laga xarago qaatay
ama xumaan lagu sameeyay, isla-markaana, wixii lagu sameeyey isna samayn kara
ayaa lagu dhaahiyaa xoolo, si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan), xoolahaas ayaa la yidhaahdaa “Xaal”.
Bal
aynu tuducan gabayga ah eegno “Calow maqal cantuugad badhkeed waa calool
melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal ciyaar
iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu ninka
wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.
Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha xaalka la isu siiyo garowshiiyo la
siiyo qofka xumaanta loo geystay oo laga raali-galiyo qaladka lagu sameeyey, sidoo
kalena waxa ka mid ah Faras xaal la isku siiyo iyo gabdhahana oo xaal la isu
siiyo marka ay aflagaado jirto, laakiin haddii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee
waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.
Waxa haboon in la siku dulqaato, haddiise uu qofku dulqaadan kari waayo waxa
haboon inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa, ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka ahayn
waxaas iyo waxaas ayuu igu sameeye, taasoo inta badan lagu dhameeyo
raali-galin, balse, haddii ay intaasi ku
dhamaan weydo waa inuu naqaa ninkii cabanayey,
naquna waa guhaan.
Dhinaca kale, marka ninka wax laga tirsanayaa uu
yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waa inuu ninkii wax tirsanayey uu garnaqsado,
haddiise uu ninkii laga cabanayey garaabi-waayo, waxa haboon inuu ka ergoodo oo
uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo haddii aanad odhan waar gacalow ninkaa
hebel halayga qabto oo aad wax sameyso arrintaas waa lagu ceeboobaa, maxaa
yeelay, waxaad lumisay migihii iyo sharaftii aad lahayd, cidina hadhow kuu
garaabimayso, waxaana kugu filan miyaad nagu sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.
W/Q: Maxamed Faarax Qoti
Xigahso: Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caara-dhuub)
dhaqanyahan ku
xeel-dheeraa dhinaca suugaanta

Maganta: Dhaqanka Somalida waxa ka reebban in maganta la laayo, maganta waxa look ala saaraa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timid, Magan kula joogta, Magan kaa tagtay iyo Magan kugu soo socota.
Xaal : Haddii aad maqasho arrintaa xaal baa ku waajibay ama hebel xaal hala siiyo, waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, isla-markaana, wixii lagu sameeyey isna samayn kara ayaa lagu dhaahiyaa xoolo, si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan), xoolahaas ayaa la yidhaahdaa “Xaal”.
Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha xaalka la isu siiyo garowshiiyo la siiyo qofka xumaanta loo geystay oo laga raali-galiyo qaladka lagu sameeyey, sidoo kalena waxa ka mid ah Faras xaal la isku siiyo iyo gabdhahana oo xaal la isu siiyo marka ay aflagaado jirto, laakiin haddii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.
Waxa haboon in la siku dulqaato, haddiise uu qofku dulqaadan kari waayo waxa haboon inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa, ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka ahayn waxaas iyo waxaas ayuu igu sameeye, taasoo inta badan lagu dhameeyo raali-galin, balse, haddii ay intaasi ku dhamaan weydo waa inuu naqaa ninkii cabanayey, naquna waa guhaan.
W/Q: Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid