Sidaa darteed haddii
aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo
tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”
Ninka
hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn isaga iyo
ubadkiisaba oo aan ka hadhin jirin illaa iyo sagaal awoow, bulshada dhexdeedana
waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo
maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay
wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", sababtoo ah, markhaatiga
fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob.
Laakiinse, Ninka
markhaati been ah furaa waxa lagala noqon jiray kalsoonidiisa iyo
xeer-beegtinimadiisa, waxaana la odhan jiray
"Ninkaasi xaajo qaad ma aha", oo macnaheedu uu yahay ninkaasi
war-gal ma aha, oo looga qaateen ma aha’, waxaana raaci jirtay ninka ay maalintaasi ka
xumaatay jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo
"Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama
tago", waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama ragganimo ayaad kaga
tagtaa.
Ninka ka hor-dhaca
ee suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga
qaban waayey, isagana waxa la odhan jiray "Farasow kacdaada iyo kadladaada
isla sug".
Haddaba inta aynaan u sii guda-galin noocyada gar
xeer-beegti, waxa aynu halkan ku eegi doona asal ahaan halka laga soo dheegtay
macnaha erayada saddexan ee Gar xeer iyo
beegti.
Gar: waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka lagu xidho
ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida
askarta loo figeeyo oo kale.
Xeer: waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la
dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.
Beegti: waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh,
sidaa darteed bay gartu u leedahay weedho u gaar ah (Thermanology), sida ay
mihnad kastaaba ay u leedahay luqad iyo weedho u gooniya.
Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan
yihiin, sababtoo ah waxa taasi loola jeedaa in mushkilad walba xal u helisteeda
lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon, Somaliduna waxay
tidhaahdaa "Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu
doonaa",
Gar-kala dareeris: maaha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ay u
eegtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan oo kale, isla markaana ragga had iyo
goor garta caynkaas oo kale ah wax ka qabtaa waa ragga ku sifooba
samatalisnimada.
Gartan waxa had iyo goor loo qaadaa laba qabiil ama laba-qof, inkastoo
cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, waxaana lagu dhaqmaa cidii
wax-gaysatay wax loogu yeedho” Qaboojis,
jilid-salaax, sacabo-wadhad, marka gartan lagu jiro waxa jirta xikmad tidhaahda
"Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday".
Laakiin waxa jirta xikmad kale oo iyana tidhaahda "Walaalkaa hadii
candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho", taas oo loola jeedo, ninkii
aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa.
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen
Suldaannimo, ka dibna waxay goor barqo ah ay iskula tageen nin Xidaar ah
(Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii , waxaanu ku yidhi
"Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya", ka dibna, hadhkii
ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin
ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aan ka
kicin bacadkiina ugu soo galay, markaas buu dhididay oo uu haraaday, halka
ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey.
Markii ay gaadhay
galabnimadii ayuu u yimid odaygii Guurtida ahaa, waxaanu arkay labadii nin oo
uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo
aanu silic waxba uga dhinayn, Odaygii Guurtida ahaa ee ay yidhaahdeen na kala
saar ayaa yidhi "Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isku garnaqaye,
waayo buu yidhi:- ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw
jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada
iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo", sidaas ayeyna gartii
labadaa nin ku dhamaatay.
Marka aynu eegno dhinacyada
wax tirsanaysa ee dhibta loo geysto waxa loo jeediyaa, Naq, Cabatin iyo
baanis, tusaale ahaan marka nin si kama’
ah u dhinto wax hidaayo ah ma’laha ee waxa la kala qaataa oo la kala gurtaa
magtii oo dhan ee ahayd boqolka halaad, iyadoo jifida mar’la kala qaato,
qubanahana ama magweyntana mar’la kala qaato, amaba mar’saddexaad,
isla-markaana, wixii hadhaa magta ka ahna
la isa siiyo.
Laakiinse, marka
wakhti kale arrintan oo kale ay ku dhacdo qoladii wax laga dilay waxa ay yidhaahdaan
"maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin",
isla markaana, hadimotalisyada meesha
joogaa ay u Go’ ridaan, ka dib, qoladii soo dhex-gashay ayaa tidhaahda
"Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha".
Sidoo kalena, iyana waxa jirta in la yidhaahdo
"Reerku hadii aanu lahayn laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda
(Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma’aha,
waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, tusaale ahaan, ninkii 100-ka halaad lahaa
marka ay raggii dhexda ahaa ku xukumaan 150- Halaad iyo gabadh godob-reeb ah,
isla markaana la yidhaahdo "Waa mag-dharaareed", mag-dharaareedna waa
magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo
noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arrintaasi xal kale malaha, gartaasina
waxay ku foorartaa qoladii wax dishay……….. la soco
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid