Marka dhowr nin oo
ilmaadeer ahi ama saaxiib ahi uu mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay la
hadli waayaan, odhan waayaana maxaad ninka ku maagaysaa waxay loo qaadanayaa
wada qabasho dad-ban, markaa Somaliduna waxay tidhaahdaa “Hadal kun isku
ogtahay kow ma odhan waydo.
Dhaqanka garteena marka
la garamayo ama la dacwiyayo waa “Carrab eegato”, wixii uu ninku afkiisa ka
yidhaahdo ayuun baa wax loogu qabataa, hadii aanad odhan markhaati baan haystaa,
guddidu markhaati kuma waydiin karto, taasi waxay noqonaysaa Eexasho.
Ninka garnaqasanayaa waa
inuu hadalkiisa dhaabadeeyaa, waxna u cuskadaa, haddii aanu hadalkiisa lafayn (Rugayn) oo aanu
markhaati ooggan ama odhan rugtaasaan arrintaa ka fadhiyaa, sidan oo kale
“garta hadii aan waayo waan waayey, hadiise ay wax ii cadaadaan waan doonayaa
(Waan u fadhiyaa) arrintaasi waxa ay leedahay”.
Sidaa awgeed baa loo
yidhaahdaa marka la garnaqsanayso afar arrimood ayaa garta lagu waayaa, sida
“ 1) Af-waa (hadal-garanwaa), 2)
Habrasho (dhiirasho la’aan), 3) cadayn la’aan iyo 4) iyada oo lagaa eexdo.
Marka aynu ka nimaadno
noocyadda garnaqsiga iyo habka doodaha garnaqsigu u dhacaan, haddana guud ahaan
waxa la eegi jiray marka wax la isku qabto ee la garnaqsanayo saddex arrimood
oo kala ah, Qadaf (Gef), Qabno (Adduun) iyo Qoomaal (Dhiig), ka dibna, waxa loo
sii kala saari jiray gartaasi laba qaybood oo kala ah, Garley iyo
Garowshiiyo-lay.
Haddii ay garley noqoto waxa la furaa dood iyo dacawi ay wada galaan dhinacyada
iska soo horjeedaa, laakiinse, haddii ay noqoto garawshiiyaley waxa lagu
saleeyaa laba hal mid uun, Curad mise Ugub, isla-markaa, haddii arrinta la isku
hayaa ay tahay wax hore u dhacay oo hore looga gar-naqay, waxa la yidhaahdaa waa Curad, sidaa darteed
waxa loo eegaa maaraynteeda, wixii xeer uga yaalay ee ay wax ku kala qaateen dadka ama qabaa’ilka arrintu dhex-taal.
Laakiinse, haddii aanay
ahayn mid hore u dhacday, waxa la yidhaahdaa waa ugub, ka dibna, waxa xal u
helideeda ka fekera, isla-markaana, talo iyo go’aan ka gaadha ragga ay markaa
dhextaal, illayn waa tii hore loo yidhi: (Raq-ba waa ku rageed).
Waxa inta badan dadka iskaga
darsama garta iyo dowga, waxaana la yidhaahdaa “Waa gar, dowse maaha” sidaa
darteed, waxa ka mid ah Qofka Jid leh, ama muduciga ah (Dhibanaha) marka loo
garqaadayo in la siiyo mudnaanta koowaad, sida: inuu hadalka, oogista
markhaatiga ku horeeyo, in la weydiiyo xiliga uu garta uu diyaar u yahay, wixii
loo geystay iyo inuu ka samraayo.
Waxa iyana soo raaca waa haddii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay, jidku
waa cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo galeen ayaan kuu
gaynayaa, waxa kale oo jid ahaan jiray inaad gartaada cid u igmato, qarreen
qabsato, ambiil qaadato, qofka aan caqligiisu dhamayn, maganta iyo maatida aad
masuulka ka tahay inaad xaqooda baadi doontaana waa jid.
Dhanka kalena haddii aad
maqasho ereyada “Dhaweeye iyo Dhameeye”, dhaweeyuhu waa ninka laga leeyahay
arrinta wax ka qabashadeeda, laakiinse, gudbinteeda leh, waxaanu gaadhsiiya cidda
wax ka qabashadeeda leh, halka uu Dhameeyuhuna uu yahay ninka arinta wax ka
qabashadeeda leh ee aanay jirin cid kale oo uu isaga riixaa……………. La soco
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
Haddii ay garley noqoto waxa la furaa dood iyo dacawi ay wada galaan dhinacyada iska soo horjeedaa, laakiinse, haddii ay noqoto garawshiiyaley waxa lagu saleeyaa laba hal mid uun, Curad mise Ugub, isla-markaa, haddii arrinta la isku hayaa ay tahay wax hore u dhacay oo hore looga gar-naqay, waxa la yidhaahdaa waa Curad, sidaa darteed waxa loo eegaa maaraynteeda, wixii xeer uga yaalay ee ay wax ku kala qaateen dadka ama qabaa’ilka arrintu dhex-taal.
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid