Murti soomaaliyeed baa tidhaahda, Saddex waa gar,
saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed, “Reerku ha guuro waa gar, Sahan la’aan
inuu guuraana waa gardarro, Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In
tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku
qadiyaana waa galabsigeed, Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed
inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed”
Guud ahaa dadka reer Somaliland waxa ay leeyihiin xeer dhaqan
oo ay ku kala gar-bixi jireen marka ay soo dhex-maraan arrimo la xidhiidha
dhinaca dhaqanka iyo wada-noolaanshaha ay ku timaado dhibaatooyin, khilaaf iyo
degenaansho la’aan.
Qabiilo kasta ama Beelo kasta oo isku dhaqan ah oo isku deegaan ahiba waxa ay
leeyihiin xeerar ka dhaxeeya oo ay kuwada macaamilaan, kuna kala baxaan oo ay
ku xaliyaan marka ay dhibaato kala gaadho.
Waxa kale oo iyana jirta in reer kastaaba ama
qabiilkastaaba dhexdiisa waxa uu leeyahay xeer hoosaadyo ay isku maamulaan, xeerarkaas mar waa xanaan marna waa la isku
anshax mariyaa marka qof reerka ka mid ahi qalad galo, isla-markaana, waxa uu
xeerkaasi noqon karaa xeer-san ama xeer-qalafsan oo aan xanaan lahayn, sidoo
kalena, waxa uu xeerkaasi siinayaa qof-kasta oo ka mid ah beesha inuu leeyahay xuquuq iyo waajibaad u gaar ah,
sida, Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo isaguna uu wax ka bixiyo, kaalo la
isa-siiyo, waxaana xeerarka dhaqanka ku dabakha Oday-dhaqameedyada beelaha
hoggaamiya ee sida, Odayaasha, Nabaddoonadda, Caaqilada, Suldaannada, Garaadada,
Boqoradda. IWM, kuwaasoo yidhaahda , sidaas ayaa inoo xeer ah.
Boqor, Ugaaska, suldaanka,
caaqilka iyo darajooyinka la mid ka ah waxa loo eegi jiray ninka loo dooranayo hab-dhaqanka iyo
dabeecadaha uu leeyahay, sida; Diinta, Deeqsinnimo, Geesinnimo, Garyaqaannimo,
codkarnimo iyo Dhaqanka.
Boqor asal ahaan waa
kalmad giriig ah oo macno ahaan noqonaysa “ Qoraxda iga illaali biyahana iigu
roonow”, taasoo ka soo jeeda boqorka aboorka iyo boqoradda shinidu ay leedahay.
Haddaba, marka uu
geeriyoodo boqor la calleema saaray waxa dhaxli jiray wiilashiisa ka ugu weyn,
haddii aanu wiil lahaynna waxaa dhaxli jiray ragga ay walaalaha yihiin mid ka
ah, hase yeeshee, dumarka darajadaas qabiiladu umay dooran jirin dhaxalna umay
siin jirin, laakiinse, darajooyinka kale
waxa ay ku iman jireen hadba sida uu dhigay xeerarka dhaqanka qabiilkastaaba
dhexdiisa uu ku leeyahay, taasoo ahayd in uu ku yimaado hab-xulasho ama dhaxal.
Sidaa darteed, waxa aynu halkan ku eegi doonaa
Beel ama qabiil xeer-dhaqan soo jireen ah u lahaan jiray inay ku soo xushaan hab-doorasho
gadh-wadeenka reerka marka uu geeriyoodo ama uu hawl-gab noqdo, waxaana ka fadhiisan jiray xubno ka mid ah
guddi hoosaadyo ay beeshaasi lahayd, kuwaasoo ka soo dhex-xullan jiray beesha ninka caaqilnimada reerka u noqonaya.
Ka dibna, waxa ay guddidaasi u eegi jireen, Diinta,
sharafta, karaamadda iyo daacadnimada uu leeyahay, iyagoo ku qiimeyn jiray
dhinaca, Dhaqanka, Codkarnimo, Garyaqaannimo, Hawl-karnimada, Caqliga, Aqoonta,
Xikmadda, Da’da iyo waayo-aragnimada uu leeyahay ninka gadh-wadeenka reerka u noqonayaa.
Waxa dhacday inay sameysteen Suldaankii ugu
horeeyey ee ay yeeshaan, kaasoo ay ku soo xusheen sidii uu dhigaayey xeerka
dhaqanka beeshu ee ahayd habka xulashada, isla-wakhtigaas, waxa xafladii caleemo
saarka suldaanka lagaga dhawaaqay in aanay ahayn sandaladani mid ku timid
dhaxal ama aanay noqon doonin mid la kala dhaxlo, balse, suldaanku cusub ee ka
danbeeyaa uu ku iman doono habka-xulashada rabitaanka aqlabiyada reerku ninka
ay u soo doortaan suldaannimada.
Muddo toban sannadood ah ka dib, markii uu
geeriyooday suldaankaas (AHU), waxa la isku khilaafay oo la siku qabtay in loo caleemo
saaro wiil uu dhalay, taasoo aan waafaqsanay sidii uu dhigayey xeerka dhaqanka
beesha uga yaalay marka ay banaanaato jagada caaqilnimada iyo suldaannimadu.
Nasiib darro’se, xaajadaas kumay dhamaanin
guul iyo is-afgarad, waxa taasi sabab u ahaa ka dib, markii faro-galin kaga
timid, suldaanno ka mid ah 14- suldaan oo ay isku beel-wadaag ahaayeen, kana
mid ahaa 71-ka suldaan ee ka jiray deegaankaas,
kuwaasoo sandaladoodu ay ahayd mid
ku timid dhaxal iyo arrimo siyaasadeed oo kale, balse, aan ku iman habka
xulashada doonista rabitaanka beelaha ay matalaan.
Waxa kale oo arrintaasi ku abuurtay cabsi, ku
dhalisay inay sas ka qaadaan habka xulashada dimuquraadiyada ku dhisan
caqliyadda ee lagu soo xulanayey suldaannimaddu ay wiiqi doonto sandalada
dhaxaltooyada ah, waa haddiiba ay maqlaan beelaha ay ka soo jeedaan, isla-markaana,
iyagoo ka duulaaya siyaasadda ay ku illaashadaan sandalada dhaxalka ah, waxa ay
isku dayeen sidii ay u sii hurin lahaayeen khilaafkii yaraa ee beeshaasi soo
kala dhex-galay, waxaanay qayb laxaad leh kaga qayb qaateen kala jabinta beel
xoog ku lahayd wada jirka iyo walaaltinimada, isla-markaana, xeer -dhaqan u
lahayd habka-xulashada rabitaanka beesha
aqlabiyada ugu badan inuu ku soo baxo
gadhwadeenka reerku…… la soco..
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid