Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/11aad.
Waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geeddi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, sahan la'aanna lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii, laba-geeddi ayuu guuray, wuxuunna reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay deggel cidlo ah. Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood dhacameed u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday maalinkaas, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyeystay, oo yara laama-doodsan, ayaa Ninkii caaqilka ahaa oo aan weli ka quusan ayaa ka daba yimid oo soo raadceeyey, ayaa goor casar gaaban ahayd ayuu meel gaaban kaga soo mudh yidhi Odaygii reerka oo ge...