Tuesday, July 16, 2019

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka. Q/4aad


Gar-jileed:  Gar jileed ama Gar-badh waxa loo yaqaanaa garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin habaabiyo, macne ahaan kama taggana buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eeg wixii loo sheeganaayey,  si markaas dadka goobtaasi jooga uu ugaga qosliyo, isagoo doonaya in ay labaduba isku nooc noqdaan.

Gar dad-ban: Somalidu iyagoo aan moodayn in gartani tahay mid garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda,  waxa jirta xikmad tidhaahda "Qosolna hiil leh", taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo.

Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa ay ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan.
Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa.

Tusaale ahaan waxa la yidhi nin yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu Abii Daalib, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan u dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin", laakiin Cali Binu Abii Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada ka muuqda", laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku yidhi "Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna nebigii ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma haysataa", Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay "Maya ma haysto markhaati", intaa ka dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi "Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin', laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii muslinka ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay sii". Waayo hadii sidii Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama markhaati lagu kala sed-qaado.

Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco.
Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.

Waatii hore loo yidhi:  Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay”.

Waxa la yidhi waraabaa ku dhaartay “Waataan ragga qarniga 21-aad ka miciin hooseeyaa, inaan arrinkaasu sidaas ahayn” waxaana la weydiiyey muxuu qabaa ragga qarniga 21-aad joogaa, wuxuu ku jawaabay “Ri dhoobo gashay baanay labaatan nin ka saari karin.”
Raggii hore magaca iyo dhegta ayuu xeerin jiray ee manfac iyo eex ma eegi jirin,  laakiinse, maanta waxa aad arkaysaa in gartii iyo gobonimadii ay ka mudan tahay cuntada iyo eexdu, murti-maahmaaheed ayaa tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin.

Marka laga hadlaayo doodaha iyo erey-bixinta garta  marka la qaadaayo waxa ka mid ah, xadhig, xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah, Dooc iyo Dareen,  waxa kale oo dhaqamada garta ka mid ah, mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo iyo mar uu hojiye leeyahay.

Waxa kale oo noocyada garahaasi marka la qaadaayo  loo kala saaraa afar qaybood oo kala ah, Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug.

Duco:  waa hadalka ugu horeeya ee  lagu bilaabo garaha maadaama aynu nahay umad muslim ah,  ka dib, waxa la yidhaahdaa bisinka faataxadda inoo mara, waana la maraa, sidaa awgeed,  waxa la yidhaahdaa “ Faataxo dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.
Marka ay garamayaan labada qof ee ay wax ka dhexeeyaan muduciga (qofka wax tirsanaya)  iyo Mudaacale (qofka wax laga tirsanayo), waxa ku horeeya muduciga, waxaanu hadalkiisa ku bilaabaa, (Islaam Allaay Erey wayga duco, Erey wayga didiif, Erey wayga dacwi, Ereyna wayga maluug”,  markaa erey waa iga duco, “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax lahayna aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn, laakiinse, ragga muduciga ah qaar baan ducaba hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda “Saddex erey iyo maluug baan ka hadlayaa’.


No comments:

Post a Comment

Mahadsanid