Wednesday, July 17, 2019

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka Q/5aad


Didiif:  waa afeef, waxaana la odhan jiray  “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi jiray iga hadhan iyo weedho kale oo la mid ah”, sidaa awgeedna, had iyo goor  marka la garamayo waa lays-xujayn jiray, waxaana la odhan jiray i “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah Nacfi-jiid, Naas-jiid iyo Lug-jiid”,  waxa loola jeedaa Nacfi-jiid waa ninka wax la siiyo, Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (Abtiga loo yahay), Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa  “Saddex nin midna markaati iguma furo.”

Dacwi:  waa halka ay gartu u dhimato ee (Ugu muhimsan), Allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale kala baxaa, dacwiga waa habka loo sheegato waxa aad leedahay iyo sidii aad ugaga hor degi lahayd, waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, taasoo ay ka mid tahay, “Hadii uu odhan doono”  adigoo ku hadlaaya af-macaan, oo aan waxna dhimayn, waxna aan dhaafayn, isla-markaana ku daraaya talo iyo xirib.

Maluug: Waa wax kasta oo la tuhmo, laakiinse,  aanad cadayn loo hayn, tusaale ahaan,  ninka muduciga ahi waxa uu odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin, balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci baan ka fadhiyaa, haddii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”. Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo, iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga.

Bal aynu eegno xiligan marxaladda lagu jiro iyo waayaha dambe, sida gartu tahay iyo sida gabayada iyo suugaantu u sii shiiqayaan, abwaanka Caanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa tuducyo ka mid ah gabayadiisa uu kaga hadlo waxyaabaha dhacdooyinka cajiibka ah wuxuu yidhi, “Waayeel gadoodoo, gacalkiyo xigaalkii, gantadii ku madhiyoo, misna loo garaaboo, gabadh ugub la siiyoo, gudbiyoo isdhaafshoo, ku gabaati qaatoo, yidhi geeri ma ahayn, waa xaal guracan oo guran oo la yaabloo, waxan uga gol leeyahay ruuxii gartow sheeg.

Marka dhowr nin oo ilmaadeer ahi ama saaxiib ahi uu mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay la hadli waayaan, odhan waayaana maxaad ninka ku maagaysaa waxay loo qaadanayaa wada qabasho dad-ban, markaa Somaliduna waxay tidhaahdaa “Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan waydo.
Dhaqanka garteena marka la garamayo ama la dacwiyayo waa “Carrab eegato”, wixii uu ninku afkiisa ka yidhaahdo ayuun baa wax loogu qabataa, hadii aanad odhan markhaati baan haystaa, guddidu markhaati kuma waydiin karto, taasi waxay noqonaysaa Eexasho.
Ninka garnaqasanayaa waa inuu hadalkiisa dhaabadeeyaa, waxna u cuskadaa, haddii  aanu hadalkiisa lafayn (Rugayn) oo aanu markhaati ooggan ama odhan rugtaasaan arrintaa ka fadhiyaa, sidan oo kale “garta hadii aan waayo waan waayey, hadiise ay wax ii cadaadaan waan doonayaa (Waan u fadhiyaa) arrintaasi waxa ay leedahay”.
Sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa marka la garnaqsanayso afar arrimood ayaa garta lagu waayaa, sida “  1) Af-waa (hadal-garanwaa), 2) Habrasho (dhiirasho la’aan), 3) cadayn la’aan iyo 4) iyada oo lagaa eexdo.
Marka aynu ka nimaadno noocyadda garnaqsiga iyo habka doodaha garnaqsigu u dhacaan, haddana guud ahaan waxa la eegi jiray marka wax la isku qabto ee la garnaqsanayo saddex arrimood oo kala ah, Qadaf (Gef), Qabno (Adduun) iyo Qoomaal (Dhiig), ka dibna, waxa loo sii kala saari jiray gartaasi laba qaybood oo kala ah, Garley iyo Garowshiiyo-lay.
Haddii ay garley noqoto waxa la furaa dood iyo dacwi ay wada galaan dhinacyada iska soo horjeedaa, laakiinse, haddii ay noqoto garawshiiyaley waxa lagu saleeyaa laba hal mid uun, Curad mise Ugub, isla-markaa, haddii arrinta la isku hayaa ay tahay wax hore u dhacay oo hore looga gar-naqay,  waxa la yidhaahdaa waa Curad, sidaa darteed waxa loo eegaa maaraynteeda, wixii xeer uga yaalay ee ay wax ku kala qaateen  dadka ama qabaa’ilka arrintu dhex-taal.
Laakiinse, haddii aanay ahayn mid hore u dhacday, waxa la yidhaahdaa waa ugub, ka dibna, waxa xal u helideeda ka fekera, isla-markaana, talo iyo go’aan ka gaadha ragga ay markaa dhextaal, illayn waa tii hore loo yidhi: (Raq-ba waa ku rageed).

Waxa inta badan dadka iskaga darsama garta iyo dowga, waxaana la yidhaahdaa “Waa gar, dowse maaha” sidaa darteed, waxa ka mid ah Qofka Jid leh, ama muduciga ah (Dhibanaha) marka loo garqaadayo in la siiyo mudnaanta koowaad, sida: inuu hadalka, oogista markhaatiga ku horeeyo, in la weydiiyo xiliga uu garta uu diyaar u yahay, wixii loo geystay iyo inuu ka samraayo.

Waxa iyana soo raaca waa haddii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay, jidku waa cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo galeen ayaan kuu gaynayaa, waxa kale oo jid ahaan jiray inaad gartaada cid u igmato, qarreen qabsato, ambiil qaadato, qofka aan caqligiisu dhamayn, maganta iyo maatida aad masuulka ka tahay inaad xaqooda baadi doontaana waa jid.
Dhanka kalena haddii aad maqasho ereyada “Dhaweeye iyo Dhameeye”, dhaweeyuhu waa ninka laga leeyahay arrinta wax ka qabashadeeda, laakiinse, gudbinteeda leh, waxaanu gaadhsiiya cidda wax ka qabashadeeda leh, halka uu Dhameeyuhuna uu yahay ninka arinta wax ka qabashadeeda leh ee aanay jirin cid kale oo uu isaga riixaa.
Murti soomaaliyeed baa tidhaahda, Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed,  “Reerku ha guuro waa gar,  Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro,  Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed,  Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed”
Guud ahaa dadka reer Somaliland waxa ay leeyihiin xeer dhaqan oo ay ku kala gar-bixi jireen marka ay soo dhex-maraan arrimo la xidhiidha dhinaca dhaqanka iyo wada-noolaanshaha ay ku timaado dhibaatooyin, khilaaf iyo degenaansho la’aan.
Qabiilo kasta ama Beelo kasta  oo isku dhaqan ah oo isku deegaan ahiba waxa ay leeyihiin xeerar ka dhaxeeya oo ay kuwada macaamilaan, kuna kala baxaan oo ay ku xaliyaan marka ay dhibaato kala gaadho.
Waxa kale oo iyana jirta in reer kastaaba ama qabiilkastaaba dhexdiisa waxa uu leeyahay xeer hoosaadyo ay isku maamulaan,  xeerarkaas mar waa xanaan marna waa la isku anshax mariyaa marka qof reerka ka mid ahi qalad galo, isla-markaana, waxa uu xeerkaasi noqon karaa xeer-san ama xeer-qalafsan oo aan xanaan lahayn, sidoo kalena, waxa uu xeerkaasi siinayaa qof-kasta oo ka mid ah beesha  inuu leeyahay xuquuq iyo waajibaad u gaar ah, sida, Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo isaguna uu wax ka bixiyo, kaalo la isa-siiyo, waxaana xeerarka dhaqanka ku dabakha Oday-dhaqameedyada beelaha hoggaamiya ee sida, Odayaasha, Nabaddoonadda, Caaqilada, Suldaannada, Garaadada, Boqoradda. IWM, kuwaasoo yidhaahda , sidaas ayaa inoo xeer ah.
Boqor, Ugaaska, suldaanka, caaqilka iyo darajooyinka la mid ka ah waxa loo eegi jiray  ninka loo dooranayo hab-dhaqanka iyo dabeecadaha uu leeyahay, sida; Diinta, Deeqsinnimo, Geesinnimo, Garyaqaannimo, codkarnimo iyo Dhaqanka.
Boqor asal ahaan waa kalmad giriig ah oo macno ahaan noqonaysa “ Qoraxda iga illaali biyahana iigu roonow”, taasoo ka soo jeeda boqorka aboorka iyo boqoradda shinidu ay leedahay.
Haddaba, marka uu geeriyoodo boqor la calleema saaray waxa dhaxli jiray wiilashiisa ka ugu weyn, haddii aanu wiil lahaynna waxaa dhaxli jiray ragga ay walaalaha yihiin mid ka ah, hase yeeshee, dumarka darajadaas qabiiladu umay dooran jirin dhaxalna umay siin jirin,  laakiinse, darajooyinka kale waxa ay ku iman jireen hadba sida uu dhigay xeerarka dhaqanka qabiilkastaaba dhexdiisa uu ku leeyahay, taasoo ahayd in uu ku yimaado hab-xulasho ama dhaxal.

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid