Saturday, March 30, 2013

Waa Maxay Xikmadda Ku Jirta Tirooyinka 1-9? Q/1-aad

                                                                                                                                                                                   30th /March/2013




Waxa aynu qormadeenan taxanaha ah ku eegidoonaa xikmaddaha ku jirta Tirooyinka Mucjisooyinka Quraanka kariimka, Jidhka Aadamaha iyo Tirooyinka Kow illaa iyo Sagaal (1-9), haddii aynu u fiirsano tirooyinkaas, waxa ay inna tusinayaan in ay ku gaddaaman yihiin xikmaddo rabaaniya, isla-markaana ay ku duugan yihiin wax-yaabo badan oo mucjisooyin lagu cimri qaato oo loogu shugri naqo Alle (SW), tusaale ahaan hadda waxa aynu ku soo qaadan doonaa xikmadda ku jira Dhinaca tirooyinka iyo Mucjisooyinka Quraanka Kariimka ah, waana sidan:-


  Tirrooyinka iyo Mucjisooyinka Quraanka kariimka ah:-  

 1.    Ma ogtahay in Quraanka kariimka ah in kalmada (Qamar) waa dayaxa’e ay ku jirto 27- jeer, isla-markaana, uu dayaxu dhulka ku wareego 27-maalmood.

2. Ma ogtahay in Dayaxu uu dhulka u jiro 300,000 km, xididada dhiiga ee jidhka aadamuhuna ay yihiin 100,000km dherer ahaan, islmarkaana uu dhiigu ku soo wareego 20, ilbidhiqsi oo kaliya.

3.    Ma ogtahay in  Quraanka kariimka ah in  kalmada (dhulka) ay ku jirto 13- jeer, halka ay kalmada (Badda) ay ku jirto 32-jeer, haddaba marka aad eegto celcelis ahaan waxay ku tusinaysaa inta Barriga ah iyo inta badda ah ee uu Alle dhigay kownkan aynu ku noolnahay.

4.   Marka la isku geeyo tirada Dhulka oo ah 13 iyo tirada badda oo ah 32= waa 45,   isla’markaana celcelis ahaan waxay noqonaysaa Dhulka 13/45*100=  28.8888888889%.  Badduna waa 32/45*100= 71.1111111111%,  sidaas bay ku noqonaysaa  Dhulku inuu yahay 29%, Badduna ay tahay 71%.

5.    Ma ogtahay in  Quraanka kariimka ah in  kalmada (Labka iyo Dhadiga) waa Ragga iyo Dumarka ay ku jirto 23- jeer mid-kiiba, taasoo noqonaysa 46 chromosomes oo ah unugyada aadamuhu ay ka kooban yihiin ee loo yaqaano hido-wayaasha.

 Tirrooyinka iyo Jidhka Aadamaha:-


6.    Ma ogtahay lafta ugu dhumucda weyn uguna dheer-jidhka Aadamaha inay tahay Bowdada.

7.    Ma ogtahayse in lafta ugu yar ee jidhka Aadamahu ay tahay lafta dhegta dhexdeeda (Meddle ear).

8.    Ma ogtahay in unug kasta oo ka mid ah unugyada dhiiga uu ku wareega jidhka oo dhan mudo 60 daqiiqadood ah.

9.    Ma ogtahay in Xubinta ugu Weyn jidhka Aadamaha gudihiisa in ay tahay Mindhicirka yar, dhererkeeduna yahay 20 feet).

10. Ma ogtahay in ay caruurtu ku dhalato 300 lafood, laakiin marka aynu weynaano jidhkeenu leeyahay 206 lafood.

11. Ma ogtahay in Jidhka Aadamuhu leeyahay 600 Muruq, oo noqonaysa 40% miisaanka jidhka.

12. Ma ogtahay in unuga ugu weyn ee jidhka Aadamaha uu yahay Ugxanta   dumarka (ovum),waxaana lagu qiyaasaa 1/180 inch in diameter,

13. Ma ogtahay in unuga ugu yare e Jidhka Aadamuhuuu yahay unuga shahwada ee raga.waxaan lagu qiyaasaa inay tahay qiyaas 175,000 sperm cells.

14. Ma ogtahay in xubinta ugu weyn jidhka aadamaha ay tahay Maqaarka laguna qiyaaso inay tahay 25 square feet.

15. Ma ogtahay in muruqa ugu dheer jidhka Aadamaha la yidhaahdo  Sartorius

16. Ma ogtahay in Sanbabka Midix uu ka yar yahay Sababka Midig ee jidhka Aadamaha.

17. Ma ogtahay in lafta kaliyaatee ee aan Lafkale aanay ku xidhiidhsanayn ee jidhka Aadamaha tahay Lafta Daanka (hyoid) .

18. Ma ogtahay in Nooca dhiiga aduunka ugu badani uu yahay O.

19. Ma ogtahay in  45 miles of nerves uu lee yahay maqaarka jidhka Aadamuhu.

20. Ma ogtahay in Xididada dhiiga ee jidhka Aadamuhu ay yihiin 60,000 miles.

21. Ma ogtahay in garaaca wadnaha ee Dumarku ka dhakhso badan yahay garaaca wadnaha ee Raga.

22. Ma ogtahay in Jidhka Aadamaha Halkii minute ay dhintaan 300 -million oo unug .

23. Ma ogtahay in 2000 ee caruura in mid ka mid ahi ku soo dhasho ilko.

24. Ma ogtahay in raamsiga muruqyada daamanka culayskoodu yahay 200pounds.

 


 Waa maxay xikmadda ku jirta  Tirooyinka  Kow illaa iyo Sagaal (1-9)?  


Waxa aynu qormadeenan taxanaha ah ku eegidoonaa xikmaddaha iyo mucjisadda ku jirta Tirooyinka Tirooyinka Kow illaa iyo Sagaal (1-9), haddii aynu u fiirsano tirooyinkaas, waxa ay inna tusinayaan in ay ku gaddaaman yihiin xikmaddo rabaaniya, kuna duugan yihiin wax-yaabo badan oo mucjisooyin ahi, tusaale ahaan haddaynu u soo qaadano xikmaddaha ku jira Dhinaca tirooyinka  Kow illaa iyo Sagaal  (1-9),   waxa aynu odhan karnaa waa sidan:-

Tiradda Kow (1):-

 1.    Ma ogtahay in Alle (SW) aanay cidi la wadaagin Kallinimada  (1)

Tiradda Laba (2):-

 1.     Ma ogtahay in Alle (SW) uu ka yeelay kownkan  dhamaan, Dad, Xoolo, Dhir iyo Xayawaanba  uu ka dhigay (2) Nooc , lab iyo Dhadig.

2.     Ma ogtahay in Aadamaha,  Xoolaha iyo Xayaawaankuba ay leeyihiin marka lag reebo xamaaratada (2) indhood, jeen-yood (Gacmood), lugood, dhegood, kelyood, Sanbabood.

3.     Ma ogtahay in  Shaykastaa uu ka kooban yahay (2) Habeen iyo maalin, Nabad iyo Colaad, Nolol iyo Geeri, Farxad iyo Naxdin, Mugdi iyo Iftiin,Caafimaad iyo Cudur, IWM.


Mr. Maxamed Faarax Qoti
Tell: 2522-063-4426743

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid