Saturday, March 30, 2013

Waa maxay xikmadda ku jirta Tirooyinka Kow illaa iyo Sagaal (1-9)? Q/2-aad



                                                                                                                                                              30th /March/2013

Waxa aynu qormadeenan taxanaha ah ku eegidoonaa xikmaddaha iyo mucjisadda ku jirta Tirooyinka Tirooyinka Kow illaa iyo Sagaal (1-9), haddii aynu u fiirsano tirooyinkaas, waxa ay inna tusinayaan in ay ku gaddaaman yihiin xikmaddo rabaaniya, kuna duugan yihiin wax-yaabo badan oo mucjisooyin ahi, tusaale ahaan haddaynu u soo qaadano xikmaddaha ku jira Dhinaca tirooyinka  Kow illaa iyo Sagaal  (1-9),   waxa aynu odhan karnaa waa sidan:-



Tiradda Saddex (3)
Biyaha iyo Xidhiidhka Nolosha Aadamaha :-

1.     Ma ogtahay in Barako ay ku jirto kuwaas oo lagama’maar-maan u ah Aassaasska Nolosha Aadamaha (3) Shay ee Madow, “Hawada, Biyaha,Timirta”.

2.     Ma ogtahay in lagama’maar-maan u tahay Aassaasska Nolosha Aadamaha (3) Shay, “Hawada (Air), Biyaha(Water),Cuntada(Food)

3.     Ma ogtahay in  qofku hawo la’aan noolaan karo mudo (3) Daqiiqadood.

4.     Ma ogtahay in  qofku Biyo la’aan noolaan karo mudo (3) Maalmood ah.

5.     Ma ogtahay in  qofku Cunto la’aan noolaan karo mudo (3) Todobaad ah.

6.     Ma ogtahay in Nabigu Maxamed (CSW)  uu inoo sheegay in la iska ilaaliyo (3) da,-Cad-Cad. “ Sonkorta, Milixda, baruurta.

7.     Ma ogtahay in sadexda cad-cad laga qaado (3) da Cudur ee ugu khatar san dunida “ Sonkorow (Diabetic), Dhiig-karka, iyo Subowga (Cholesterol).

8.      Ma ogtahay in Mar-khaatigu Raga uu yahay (3) qof.

9.     Ma ogtahay in Biyaha Weysaysiga jidhku uu yahay saddex (3) Jeer,

10.    Ma ogtahay in Ka-may-dhashada jinaabadu ay tahay saddex (3) Jeer.

11.    Ma ogtahay in Maydhida Maydku waajib tahay (3) Jeer,

12.  Ma ogtahay in Illmaha marka uu dhasho lagu waajibiyey  (3) Shay “ Yixda oo laga xiiro, in loo wan-qalo, iyo Magac loo bixiyo”.

13.   Ma ogtahay in Furniinka la baneeyey (3) Jeer.

14.  Ma ogtahay in Tufku uu yahay (3) Jeer.

15.    Ma ogtahay in (3) ka mid ah jidhka Aadamaha uu kooban biyo, “Maqaarka 60% waa biyo,”Maskaxda 75% waa biyo,” Dhiiga 83% waa biyo”.

16.    Ma  ogtahay in Khashin-saarka biyaha jidhka aadamuhu uu yahay (3) Nooc, “Kaadi, Dhidid, Neefsashada”.

17.   Ma  ogtahay in Maalintii Khashin-saarka biyaha jidhka aadamuhu uu yahay (3) Quarts.

18.   Ma  ogtahay in Maalintii biyaha jidhka aadamuhu uu u baahan yahay (3) Quarts

19.    Ma ogtahay in Biyaha Nadiifta ah loo isticmaalo (3) Shay, Cabitaan,Karinta   cuntada iyo maydhidooda, Maydhashada Jidhka.

20.    Ma ogtahay in Biyaha aan Nadiifta-ahayni ay ku-dhashaan (3) Nooc, Protozoa, Bacteria, Viruse.

21.    Ma ogtahay in haddii la’cabo Biyo aan nadiif ahayn oo leh “Protozoa” ay keeni karto  (3)da Cudur ee kala ah, Amoeba,Giardia, iyo Crypto(sporidium).

22.    Ma ogtahay in haddii la cabo Biyo aan nadiif ahayn oo leh “Bacteria” ay keeni karto  (3) Cudur, “Shuban-dhiig (Shuban). Daacuun (Cholera) iyo Typhoid”.

23.    Ma ogtahay in haddii la cabo Biyo aan nadiif ahayn oo leh “Viruses” ay keeni karto  (3) Cudur, Beer-xanuun “Hepatitis”, Yellow-fever, Cudurka Dabeysha”Polio(myelitis).

24.    Ma ogtahay in Biyaha lagu nadiifin karo (3) hab,”Daaweyn, Kar-karinta ”Bioling” iyo Isticmaalida Qalabka  “Filter”.

25.     Ma ogtahay in dhagaha Aadamuhu leeyihiin (3) Semicircular Canals

26.  Ma ogtahay in dhagaha Aadamaha Dhexdoodu leeyihiin (3) Ossicles

27.    Ma ogtahay in Aadamuhu uu ka kooban yahay (3) Qaybood “ Naf (Soul), Spiritual (Ruux) iyo Jidh (Body)

28.  Ma ogtahay in Habdhiska wareega dhiigu ka kooban yahay (3) (Wadnaha, Dhiiga iyo Xididada) 

29.  Ma ogtahay in  Habdhiska Neefsashada ay ka kooban tahay (3) (Sanka,Hawo mareenka,iyo Sanbabada) 

30.  Ma ogtahay in  Hab-dhiska Qashin saarku ka kooban yahay (3)  (Sanbabada,Min-dhicirka weyn,Kalyaha) 

31.  Ma ogtahay in Hab-dhiska Neerfuhu ka kooban yahay (3) (Maskaxda, Laf-dhabarta”spinal cord” iyo Xididada neerfaha) 

32.  Ma ogtahay in ku Abuurida Illamaha Uurka hooyada uu maro (3) marxaladood, “Candhuuf, Xinjir, Jiidh”

33.  Ma ogtahay in miisaanka maskaxda Aadamuhu ay tahay (3) Pounds”.

34.  Ma og tahay in min-dhicirka yar (Small Intestinal) uu ka kooban yahay  3 qaybood  (a) Qaybta sare waa xuub khafiifa oo qoyan kaasoo sii daaya dheecaamada dareeraha ah (serum stratum)  (b) Qaybta dhexe oo muruq ah (muscular stratum) (t) Qaybta gudaha ah (mucosa stratum) waa shay is-jiidanaya oo wareegasan oo ka kooban qanjidhada midhicirka yar iyo  lymphatic vesicular.

35.   Ma ogtahay in Maskaxada  Aadamuhu ka kooban tahay (3) Qaybood “Cerebrum, Cerebellum, the brain stem “

36.  Ma ogtahay in Qaybaha jidhka  Aadamaha ee aan Timaha lahayni ay yihiin  (3) Qaybood.  “Dibnaha( on the lips),  Baabacada (on the palms of the hands), Cagta -hoosteeda (soles of the feet)
37.  Ma ogtahay in  Timaha Jidhka Aadamahu ka kooban yahay (3) Midab, “ Dahabi ama Casaan(Blond or red hair), Madow (Black or Brown hair), Cadaan (Gray or White hair)
38.  Ma ogtahay in Caanaha Naaska Hooyadu uu ka kooban yahay  (3) Qaybood, “ Dux (Fats), Biyo ( Water) iyo Nafaqo (Protein)
39.   Ma ogtahay in suxulku (Elbow joints) jidhka Aadamuhu ka  kooban yahay  (3) Lafood.

40.  Ma ogtahay in Ilkaha Aadamuhu ka kooban yihiin (3) Qaybood, “ Gaws, Miciyo, Foolasha.

41.  Ma ogtahay in  Jidhka Aadamaha qaarka mid ahi ay ka kooban yihiin (3) Xaraf, “ San,Lug,Far,

42.  Ma ogtahay in  Toban ka mid ah Jidhka Aadamaha ay kooban yihiin (3) Xaraf luuqada  ingiriisiga, “arm ,toe ,eye ,ear ,leg ,hip ,lip ,gum ,jaw ,rib.

43.   Ma ogtahay in Goor-sheegtu ka kooban tahay (3) qaybood, Il-bidhiqsi (Seconds), Minutes, Saacad (Hour).

44.  Ma ogtahay in Faa’idada malabku uu lee yahay Caafimaadka Aadamaha ay tahay (3) shay “ Tamar (Energy),  Dhisida Difaaca jidhka (Immunity), Macdano ( Elements )

45.  Ma ogtahay in  Shinidu ay ka kooban tahay (3) Nooc. “ Boqorada ( a single female Queen bees), Shinida Lab”Dronebee”, Shinida Dhadig”Workersbees”

46.   Ma ogtahay in beedka shinidu uu ahaa Beed mudo (3) Cisho ah.

47.  Ma ogtahay in Larva shinidu ay ahaato Buulay mudo (3) Cisho ah.

48.   Ma ogtahay in Lulubada shinidu aya ahaato Lulubo mudo (3) Cisho ah.

49.   Ma ogtahay in marada Hidaha iyo Dhaqankeena ee ay dumarku xidhaan la yidhaahdo (3) Qayd.

50.   Ma ogtahay in Hidaha iyo Dhaqankeena dumarkeenu ay xidhan jireen ay tahay (3) Shay, “ Boqor-darayo muusa, Dhaclo, Cunaabi.

51.   Ma ogtahay in Dhisida hore ee  Aqal somaligu uu ka kooban yahay (3) Shay, “ Udub ,Dhigo, Loolka”

52.  Ma ogtahay in Guurka Dhaqanka somalidu uu yahay (3) Habeen,” Habeenka Hoynta, Habeenka Labaad, Habeenka Sadexaad(Gaafka)”

53.  Ma ogtahay in Guurka lagu Waajibiyey Ninka  uu yahay (3) shay,” Masruufka, Mariinka,Galmada”

54.    Ma ogtahay in Xididku uu ka kooban yahay (3) ,” Seedi ama Dumaashi, Sodog iyo Sodoh”

55.  Ma ogtahay in ay yihiin Waxa Aduunyada ugu qaalisan ee ay Aadamuhu ay aad u  jecel yihiin ay yihiin  (3) Shay, “ Candhuufta Caarada(waxaana laga sameeyaa Maryaha Xariirta ah), Xaarka Nibiriga (Canbarka waa udug), Caruurta (Ubadka).

56.  Ma ogtahay in  xiliga jiilaanku uu yahay (3) billood.

57.  Ma ogtahay in  xiliga Gu-gu uu yahay (3) billodd.

58.  Ma ogtahay in  xiliga Xagaagu uu  yahay (3) billood.

59.  Ma ogtahay in  Xiliga- Deyrtu ay tahay (3) billood.

60.  Ma ogtahay in Xoolaha la-dhaqdaa ay ka-kooban yihiin (3) Nooc, “Geel, Adhi iyo Lo”

61.  Ma ogtahay in  Adhigu ku qaan-gaadho (Puberty) mudo ah (3) Billood ah.

62.   Ma ogtahay in Gaadiidkii hore ay ahaan jireen  (3) “ Gun-buri,Faras iyo Dameer”

63.  Ma ogtahay in Atomku ka kooban yahay (3) Qeybood “ Proton, Neutron, and Electron”.

64.  Ma ogtahay in Xadhka  Laydhku uu maro ay ka  kooban yihiin (3) Fays, Negative, Positive and Neutral


Mr. Maxamed Faarax Qoti
Tell: 2522-063-4426743



No comments:

Post a Comment

Mahadsanid