Saturday, March 30, 2013

Waa Maxay xikmada ku jirta Tirooyinka kow illaa iyo Sagaal (1-9) ? Q/3-aad


                                                                                                                               30th /March/2013

Waxa aynu qormadeenan taxanaha ah ku eegidoonaa xikmaddaha iyo mucjisadda ku jirta Tirooyinka Tirooyinka Kow illaa iyo Sagaal (1-9), haddii aynu u fiirsano tirooyinkaas, waxa ay inna tusinayaan in ay ku gaddaaman yihiin xikmaddo rabaaniya, kuna duugan yihiin wax-yaabo badan oo mucjisooyin ahi, tusaale ahaan haddaynu u soo qaadano xikmaddaha ku jira Dhinaca tirooyinka  Kow illaa iyo Sagaal  (1-9),   waxa aynu odhan karnaa waa sidan:-



Tiradda Afar (4)
 1.     Ma ogtahay in Alle Subxaanahu wa-tacaalaaye wuxuu soo dejiyey (4) Diimood “ Sabuur,Furqaan,Injiil, Towraat)
2.      Ma ogtahay in Diimahaasi ay laahaayeen (4) Kutub “ Quraan,Sabuur, Injiil,Towraat
3.     Ma ogtahay in Rusushu ay ahaayeen  (4) Rusul “Ibraahim,Muuse,Ciise, Maxamed.
4.     Ma ogtahay in quraanka lagu sheegay (4) Dumar ah “ Maryama Bintu cimraan, Gabadhii fircoon, Gabadhii boqor casiis, Gabdhii Nabi-luud” 
5.     Ma ogtahay in ay yaraantoodii ku hadleen (4) Caruura” Nabi Ciise, Wa-saaxibu jureyr, Wa-shaahidu Yuusuf, iyo Ukhduud”
6.     Ma ogtahay in Alle Subxaana wa-tacaalaaye uu nafta galiyo Ilmaha marka uu Uurka hooyada ku jiro (4) billood
 7.     Ma ogtahay in Afada Ninkeedu geeriyoodo inay qaado Asay  (4) Bilood iyo 10 habeen.
8.     Ma ogtahay in Salaada Duhur ka kooban tahay (4) Ragcadood.
9.     Ma ogtahay in Salaada Casar ka kooban tahay (4) Ragcadood.
10.   Ma ogtahay in Salaada Cashaa’I  ka kooban tahay (4) Ragcadood
 11.   Ma ogtahay in ay jiraan (4) Nololood “Nolosha Uurka, Nolosha Ifka, Nolosha Aakhiro, Nolosha janada/Cadaabta”
 12.   Ma ogtahay in Sunnigu ka kooban yahay (4) Mabhadood “ Xanafi, Maa’liki, Shaafici,Xanbali
 13.   Ma ogtahay in Maydka lagu waajibay  (4)  Shay “ in la maydho,in- la‘kanfo,in-lagu tukado,iyo in-la’aaso.
 14.   Ma ogtahay in Meertada Nolosha Aadamuhu ay marto   (4) Marxaladood “ Caruur, Dhalin-yaro, Xoog”Medial Age” Waayeel.
 15.   Ma ogtahay in Dhiiga aadaamuhu u qaysamo  (4) Nooc “A,B,O,AB”,
 16.   Ma ogtahay in Raga loo baneeyey inay guursadaan (4) Dumar ah
 17.   Ma ogtahay in Jihooyinku ka kooban yihiin (4) Jiho “ Waqooyi, Koonfur,Barri,Galbeed”
 18.   Ma ogtahay in maalintu leedahay (4) Xili “ Aroor,Duhur,Galab,Fiid”
 19.   Ma ogtahay in Cayayaanka uu soo maro (4) Mar-xaladood “ Beed(egg,Ovale), Lulubiy (Larve), Pupa , Imago
 20.   Ma ogtahay in cayayaanka marka laga reebo Duqsiga ay leeyihiin (4) Baal
 21.   Ma ogtahay in faryadu oo ah faraha ta- (4) aad aanay kaligeed dhaqaaqi Karin.
 22.   Ma ogtahay in Wadnuhu ka kooban yahay (4) Qeybood
 23.   Ma  ogtahay in Qeybaha Ilkaha aadamuhu ay yihiin (4) “ Foolasha sare,iyo kuwa hoose, Miciyaha
 24.   Ma ogtahay in Qaaciidada xisaabta ee la raaco inay tahay  (4) Qaybood” Isugeyn, Isku-dhufasho,Kala-jarid Isku-qeybin.
 25.   Ma ogtahay in Xiliyadu ka kooban yihiin (4) Xilli “ Gu, jiilaal, Xagaa, Deyr”
 26.   Ma ogtahay in Bishu ka kooban tahay  (4) Usbuuc
 27.   Ma ogtahay in walaxuhu ay maraan  (4) qaab” Solid (Adke),Liquid (Dareere), Gas, Plasma “
 28.   Ma ogtahay in Dheemantu ay leedahay (4) Gees.

Tiradda Shan (5)

1.     Ma ogtahay in tiirka islaamka uu ka kooban yahay  (5) Tiir, “ Qirida Alle (SW) iyo Rasuulkiisa Muxamed (CSW), Oogida salaada, Soonka, Sakada, iyo Xajka”
 2.      Ma ogtahay in Alle (SW) uu Aadamaha ku waajib yeelay inay gutaan maalintii (5) Salaadood.
3.     Ma ogtahay in Xidigtu ay leedahay (5) Gees.
4.     Ma ogtahay in Min-dhicirka yar uu yahay (5) Metters.
5.     Ma ogtahay in  Habka Dareen wadayasha Aadamuhu uu yahay (5) Nooc, “ Araga, Maqalka,Urta, Dhadhanka, Taabashada.
6.     Ma ogtahay in  Dhadhanku ka kooban yahay (5) qaybood,” Macaan”Sweet”, Dhanaan”Salty”,  Dhadhanka Cuntada “Sour”, Qadhaadh “ Bitter”  iyo Umami .
7.     Ma ogtahay in Codka Aadamahu ka kooban yahay (5) qaybood, Hadalka”Talking” , Dhawaaqa Heesaha(Singing), Qosolka(Laughing ) , Oohinta (Crying) iyo Dhawaaqa caruurta Dhalata (Screaming)
8.     Ma ogtahay in geedku ka kooban yahay  (5) Qaybood, Xidid (Root), Jirid (trunk),  Laan (Brunch), Caleen (leaves) iyo Twing
9.     Ma ogtahay in mid ka mid ah xayawaanka cuna xoolaha loo yaqaano (5) Magac, “ Waraabe, Dhurwaa,Dhidar,Weere,Goole waraabe”
10.    Ma ogtahay in waydiimaha su’aaluhu ay ka kooban yihiin (5) qaybood, Maxay “What”, Sabab”Why” Xagee” Where” Kuma “Who” Goorma “When”

Tiradda (6)
1.    Ma ogtahay in tiirka Iimaanku  ka kooban yahay  (6) Tiir, “ Rumaynta Alle (SW),  iyo Malaa’igtiisa, Rusushiisa,Kutubkiisa, Maalinta qiyaamaha, Qadarka khayrka iyo sharka .

Mr. Maxamed Faarax Qoti
Tell: 2522-063-4426743

    1 comment:

    Mahadsanid