Qisadii Askarigii Jeclaaday Wasiiradii Uu Illaaliayaha U Ahaa
Posts
Showing posts from 2021
Waa taariikhdii loo soo maray Codeyntii Dastuurka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland
- Get link
- X
- Other Apps
Waa dhacdo taariikhiya oo uu ku baahiyey bartiisa muuqaal araga ,id ka mid ah mareegaha muuqaal araga ee magaciisa la yidhaahdo Saxartire.news, taariikhdaas oo ahayd wakhtigii lagu jiray codeyntii Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdu markay ahayd 30-kii bishii shanaad ee sannadkii 2001
Askarigii Jeclaaday Wasiiraddii Uu Illaaliyaha u Ahaa
- Get link
- X
- Other Apps
Askari Illaalo u ahaa wasiirad ka mid ahayd Gollihii wasiiradda xukumaddii ex,ex, oo qabay gabadh u dhashay afar wiil iyo shan hablood, askarigaas oo muddo dheer illaalo u ahaan jiray wasiiraddaas ayaa markii danbe ku eegay ill kalgacal leh, askarigan waxa uu had iyo jeer fuuli jiray kurrsiga hore ee gaadhiga wasiiradda, isla markaana waxa uu muraayadda hore ee gaadhiga ka daawan jiray kursiga danbe ee ay saaarneyd wasiiraddu, taasoo wasiiradduna ay u arki jirtay had iyo goor nin feejigan oo illaalinaya, lana socda dhaq-dhaqaaqeeda iyo dareenkeeda. Wasiiraddu waxay ahayd shaqsiyad qalbi furn oo aad u naxariis badaneyd, isla markaana askarigan waxay ka dhigatay gacan yare u adeega, waanay caawin jirtay oo way guneyn jirtay, waxaanay la socotay duruufaha nolloleed ee ku gadaamnaa qoyskiisa wakhtigaas. Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu u waraaq ku qoray qoraal si farshaxannimo leh loo agaasimay, qoraalkaas oo ka turjumaayey qaabkii uu u halleelay...
Qaadigii Geel-qaadka Ahaa (Xukun Qar-qoosh)
- Get link
- X
- Other Apps
Sheeko Kale:- Gabadhbaa u soo dacwootay qaadi geel-qaad xiddaari ahaa oo ka shaqeyn jiray maxkamada rafcaanka ee degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, taariikhdu markay ahayd 1958-dii. Dacwootadaas ayaa u soo dacwootay maxkamada iyadoo ku soo eedaysay in uu damaaiyey nin ay isku deegan ahaayeen, ka dib markii maxkamadu furtay dhageysiga gal-dacwadeedkii dacwootada, waxay tidhi:- Anigoo baadidoona oo ka imid meel u dhaw tuulada dharkeyngeeyo, waxa iga soo hor baxay ninkan oo soo socda waddadii aan maraayey, isla markiiba waan naxay, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo. Dacwootadii iyadoo dacwaddeedii sii wadata waxay tidhi;- Waddadii ayaan uga leexday anigoo talaabada hoosta ka xadaaya, isaguna xagii aan u weecday ayuu u soo cago- duwaday, waxaana igu abuurrantay dareen cabsi leh, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo. Wali iyadoo Dacwootadii ku guda jirta duriddeedii ayey tidhi;- Waxoogaa ka dib, markii uu isoo gaadhay ayuu sida shabeelka igu soo booday, waan iska caabiyey oo aan iska caa...
Tuuggii Caaqilka Ahaa
- Get link
- X
- Other Apps
Sheeko Kale:- Dadku waxay leeyihiin awoodda garashada hal-abuurnimada ama wax hillaadisa, ama waxay leeyihiin awood ay kaga jawaabaan marka ay xaalad adagi soo wajahdo, awoodaasi waxay noqon kartaa mid aad u sareysa ama ka hooseysa heerka lagu qiimeeyo dareenka Aadamaha. Tuuggii Caaqilka ahaa ayaa u soo geed-fadhiistay gabadh gayaankiisa ah oo og in lagu xanto in uu tuug yahay, laakiinse, isagu muu ogayn in ay og’tahay, inkastoo, iyada laftigeedu ay taqaanay gacan dhaafka, haddana, isagu muu ogeyn in ay taqaano gacan-dhaafka, iyaduna way ogeyd in aanu ogeyn Maalin maalmaha ka mid ah oo ay amintu ahayd aroor hore oo saygeeduna ku maqnaa shaqadiisii, waxay aragtay adhi ahmin ah oo loo sii iibgaynayo saylada xoolaha lagu kala iibsado oo hor maraaya gurigii ay deganeyd afadaas, waxay ka soo dhufatay neef, waanay gowracday, ka dibna, way karisay. Saygeedii markii uu soo qado doontay ee uu yimid gurigiisii, waxa uu ku arkay casuumad si fiican loo agaasimay, waxaanu yidhi:- “ ...
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka Q/4-aad
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2021-ka, sababaha keenay isbadellada qulqulka tamarta billowga meerayaasha sannadkan 2021-ka , waxaana la odhan jiray waxa ku yimaada isbadelo badan dhinaca heerka nolosha, horumarka iyo kobaca dhaqaalaha, waxaana la dareemi doonaa farxad, marka la sahamiyo fikraddaha cusub iyo qaababka hal-abuurka nolosha dadka. Marka la gaadho xilliga Jiilaalka Bisha Aamin la’a 20-keeda sannadkan 2021-ka- Meeraha Raage oo ay wada xidhiidhi doonan maalinta caleemo saarka meeraha Mariikh, waxaa la filan jiray in la soo bandhigo isbadel nolloleed oo lama fillaan ah. Waxa kale oo Meeraha Raage saddex xagal kula kulmi doonaa meeraha Cir-jiidh, waxa la odhan jiray waxa dhici jiray kacdoon dadweyne oo wata rabshado ka dhacaan waddooyinka, isla markaana ciidamada difaca qaranka ayaa loo adeegsa...
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-kaQ/3-aad
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa howlgalka ku khaas ah: Inay ku jihaadaan naftooda oo ku xidhan dadka kale siiya diirimaad iyo in ay ku raaxeystaan nollosha. Xirfadaha: - Xirfadaha waxa lala xidhiidhiyaa quruxda, warshadaha, dharka lagu raaxaysto, abuurid farshaxannimada, xirfadda dawanka qoob-ka ciyarka, garsoornimadda iyo dhex-dhexaadiyayaasha. Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay:- Kkalyaha iyo kaadi haysta, Cudurada:- Caabuqa canbaarta, cudurrada maqaarka , kalyaha, kaadi haysta, sonkorowga iyo xannuunada xididdada. Xayawaanka:- Mulaca iyo xamaaratada. Midabkana wuxuu ku leeyahay:- Midabka buluuga ama casaanka aan aadka u iftiimeyn) basaliga, doogada. Macdantana:- Dhagaxaanta birta ah, safeeriga, cusbadda, macdanta dareeraha ah, meerkuriga, ciida. Dhagaxana:- Wuxuu kuleeyahay dhagaxaanta opal, tanzanites, emerald, diamond, birta...
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka Q-2-aad
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Nollosha Dadku waxay ku sugan yihiin:- Dhinaca nolosha waxa la wajihi doonaa kala doorashada wajiyada cusub, wajiyadii hore iyo hal-abuurnimada, haddaba waxa isweydiin muddan, in aynu isweydiino waa xagee jihada saxda ah ee aynu u soconaa, xageebaynu taaganahay iyo xageebaynu ka nimid ? . Waxa la dareemi doona dhinaca aqoonta in jahligii hore uu ka daran yahay jahliga maanta jira, waa jahli sita waraaqo shahaadooyin ah oo aanay waxbaba ugaga hooseyn oo aan waxtar lahayn, haddana waxay isku haystaan kuwo cilmi iyo aqoon leh. Runtana Allaa Og. Dhinaca Dhaqaalaha:- Maaliyadda iyo dhaqaalaha suuqyadu waxa ku iman doona khaladaad badan, waxaana fuuli doona culays macquul ah, halka qaybaha qaarkood sida, maalgashiguna uu kor u kobci doono, waxa kale oo goobo badan isku badeli doonaan dhismayaal dhaadheer, wadooyinka hareerahooduna waxay isku badeli doonaan go...
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2021-ka
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawa...