Waxaan aad u
jeclaystay in aad mar-labaad nala wadaagtaan sheekadan oo lagu baahiyey mid ka
mid ah wargeysyada madaxa-banaan ee ka soo baxa dalka jamhuuriyadda Somaliland.
Habka farshaxanimada leh ee qoraagu uu inoogu
soo gudbiyey bahdeena wax akhrida, hab-qoraaleedka sheekadaas oo ahayd mid aad
u iftiiminaysay xaaladda siyaasadeed ee wakhtigaasi ka taagnaa dalkeena, waxa
kale oo uu qoraagu si ladifan inoogu soo gudbiyey in wax wal oo la qasaaba ay
kala miirmaan , marka qaska laga daayo.
Waxaanu qoraalka
qormadiisaasi uu ciwaan ugaga dhigay, Sheeko kale: Way Qasayaan, taasoo uu ku
bilaabay qoraagu sidan:-
Xertu
waxa ay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena, waxaana lagu
baran jiray Aqoonta Islaamka iyo afka
Carabiga, xertu waxay ka dhex abuurantay nolosha miyiga ee reer guuraaga ah, oo
kolba halka ay u guuraan ayey iyaguna u guuri jireen, manaanay jirin meel u
gaar ah oo ay degenaayeen.
Waxa
kale, oo ay Xertu ahayd kulliyad guuraysa oo
dadka reer miyiga ah yar iyo weynba
bari jiray, Quraanka, culluumta Islaamka iyo Carabida, sidoo kalena,
waxa ay reer miyiga u maamuli jireen
dhaxalka, guurka, aaska, casharinta xoolaha, sekada, ducada iyo nabadaynta,
isla-markaana, Reer miyiguna waxay abaalgud u siin jireen xoolo.
Wakhti wakhtiyada ka mid ah,
Xer guuraysa oo Sheekh wato ayaa deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo
degtay, sheekhii ayaa ardaydii qaar u diray baligii oo ku yidhi, “Biyo inoo soo
dhaamiya.”
Markay ardaydii baligii tageen,
waxay arkeen baligii oo xoolo badani ka cabayaan, biyihiina la qasay oo ay
xareediina aad u dhooqowday.
Ardaydii markii ay ku soo
noqdeen sheekhii, waxay ku yidhaadeen, “Sheekh, way qaseen! Biyihii way qaseen!
Dadkii xoolaha waraabinayay biyihii way qaseen!”
“In yar iska suga. Biyaha iyo
dhooqadu ha kala miirmeene,” ayuu Sheekhii ardaydii ku yidhi.
ka dib, markii xoolihi baligii
ka dareereen, ayuu sheekhii u diray ardaydii, waxay arkeen biyihii oo kala
miirmay oo saafi ah, waanay soo
dhaamiyeen.
Ardaydii markay biyihii
keeneen degmadii xertu degenayd, ayaa
Sheekhii weydiiyay, “ Ka warama biyihii?”
“Sheekh, way kala miirmeen,”
ayay ugu jawaabeen.
“Ogaada, wax wal oo la qasaaba,
way kala miirmaan, marka qaska laga daayo!!!” ayuu ku yidhi sheekhii.
Qoraa/
Maxamed Faarax Qoti
“ Xigasho : Waxa Qoraalka sheekadan lagu
baahiyey Wargeyska Jamhuuriya ee madaxa-banaan ee ka soo baxa dalka
Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana qoray,
Prof. Cabdisalaam Yaasiin.”
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid