“Sheeko Gaaban: “ Boqor Iyo Saddexdii
Kiish ee Wasiiraddiisa “
Boqor ka mid ahaa Boqoradii ka soo taliyey aduunka qarnigii 16-aad
ee la soo dhaafay, inkastoo, Boqorkaasi lagu
tilmaami jiray inuu lahaa karti,
aftahannimo, hal-adayg iyo wax-qabad toosan oo lagu ma’jeerto, haddana, dadka indheer-garadka ah ee ka soo hor-jeeda
siyaasaddiisa, waxa ay qabeen arragti taa ka duwanayd, waxaanay ku dhaliili
jireen maamulkiisa inay ka jirto cadaalad
darro, eex, hufnaan la’aan iyo musuq-maasuq baahsan, taasoo ay sabab ugaga
dhigi jireen, la’xisaabtan la’aanta gollihiisa wasiiraddiisa.
Boqorka
waxa lagu xaman jiray inuu dabeecad u
lahaa isagoo soo jeeda inuu khuuriyo, waxaanay taasi sababtay inay soo
baxaan goddaloolooyin dhinaca maamul ee xukumadiisaasi, isla-markaana, gacan
yarayaashiisiina ay uguga faa’iideysteen wax-badan nidaamkii dowliga ahaa ee boqortooyadaas.
Boqorku
waxa uu amar ku siiyey saddex
wasiir oo ka mid ahaa Gollahiisa wasiirada inay tagaan dhul-beereed uu
ka bixi jiray geedaha midhaha khudaarta ah ee la cunno, waxaanu u dhiibay saddex kiish oo
madhan inay ka soo buuxiyaan khudaar.
Mid ka mid ah wasiiraddaasi waxa uu
ka soo buuxiyey kiishkiisii, midho khudaara oo aad u wanaagsanaa, halka,
wasiirkii labaadna, uu ka fikiray, maadaama uu
Boqorku soo jeedka ku khuuriyo, kolayba in aanu eegidoonin kiishka waxa
ku jira, isla-markaana, waxa uu ka soo buuxiyey kiishkii wax-kasta oo ay gaadhi
karaysay gacantiisu, kuwaasoo iskugu jiray midho wanaagsan iyo midho khaayisay,
wasiirkii saddexaadna, waxa uu kiishkiisii ka soo buuxiyey caleemo la qalajiyey
iyo carradii boodhka ahayd, isagoo ka fikiraayey inuu Boqorku u eegi doono kiishkasta
cufnaanta uu leeyahay.
Ka dib markii ay ku soo laabteen
Boqorkii, iyagoo sita kiishashkii ay ku jireen khudaartu, Boqorku, isagoo aan
eegin wixii ay sideen, ayuu amar ku bixiyey in loo taxaabo jeelka, laguna xidho
meelo kala duwan, muddo saddex billood ah, isla-markaan, aan loo ogolaanin in
la siiyo wax cunto ah, balse, loo
ogolaado kiishashka ay sitaan oo kaliya, ayuu yidhi Boqorku, isagoo ixtiraamayey
saddexdii wasiir.
Wasiirkii ugu horeeyey ee soo gurtay
midhaha wanaagsan, waxa uu cunaayey
saddexdii billood ee uu xabsiga ku jiray, wasiirkii labaadna waxa uu kaga baxay
macaluushii wakhtigii yaraa ee uu cunayey midhihii wanaagsanaa, markii ay ka
dhamaadeen midhihii wanaagsanaa, waxa uu cunnay midhihii khaayiska ahaa, kaasoo
markii danbena, ka qaaday xunnuun halis galiyey nolloshiisa intii ka hadhsanayd.
Halka kii saddexaadna, markii uu
waayey wax uu cunno ayey soo gaabatay cimrigiisii nolloleed ee ifka.
Arrintan waxa ay dadka u
iftiimisay inuu Boqorku uu ahaa nin soo
jeeda oo is gamaarinaya, waxaanay arrintaasi la yaab ku noqotay kuwii dhaliili
jiray nidaamkiisa hoggaamiyenimo ee uu ku xukumi jiray Boqortooyadaasi.
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid