23rd. Januery.2017
Muddo haatan laga joogo 12-Sannadood ka hor ayaan booqday
dhisme weyn oo loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka degmada saylac,
wakhtigaas, waxaan ku arkay dhismahaas oo hoy u noqday Ay’da ku nool degmadaas.
Annigoo arrintaas aad ulla yaaban ayaan weydiiyey oday ka
mid ahaa deegaankaasi, sababta keentay in dhisme weyn oo aad u qurux badan oo
loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka, in uu hoy u noqdo nooc ka mid ah
xayawaanada ku nool deegaankan.
Waxa uu iigu jawaabay odaygaasi, bulshada ku nool
deegaankani wax aqoon ah u malaha sida loo dabaasho iyo sida bada looga
kaluumaysto midnaba, mana jirto cid u
fidisay xirfadii ay kula soo bixi laahaayeen khayraadka bada ku jirta iyo cid
ku caawisay qalabkii ay ku kaluumaysan lahaayeen, markaa dhismaha weyn ee
halkan laga bineeyey waxa ka horeeya dadka oo la barro habka loo kaluumaysto,
taasaa sabab u ah in ay maanta dhismahaa qaaliga ahi uu u noqdo hoy Ay’da ku
nool degmada Saylaca, ayuu iigu jawaabay
Odaygaas.
Haddaba, marka aad eegto xukuumaddii hore iyo xukumaddan
maanta tallada haysaa waxa jira faraq –weyn oo u dhaxeeya dhinaca gaadiidka
qaada dadka bukaan jiifka ee loo yaqaano Ambulance’ka, kuwaasoo, xukumaddiii
hore ay tiradoodu ahaayeen 26-Ambulance oo kaliya, halka xukumaddan maanta
tallada haysaa ay ku kordhisay 181-Ambulance oo ka hawl-galla dhamaan goobaha
adeegyadda caafimaadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxa ay isweydiintu tahay dhamaan gaadiidkaasi
ma’laha qalabka Oksajiinta ee loogu tallo-galay qofka bukaanka ah, ama dhaawac
ku yimaado ee lagu soo qaado gaadiidkaas in la rakibo, isla-markaana, inta
qofka dhaawaca ah, ama bukaaanka lagu
soo wado cusbitaaladda, waxa suuro-gal ah in ay u dhintaan Oksajiin la’aan, inkastoo dhinaca xukumaddu ay sameysay dadaal
badan, haddana halkaasi waxa laga dareemayaa cidii dhameysitkeeda lahayd in
aanay iska xil-saarin.
Marka laga yimaado arrimahaas oo dhan, waxa maanta ayaan
darro ah in mishiinkii weynaa ee soo saari jiray Oksajiinta cusbitaalka weyn ee
caasimada Hargeysa uu u fadhiistay
dayac-tir la’aan muddo laba todobaad ah, kaasoo, lagula tacaali jiray dadka
bukaan jiifka ah ee yaala cusbitaalka weyn ay soo wajahday
war-war weyn iyo dadka aqoonta dheer u
leh caafimaadka oo ku tilmaamay in ay arrintaasi keeni doonto xaaladd khatar oo gaadhi karta illaa heer
dhimasho, dadka bukaanka ah ee aan awoodin in uu jidhkoodu sameeyo hawo qaadasho iyo
dadka xaaladoodu ay ku jirto miyir-doorsoonku ee lagula tacaali jiray
oksajiintaas macmalka ahayd ee uu soo saari jiray mishiinkaas.
Mishiinkan oo ay innagu caawisay hayadda laan-qayrta cas ee imaaraadka
carabtu sannadkii 2009-kii, waxaanu ahaa
mishiin qiimihiisu uu aad qaali u ahaa, waxaanu
qayb laxaad leh ka qaadan jiray badbaadada dadka ay ku yar tahay, hawo
qaadashada, dadka lagu sameynayo qaliinada, dadka ku soo dhaawacma shilalka
gaadiidka ee ay ku jira xaalad miyir-doorsoon,
dadka qaba xanuunadada neef-qabatowga, isla-markaana, waxa uu
cusbitaalku, hadda kula tacaalayaa mishiin yar oo gacanta lagu qaado, kaasoo
tiradoodu ay aad u yar tahay, waana mishiinadda yar yare e ku shaqeeya laydhka
ee soo saara Oksajiinta badhxan ee aan fiicnayn.
Gunaanadkii qormadaydan waxaan u soo jeedin lahaa Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane.
Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” in uu
arrintaas iyo arrimo kale oo badan oo aan loogu soo gudbinin war-bixino ka
turjumaya xaqiiqada dhabta ah ee ka jira
Wasaaradda Caafimaadka.
Madax-weyne waxaan Alle kaaga rajeynayaa inuu kula garab
qabto, hawlahaas iyo hawlaha kale ee ku sugaya.
W/Q: Maxamed Faarax Qoti
Telephone: 063-4426743
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid