Dharab waxa beddelay Sheekh Maxamed
Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa Sheekadii ugu cajiibka badneyd, taasoo illaa iyo hadda aan la fahmin ciriqa ka dhexeeya magacyada dadkan hoos ku xusan iyo Madaxweynayaasha had iyo goor hoggaanka u qabta talloda dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Markii loo doortay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa ku xidhnaa silsilad geed ku horyaalay madaxtooyada horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayĆ an ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? waxaannu iigu hal celiyey, Maya, Nin Maxamed la yidhaado oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doonna ee iska tag. Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan...