Posts

Showing posts from March, 2023

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd...

Image
Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd, shalayna waad ayaan xumeyd, maantana waad arag xuntahay. Sheekaba sheeko ayey keentaaye, nolosha miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo aasaasantay nolosheenu, waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geedi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, mida kale sahan la'aan lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii caaqilkaas, waannu guuray oo wuxuu reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay keyn cidlo ah. Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood ah u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyey...

Neefsasho wadajirta

Image
Neefsasho wadajirta aynu ku gaadhno  yoolka Dowladda Hoose  Hoggaamiyayaasha Dowladdaha waxa  udub dhexaad u ah  tayo'da wanaagsan ee ay leeyihiin dowladdaha hoose, taasoo waxtarkooda  lagu qiimeeyo hab-raacyaddan kala duwan, sida,  tallo-wadaagga, isla-xisaabtanka,  hufnaanta,  kartida, ku dhaqanka xeerarka iyo qaynuunka.  Haddaba, Duqa Caasimadda Hargeysa  ee Dowladda Hoose mudane, Cabdikariin Axmed Mooge wuxuu ku yimid codka dadweynaha ku nool Gobolka Maroodijeex, waxaanna loo aqoonsan yahay  in uu yahay hoggaamiyaha arrimaha bulshada ee ku yimid codkii ugu badnaa ee ay ku soo doorteen bulshadiisu,  maayarku kuma shaqeeyo qolo, qolo,  qabiil, umana shaqeeyo qolo gaar ah ama dannihiisa gaarka ah, balse waxa uu u tafaxaydan yahay  danaha bulshadii soo dooratay in uu horumariyo,  waxaannu door muhiima ka qaataa  horumarinta wadajirka bulshada deegaankan kuwada nool, wacyi galinta bulshada, kor u qaadida iska...

Magacyadii hore

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtidii iyo aqoon korodhsigeenii, maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa n magac bixinta loo eego dhinacyo badan, sida,  xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu leeyahay ilmaha dhashay, habeenka uu dhashay ilmuhu, godka dayaxu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa. Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana ama lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixiyaa Dirir, wiilka dhasha  dayaxa oo  fadhiyo Koxdin cawo,  waxa loo bixiyaa Cawaale, ama ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq , ama  Doobiro. Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi,  waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na  waxa loo bixiyaa illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda,  Kaaha ama Iftin,  wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushah...

Sheeko kale

Image
 SHEEKO KALE:  sheekadeenii ahayd waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ahayd ee markii hore uu ka soo dhacay iska shubay.  Ninkii inan la yaalka ahaa, markii uu xeradii soo dhex galay, waxa uu arkay wankii xoolaha ugu shislaa oo rafanaya, oo naftu ka sii baxayso, waxaannu is yidhi, neefkan ku soo gaadhi maysid nafta inta aad madiisha u soo sido, waxaannu go'aansaday in uu hurdadiisii iskaga noqdo, waannu ka baxay xeradii xoolaha, isagoo aad ugu adkeeyey oodii afsaarka u ahayd kadinka xerada....

Gorgorka

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa, Sawirka Maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Dagaalka Gorgorka iyo Maska, Gorgorku kulama dagaalamo Maska dhulka guudkiisa, laakiinse, Gorgorku marka uu la haado maska hawada sare ee dheeliga tiran ee xaaladduna ay isku beddesho dagaalka cirka, marka uu ku sugan yahay hawada sare ee dheeliga tiran Masku ma'laha adkaysi awooddeed oo uu ku sii dagaalamo, waxaannu dareemaa Tamar la'aan iyo habacsannaan badan.  Markii lagaga adkaaday Dagaalkii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ayey u soo rareen Dagaalkii Siyaasaddii Gudaha iyagoo waliba adeegsanaya maaweelliyayaal ah Hiddiwaallayaal iyo Gurabaaslayaal cadheysan oo loo soo xanbaariyey xumbo.  Haddaba, siyaasadda dagaalka gudaha ee la soo waaridday waa inaad u rarto dhinaca ruuxda, sababtoo ah caddowgaaga lagulama dagaallamo aagga ay ku raaxaysanayaan, laakiinse waxa muhiim ah in aad dagaalka u beddesho jiho kale, sida Gorgorka oo kale adigoo cibaadaysanaya, waxa aad gaa...

Degmadii Milk well ee xasaradda badneyd

Sheeko kale:  Oo aad u xiiso badan:  Wali waxa aynu ku jirnaa sawirkeenii sannadkii la soo dhaafay, sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Degmo ka tirsaneyd magaalo madaxda caasimadda Rooma ee Dalka Talyaaniga, Degmadaas oo la odhan jiray milk well District, inkastoo dadka reer Rooma ay lahaayeen qawaaniin cuddoon, xeegaan iyo xeerar dhaqan oo ay ku kala saari jireen marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaanshaha dadka reer Rooma. Arrintaas oo tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyinkii inta badan ka dhex alloosnaa Degmo milk well ee magaalada Rooma, taasoo ay degenaayeen dad xasarad badnaa oo la iska illaalin jiray, oo lakala illaalin jiray, lagana illaalin jiray dhibkoodu in uu gaadho bulshadii ku noolayd Caasimadda Rooma, iyaga laftigoodana waxa laga illaalin jiray in dhib ka soo gaadho bulshada inteeda kale ee ay wada degenaayeen. Arrintaas waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dhinaca  nabadda iyo degennaanshaha Caasimadda ...

CARABKA IYO FALKA

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Carabka iyo Falka, Kuwa isku sheega in ay yihiin Wariyayaal balse isku beddelay hidiwaalayaal dadka beenta ku maaweelinaya, madax-dhaqameeddada isku beddelay gurabaaslayaasha cadhaysan ee ku hadla hadallada aan murti badan xanbaarsanayn, Garaadlaawayaasha, Siyaasiyiinta ku hadla hadallada af-waajiga ah, Dhamaan Qorayaasha Qora afka Soomaaliga ee curyaamiyey dedaaladda loogu jiro horumarka arrimaha bulshada Somaliland. Runtii shaki kuma jiro in aynu wax kasta garanayno, laakiinse waxa hubaal ah in aynaan wax-badan ka fahamsanayn wixii aynu garanaynay, marka aynu ka nimaadno falka aan wanaagsanayn ee uu sameeyo xubnaha Jidhka Aadamaha, haddana carabku waa shayga kaliya ee aynu kaga bedbaadi karayno cadaabka Alle “SWT” . Carabku waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay, kuna xidhan yahay Maanka (qalbiga) aadamaha, kaasoo dhawaaqa dawanka codka dhiilada leh ee aan fiicnayn ee uu sa...

Murti carbeed...

 Murti Carbeed baa tidhaahda “ An-naasu calaa diiniy muluukihim” taasoo macno ahaan noqonaysa,  dadku waxa ay haystaan diinta madaxdoodu ay haysato. Hogaamiyuhu marka uu jecel yahay wanaaga, isaguna wuu wanaagsan yahay,  dadkuna way isku wada-eekaysiiyaan, balse, marka la ogyahay in uu xiiseynayo xumaanta, boobka, dhaca, dilka, iyo tumashada, dadkuna waxa ay is odhanayaan xagan buu jecel yahaye bal isku eekaysiiya, oo dhinaca xun ayey u kacaan. Haddiise qofka xun xumaan loogu jawaabayo, qofka wanaagsana wanaag loogu jawaabayo, dadku waxa ay door-bidayaan in ay wanaagsanaadaan, kii wanaagsanaana waxa uu ku sii  dhiiranayaa inuu wanaagsii sii laban-laabo, isla-markaana umadiina ay wada-wanaagsanaato.

Dalka ugu faca-weyn Adduunka. Q/5-aad

Image
19. Somaliland: Taariikhyahannadu waxay xusaan in lala xidhiidhiyo inay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, halkii ay ka soo unkatay ilbaxnimadii hore iyo ganacisgii hore ee adduunka. Isla markaana bulshadii hore ee ku noolaydna qaarkood ay u haajireen Levant oo ah gobolka xeebta dhereran ee ku yaala bariga badda Mediterranka ee ka soo bilaabmata waqooyiga Siiriya iyo Koonfurta Masar oo ah halka kala qeybisa dadyowga kala duwan iyo dhaqannadii soo jireenka ahaa. Somaliland waxa ay ku taallaan gacanka geeska Afrika, waxay xuduud la leedahay xeebta koonfureed gacanka cadmeed, waqooyi galbeedna waxa ay xuduud la leedahay Dalka Jabuuti, dhinaca Koonfureed iyo Galbeedkana waxa ay xuduud la leedahay Dalka Itoobiya, dalka Soomaaliyana Bariga, Somaliland dadkanku nooli waxa ay rumeysan yihiin Diinta Islaamka, waa dad isku af ah, isku diin ah, isku dhaqanka ah.  Qarnigii 18-aad illaa iyo Qarnigii 19-aad badhtamihiisii waxa ay maxmiyad u ahayd dalka Ingiriiska, ka dib markii xornimadda ka qaad...

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q. 4-aad

Image
 16. Ireland: Jamhuuriyadda Eerland waxa naafeeyey qulqulkii dadkii u soo dhoofi jiray, dagaalo sokeeye, dagaaladii diinta Kiristaanka, kii midowga iyo madaxbannnaanida.  Dadka Ayrishku waa ilbaxnimadii hore ee adduunka, nolosha dadka Ayrishku waxa ay ku tiirsanaayeen beeraha, waxaana lagu qiyaasaa jiritaankooda illaa iyo in ka badan 10,000- oo sannadood ka hor. 17. Faransiiska: Dalka Faransiisku waxa uu soo jiray in ka badan 1000-kun sannadood, waxaannu caan ku yahay dhacdooyinkii ugu caansanaa sooyaalkii taariikheed ee reer Yurub, sida, Kacaankii Faransiiska ee sannadkii 1789-kii, Dagaalkii Napoleonka iyo duulaankii Jarmalka ee sannadkii 1914 illaa iyo sannadkii 1940-kii. Billowgii aasaaska dowladda Faransiiska waxay ka dhalatay xoojinta awoodda iyo ballaadhinta dhulka iyadoo loo marayo dagaal in lala galo boqorradii Ingiriiska iyo Habsburgs. Dadka ku nool fransiiska waxa lagu qiimeeyaa dhinaca diimaha in boqolkiiba konton (50%) ay haystaan mad-habta Catholicism iyo Prote...

Dalka ugu faca-weyn Dunnida. Q.3-aad

Image
10. Georgia: Jeerjiyada cusub waa halkay ka soo unkatay soo saarista khamriga, waxaad ku arkaysaa jalxaddihii hore ee la isticmaali jiray ku dhawaad 8,000 oo sannadood ka hore. Dadka reer Jeerjiya intooda badan waxa ay haystaan mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka, halka qeyb kalena ay haystaan diinta Muslimka. 11. Sudan: Jamhuuriyadda Dalka Suudaan waxa hore u soo xukumi jiray boqortooyadii Karma taariikhdu markay ahayd 2,500 -illaa iyo 1,500 oo sannadood CH, nolosha dadka reer suudaan waxa ay ku tiirsan yihiin labanka, ugaadhsiga, kaluumaysiga, beerista heeda iyo dhaqashada xoolaha, intooda badan waa Muslim, marka laga reebo inta haysata diinta Kiristaanka. Sida la xaqiijiyey waa dad ka soo barakacay lama degaanka saxaraha, markay dalka suudaan yimaadeena waxa ay noqdeen beeralay. 12. Itoobiya : Jiritaanka Dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 2,000-sannadood CH. Dadka ku nool dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa 80-qoomiyaddood, waxaannay boqolkiiba saddex iyo afartan ...

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q/2-aad

Image
5. Armaaniya: Sooyaalka Taariikheed ee raadraaca Armaaniya ayaa lagu qiyaasaa jiritaankeeda muddo 3,500- oo sannadood. Nidaam dowliya oo ka hirgala Dalka Armaaniy waxa ugu horeeyey qarnigii lixaad, inkastoo gobolkan la aaasaasay taariikhdu markay ahayd 782-kii, haddana waxa lagu tilmaamaa in uu wakhtigaas lahaa awood aad u xoogan iyo nidaam dowladdeed, Armaaniya waxa ay ka soo bilaabmataa badda madow, badda Caspianka iyo Mediterranean illaa iyo harada Urmia ee dalka Iiraan.  Armeniyiintii waxa ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee qaata diinta Kiristaanka oo wakhtigaas ahayd diin dawladeed taariikhdu markay ahayd sannadkii 301-dii Ilaa iyo hadda, waxa ay weli ku dheggan yihiin Kaniisadda Rasushii Armaaniya, waana Kiniisadda ugu faca-weyn Adduunka. 6. Kuuriya: Jasiiradda Kuuriya waxay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Shacabka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, dadka ku nool waxa ay aaminsan yihiin qaarkood diintii Nabi Muxamed (scw) halka qaar kale'na ay rumeysa...

Dalka Ugu Faca-weyn Adduunka.

Image
Weli waxa aynu ku guda jirnaa Sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, Murtideenii iyo Aqoon-korodhsigeenii, waxa aynu maanta ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn Adduunka. Inkastoo ay jiraan magaalooyin soo if baxay iyo kuwo siqiiray, oo aan hayn raadraacood taariikheed, haddana, si kastaba ha'noqotee, waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn, dhinaca ilbaxnimaddii hore ee Adduunka. 1. Dalka Iiraan waxa uu ka mid ahaa Beershiya Qarnigii 20-aad, illaa iyo haddana waa dalka ugu faca-weyn dhinaca Ilbaxnimada Adduunka. Dabayaaqadii sannadkii 1501-dii ayaa Dalka Iiraan lagaga dhawaaqay dowlad madaxbannaan oo hoos timaadda boqortooyadii Safawiidka oo ahayd boqortooyo shiico ah oo ka talinaysay ilaa iyo sannadkii 1979-kii, taasaana sabab u ahayd in loogu yeedho dalka ugu faca- weyn Adduunka. 2. Masar: Dalka Masar ayaa lagu qiyaasaa in ay soo jirtay illaa iyo ​​30- qarni, baadhitaano lagu sameeyey sannaddadii ugu danbeeyey ayaa lagu ogaaday magaalo ka mid aha...