Posts

Showing posts from January, 2019

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii -19-aad

Image
  Fikirka wanaagsan iyo fikirka qaloocan waxay noqon doonaan kuwo awood badan leh oo ka imanaya saameynta nashaadka leh, Runtana Allaa Og. Saadaashaas oo ahayd mid ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaadan jireen, iyagoo isticmaalaya   qaabab xeeladdaysan oo ay kaga hortagaan isbedeladda dabeecadda cimilada hawada iyo bad-maaxidda ee ku soo wajahan sannadkaas, inkastoo uu jiray dulmi xad-dhaaf ah oo laga cabsi qabay in uu dego markabkii aanu saarneynee S-Dnal-Re. Intaasi ka dib, waxaynu halkan ku eegi doonaa tix-gabaya oo waano iyo dardaaran faraysa qaabka wariyuhu ugu soo tabiyo bulshada dhacdooyinka maalinlaha ah ee ku saleysan xaqiiqada dhabta ah iyo xoggaha qarsoon, waxaana gabaygaas tiriyey, Abwaan,   Muuse Cali Faruur. “Wariyaha intuu gobol u kacay, kii wajaqay doontay Ee sida wax-qabadkiisu yahay, war uga soo qaatay Waxba ma’tare waxaan jirin adaa weel ku soo shubaye Wadarta iyo halkii weecsan, ayuu wabaxii joogaa”    Naakhuudihii marka...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 18-aad)

Image
Waxa kale, oo la fillan jiray dacaayaddo badan iyo falsafaddo si fudud loo faafiyo,   waxaana muhiim ah, in la isku dayo dhamaan in la   tixgalliyo illaha macluumaadkaas lagu baahinaayo qoraalladooda ama codka muuqaal baahiyayaasha, isla markaana, si toos ah loola socdaa been-abuurka iyo fikraddaha qalafsan ee qulqulayaa aanay si dabacsan u soo dhex-gali karin Salaadaha,   waxaana laga yaabaa iyagoo sida daadadka u qulqulaaya lagu baahiyo mareegaha ama baraha bulshadu ka wada-xidhiidhaan ee Internetka. Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah:-   Waxa lagu tilmaamaa dadka isticmaala Maan-dooriyaha iyo dawooyinka aan wanaagsanaynina ay ku keeni doonaan xanuunka dhimirka, kuwaasoo,   dhamaantood laga sameeyey walxo macmal ah oo saameyn ku keeni doona   heerka xaaladda   miyir-tiraha qofka, waxaanu saameyn ku yeelan doonaan isbedelka jiritaanka nolosha. Dhinaca horumarka dhaqaalaha: in kor u kaci doono wax-qabadka qorshayaal badan, la...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 17-aad)

Image
Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha markabkaas, waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid feydaayey heerka uu gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u wakiishay masuuliyadda waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la filaayey waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay  dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas. Wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha ay dhisay 13-goobood oo iskugu jiray   goobaha adeegyada caafimaadka iyo baadhitaanka xoolaha, goobaha ganacsiga hilibka iyo gowraca xoolaha,   halka, waaxda horumarinta caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabkaasina ay dib u fureen 53-xannaanooyinka daryeelka caafimaadka hooyadda iyo dhalaanka oo xidhmay iyo in ay wali gacanta ku hayaan dhisitaank...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 16-aad)

Image
Waxa kale oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, in ay soo dabteen   kaluumaysatadu sannadkan kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone, waxa iyana isweydiin muddan, haddii dadka ganacsatada ah ee saarnaa   markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka kaluumaysta baddaha, kaluun tiradiisu ay   gaadhayso 2024.238   -tone,   ( Laba kun iyo afar iyo labaatan, dhibic laba-boqol iyo sideed iyo sodon) oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami karo wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun ti...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 15-aad

Image
Inkastoo, muuqaalka dhanbaal sidaha wargeyskaasi uu aad u qurux badnaa, haddanna, xeel-dheerayaasha iyo qorayaasha i nta badan ka faalooda, dhinaca, hoggaaminta, ayaa ku tilmaamay war-bixintaas in ay ahayd, mid lagu dacaayadeynaayey heerka wax-qabadka Naakhuudaha Markabkaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in habayaraatee aanay jirin wax-qorshe  ah oo u dajisnaa shanta sannadood ee soo socota waaxyaha markabkaas, haddii uu jiri lahaa qorshahaasi shanta sannadood laha ahi, waxa laga soo dheegan lahaa qorshihii loo qoondeeyey ee u qabsoomay ee la dhameystiray wax-qabadka qorshaha loogu tallo-galay sannadkaas,  wax-qabadka socda ee aan wali la dhameystirin iyo wax-qabadka dib u dhacu ku yimid, iyadoo la sababeynayo sababaha keenay dib u dhacaas, waana habka kaliyaata ee ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaataan, marka la qiimeynaayo wax-qabadka sannadlaha ah ee waaxyaha markabkiibta. Haddii aanay jirin qorshe shan-sannadoodle ahi waaxyaha markabkaas, ma jirto qaab kale oo uu kula x...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 14-aad

Image
D hinaca kale,  Badmaaxayaasha  inta badan ka faalooda saadaasha cimiladda badda ayaa ku sababeeyey aragtida naakhuudaha Markabku, sida ay lagama maarmaanka u tahay mid diiradda saar aysay ahmiyada ugu muhiimsan ee dhinaca baahida nolosha,   aragtida waxtarka leh waa aragtida la xidhiidha wax-ka qabashada mustaqbalka iyo wax-ka qabashada xaqiiqada waxa taagan maalinkaas, taasoo wakhtigaas suuqyada ganacsiga markabkaasi ay buux dhaafiyeen  raashin dhacay iyo daawooyin isticmaalkoodu mabnuuc ka yahay aduunka. Muddo yar ka dib, waxay isweydiinayeen su’aal aad u la yaab badneyd dadkii saarnaa markabkaas, su’aashaas oo   jawaabteedu ahayd mid aad u kakaneyd,   waxaanay ahayd su’aashaasi, “ Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?, su’aashaas oo macnaheedu uu ahaa, Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa?. Waxay dad badani su’aashaas kaga jawaabe...