Posts

Showing posts from April, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Q/ 8-aad)”

Image
Xikmad soomaalidu ku maahmaahdo ayaa tidhaahda “Inta guudka lihi amaano dumar ma gasho”, taas oo macneheedu yahay sida dhaqanku yahay inta guudka leh xaaskaaga laguuguma dhiibi karo, haddii xaaskaaga oo dud-mo kaaga maqnayd la soo celiyo laguuguma dhiibi karo gabadhaada kale ee aad qabto, waxa kale oo ka mid ah inta guudka leh, Faraska, sababtoo ah, Faraska dumarku ma layl-yaan, mana fuulaan, kuma dagaalamaan, sidaa darteed baa loo yidhaahdaa” Senguhu ma’gallo amaano dumar” Inkastoo aynaa qormo kaliya ku soo koobi karin odhaahyada, murtida iyo maahmaahyada garta dhaqanku leedahay, haddana, kuwa garta loo isticmaalo waxa ka mid ah sidan:- 1.        Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso. 2.        Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar lehna maxaad mooday. 3.        Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro. 4.        Meesh...

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Todobaad (7-aad)”

Image
Ka dib, waxa la caleemo saaray laba suldaan, oo mid ka mid ahi ku yimid, habkii iyo xeerkii dhaqanka beesha u yaalay marka ay dooranayaan caaqil ama suldaan. Sidaa darteed, habkan xulashada sandaladan dimuquraadiyada ku dhisan caqliga ayaa ah wakhtigan mida ugu qiimaha iyo sharafta badan marka loo eego sandaladda dhaxaltooyada ah, haddii ay ku dhaqmi lahaayeen beelaha reer Somaliland habkan xulashada ee hanaankeedu wanaagsan yahay, wax-weyn ka tari lahayd dhaqan doorsoonkan ku dhacay suldaanada dhaqanka ee ku milmay siyaasada. Sababtoo ah, waxa aad arkaysaa inay maanta tahay sudlaannimadu magac iyo darajo lagu danaysanayo, taasoo dantii  reerku ay lahaayeen ku keentay laf jab iyo cadaawad, waxa kale oo reeraha ay ka soo jeedaan u soo jiideen magac xumo iyo sumcad xumo-weyn,  isla-markaana ku noqotay canbaar iyo naaneys xumo aan ka hadhi doonin, mararka qaarkoodna, waxa aad moodaa inay cadow ku yihiin beelihii ay ka soo jeedaan, Murti soomaaliyeed baa tidhaahda “ Mada...

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Lixaad (6-aad)”

Image
Murti soomaaliyeed baa tidhaahda, Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed,  “Reerku ha guuro waa gar,  Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro,  Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed,  Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed” Guud ahaa dadka reer Somaliland waxa ay leeyihiin xeer dhaqan oo ay ku kala gar-bixi jireen marka ay soo dhex-maraan arrimo la xidhiidha dhinaca dhaqanka iyo wada-noolaanshaha ay ku timaado dhibaatooyin, khilaaf iyo degenaansho la’aan. Qabiilo kasta ama Beelo kasta  oo isku dhaqan ah oo isku deegaan ahiba waxa ay leeyihiin xeerar ka dhaxeeya oo ay kuwada macaamilaan, kuna kala baxaan oo ay ku xaliyaan marka ay dhibaato kala gaadho. Waxa kale oo iyana jirta in reer kastaaba ama qabiilkastaaba dhexdiisa waxa uu leeyahay xeer hoosaa...

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Shanaad (5-aad)”

Image
Marka dhowr nin oo ilmaadeer ahi ama saaxiib ahi uu mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay la hadli waayaan, odhan waayaana maxaad ninka ku maagaysaa waxay loo qaadanayaa wada qabasho dad-ban, markaa Somaliduna waxay tidhaahdaa “Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan waydo. Dhaqanka garteena marka la garamayo ama la dacwiyayo waa “Carrab eegato”, wixii uu ninku afkiisa ka yidhaahdo ayuun baa wax loogu qabataa, hadii aanad odhan markhaati baan haystaa, guddidu markhaati kuma waydiin karto, taasi waxay noqonaysaa Eexasho. Ninka garnaqasanayaa waa inuu hadalkiisa dhaabadeeyaa, waxna u cuskadaa, haddii  aanu hadalkiisa lafayn (Rugayn) oo aanu markhaati ooggan ama odhan rugtaasaan arrintaa ka fadhiyaa, sidan oo kale “garta hadii aan waayo waan waayey, hadiise ay wax ii cadaadaan waan doonayaa (Waan u fadhiyaa) arrintaasi waxa ay leedahay”. Sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa marka la garnaqsanayso afar arrimood ayaa garta lagu waayaa, sida “  1) Af-waa (hadal-garanwaa), ...

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Affaraad (4-aad)”

Image
Waxa la yidhi waraabaa ku dhaartay “Waataan ragga qarniga 21-aad ka miciin hooseeyaa, inaan arrinkaasu sidaas ahayn” waxaana la weydiiyey muxuu qabaa ragga qarniga 21-aad joogaa, wuxuu ku jawaabay “Ri dhoobo gashay baanay labaatan nin ka saari karin.” Raggii hore magaca iyo dhegta ayuu xeerin jiray ee manfac iyo eex ma eegi jirin,  laakiinse, maanta waxa aad arkaysaa in gartii iyo gobonimadii ay ka mudan tahay cuntada iyo eexdu murti-maahmaaheed ayaa tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin. Marka laga hadlaayo doodaha iyo erey-bixinta garta  marka la qaadaayo waxa ka mid ah, xadhig, xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah, Dooc iyo Dareen,  waxa kale oo dhaqamada garta ka mid ah, mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo iyo mar uu hojiye leeyahay. Waxa kale oo noocyada garahaasi marka la qaadaayo  loo kala saaraa afar qaybood oo kala ah, Duco, Didiif, Dacwi iyo Ma...

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii saddexaad (3-aad)”

Image
Gar-muslax: waxa ay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiinse, marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, sababtoo ah, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey, dabeecadaha gartani leedahay waxa ka mid ah in aanay keenin wax  caqiibo-xumo , mana dhantaasho  toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada. Waxa lagu dhaqmi jiray xeer iyo xanaan, kaasoo lagu xalin jiray wax kasta oo ka qayb qaata in uu saameyn ku yeesho arrimaha dhaqanka nolosha,  isla markaana garta muslax may lahayn wax Axdar ah (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah amaba saraaye ah, sida,  Millad (Dhaar) ama markhaati la isku jirrabo. Gartani waa garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado, kuma degdego gar- cadaawe, sidaa darteedna, waxa uu ku dedaalaa gar-kasta oo loola yimaado inuu ka  baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe. Waxa la yidhi: nin hal-adayg ah ayaa had iyo goor cidda isula tim...

SENGUHU MA'GALLO AMAANO DUMAR “Qaybtii labaad (2-aad)”

Image
Sidaa darteed haddii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa” Ninka hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn isaga iyo ubadkiisaba oo aan ka hadhin jirin illaa iyo sagaal awoow, bulshada dhexdeedana waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", sababtoo ah, markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob. Laakiinse, Ninka markhaati been ah furaa waxa lagala noqon jiray kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waxaana la odhan jiray  "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", oo macnaheedu uu yahay ninkaasi war-gal ma aha,  oo  looga qaateen ma aha’,  waxaana raaci jirtay ninka ay maalintaasi ka xumaatay jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole saym...