Somaliland waxa ay leedahay nidaam
dowladnimo iyo dhaqan soo jireen ah oo ka fac-weyn qaar ka mid ah dhaqanada
dunida maanta inteeda kale ka jira, kaasoo ay ku faanaan haybada iyo sharafta
uu leeyahay dhaqanka af-kooda hooyo ee qaniga ah, hibada suugaanta, fanka, farshaxanka iyo
cuntada, kaasoo waafaqsanaa dhaqanka diinteena suuban ee Furqaan.
Madax-weynaha sharafta mudan ee Jamhuuriyadda Somaliland
mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu ogaaday in aanu gaadhin
heerkii qorshaha bartilmaameedka u ahayd, isla-markaana uu ku yimid hoos u dhac
weyn dhinaca dhaqanka iyo dalxiiska oo ah bar ka mid ah baraha ugu waaweyn
Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
ka dib, waxa uu wareegto ku soo saaray wasaarad cusub oo uu ugu magac daray wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska,
isla-markaana, waxa uu u magacaabay wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska
mudane, Khadar X. Yuusuf Cabdilaahi,
markay taariikhdu ahayd 03-dii bishii December sannadkii 2016-kii.
Waxa inta badan ka hor yimaada hawl kasta iyo shaqo kasta oo
la yagleelayo turunturooy caqabad ku noqda dhaqaajinta hawlaha qaranku u baahan
yahay in si hufan loo qabto, isla-markaana, ay haboon tahay in lagu sameeyo
qiimeyn iyo dabagal, sidii loo fuliyey siyaasaddii iyo qorshihii nidaamka
maamulka dowladnimo.
Haddaba, waxa isweydiin mudan sababta ay Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaruhu u
fulisay wareegtadii uu madax-weynuhu ku magacaabay wasaaradda dhaqanka iyo
dalxiiska, wasaaradaas oo iska badashay
loogadii hore ay u isticmaali jireen, halka, ay wasaaradda warfaafintu illaa iyo
hadda ay ka tahay wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka.
Arrintaas ka sokow, hadda waxa maanta caasimadda Hargeysa
aad ku arkaysaa boodhadh waaweyn oo ay ku
xardhan yihiin Xarunta Dhiraynta, Dhaqanka iyo Xidigiska oo daahfuri
doona tirsi qoraxeedka soomaalida, waxaana ka soo qayb-gali doona ergooyin ka
kala socda wadamada Kenya, Djabuuti, Somaliya iyo Itoobiya, waxaana maal-galinaysa
wasaaradda maaliyadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Akhriste muuqaalkani miyaanu u eekayn mid lagu burburinaayo
nidaamkii dowladnimo, sababtoo ah wasaarada maaliyadu maaha hayad siisa mashaariicda ururada wadaniga ah, tiiyoo
wasaaradihii loo igmaday hawlahaasi
shaqo ay hawl la’aani hayso, sida, wasaaradda deegaanka oo shaqo ku lahayd
dhiraynta, wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska iyo wasaaradda beeraha, dhirta iyo
daaqa oo shaqo ku leh saadaasha cimilada iyo hawada, isla-markaana la
afariirsan arrintan ay wasaaradda maaliyadu dabada ka riixayso.
Gabagabdii waxaan u soo jeedin Madax-weynaha ku xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madax-weynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, mudane, Cabdirahamaan
Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) in uu arrintaasi saxo, ka hor inta aan la
shaashaynin Dhaqanka iyo Nidaamka Dowladnimo.
Qoraa/ Maxamed Faarax
Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid