Waxa
uu wax tar weyn u yahay dadka bukaanka ah ee u baahan in ay helaan gargaarka
degdega ah, sababtoo ah, waxa ay ahayd goobtii hore meel aad u cidhiidhiya oo
ay yaaleen 8-deed sariirood oo kaliya, oo aanay saxadeeduna wanaagsanayn.
Laakiinse,
maanta waxa ay helli doonaan goob nafis ah, oo nadiif ah, oo aan saameyn taban ku
yeelan doonin fayo-qabkooda, oo ay yaalaan 50-sariirood oo bukaan jiifka loogu
tallo-galay iyo shaqaale si hufan u maareyn doona dadka bukaanka ah ee u baahan
in ay hellaan gargaarka degdega ah.
Marka
laga yimaado Qaybta Daaweynta Bukaan Socodka, haddana, Qaybtan Daaweynta Gargaarka
Degdega ah waxa lagu maareyn doonaa dhamaan bukaanada nooc kasta oo ay
daaweyntoodu tahay in lagula tacaalo hab-xeeladaysan, sida, qaliinada, cudurada
iyo dhaawacyada, kuwaasoo qaata in ay ku nagaadaan goobtaasi, wax ka yar qadar
saacado gudahooda ah, isla-markaana, ay ka hawl-gali doonaan koox nidaamsan oo
takhakhusaad gaar ah u leh baadhitaanada calaamadaha cudurada iyo maareynta
xanuunada cusub ee xaaladdaha degdega ah.
Kuwaasoo
maareynta dadka bukaanka ah maalin kasta kala kulma caqabado badan oo ay ka mid
yihiin xawliga shaqada adag ay leedahay iyo maareynta dadka bukaanka ah ee ku
jira xaaladdaha adag, oo ay qaarkood naftu kaga baxdo hortooda iyagoo arkaaya,
halka, in badanina ay saameyn togan ku yeelato noloshooda.
Inkastoo
haddana ay jirto wakhtiga ugu horeeya in ay shaqaaluhu xiiseeyaan Qaybta Daaweynta
Gargaarka Degdega ahi, taasoo, danta gaarka ah ee ay ka leeyihiina ay tahay in
ay ka korodhsadaan khibrado badan oo kala gaar-gaar ah, marka danbana way
iskaga tagaan, taasoo, sababtay in ay aduunku aqoonsadeen in la sameeyo koox
aad loogu tababaray habka maareynta dadka bukaanka ee ku jira xaaladda gargaarka
degdega ah.
Waxa aan ka naxay
markii uu soo dhex-galay hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed
Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo u muuqday inuu u qaadan waayey heerka tirada
dadka bukaanka ah ee Agaasimaha Cusbitaalka u sheegay inay yimaadaan bil kasta,
sideed kun (8,000) oo bukaan ahi cusbitaalka Hargeysa, waxa uu ku yidhi: Ma
sideed kun (8,000) oo qof?
May
sahlanayn arrintaas ka yaabisay madaxweynaha sababtoo ah, ka hortaga ayaa ka
wanaagsan daaweynta, waxa kale oo ay ina tusinaysay hoos u dhaca weyn ee ku
yimid siyaasadii iyo qorshihii ay lahayd wasaaradda caafimaadka intii uu
hormoodka uu ka ahaa Wasiir Wasaaradda Caafimadka mudane. Dr. Saleebaan Ciise
(Xaglo-toosiye) , isla-markaana, aanay jirin fayo-dhowrkii, baraarujintii
caafimaad, ka hortaga cudurada sidii loogula tacaali lahaa in la yareeyo,
siyaasaddii iyo qorshihii loogu tallo-galay 5-sanno ee soo socota 2018-2022.
Waxa
intaasi sii dheer oo ay arrintaasi ka turjumaysay heerka maanta ay marayso ee
ay ahayd in la yareeyo xanuunadda,dadkuna ay hellaan daryeel caafimaad oo
wanaagsan oo ay awoodi karayaan, bulsho caafimaad qabta oo ka fayow cudurada,
kuna noolaata deegaan nadiif ah oo ay ku noolaadaan dhamaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa
iyana naxdin labaad igu ahayd markii aan arkay dhamaan wargeysyadda madaxa
banaan ee ka soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland oo intooda badan ay dhigeen warkii
madaxweynaha xaga ugu hooseysa bogga koowaad ee ugu horeeya, taasoo, ay sabab u
ahayd in uu ku beegay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gollaha wakiiladu
Baashe Maxamed Faarax, dhacdadii xaasaasiga ahayd ee uu dhex keenay gollaha
wakiiladu in ay gacan taag ku taageeraan wadahadalka u socda Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Maamulka Khaatumo, taasoo ahayd qaran dumisnimo iyo in uu
doonayey inuu dhaawac soo gaadhsiiyo haykalka dowaladnimo ee ka jira Jamhuuriyadda
Somaliland.
Qoraa. Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid