Wednesday, November 16, 2016

Xafiiltanka Siyaasaddu Ma’laha Xiqdi, Xin iyo Xassad

11/16/16, 10:29 PM

Hore dunida  ugamay dhicin in wargeys ka mid ah wargeysyada madaxabannaan uu duqeeyo waddankiisii uu ka difaaci lahaa cadowga lidka ku ah qarannimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, laakiise, nasiib-darro, taasi maanta waxa ay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah in uu ka qaybqaato illaalinta iyo dhowrida siyaasadda dibadda,  guddaha, nabad-galyadda, midnimadda,  waxa kale oo iyana jirta,  wax xaq  u siinaya qof kasta oo muwaadin ah inuu ka dhiidhiyo, ka dagaalamo, kana hadlo, oo uu ka jawaabo wax kasta oo lid ku ah qaranimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, amaba ha noqoto war lagu baahiyey wargeysyada madaxabannaan ee ka soo baxa gudaha iyo dibaddaba oo lagu wiiqayo horumarka waddanka iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ka dib, markii laba wargeys oo ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ay ku baahiyeen ra’yi qof oo ku cabbiray malahiisa sida ay ula muuqatay, kaasoo  ku qoray baraha internet-ka, in ay u soo qaataan war ahaan, iyagoo ka dhigay warka koowaad iyo ka afaraad ee bogga ugu horeeya wargeyska Foore iyo Somalilandtoday, caddadkoodii soo baxay 14 November 2016, arrintaas oo ay ciwaan uga dhigeen;  “Madaxtooyada Somaliland oo Donald Trump u dirtay warqad ka arradan anshaxa diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.”;'

Labada wargeys waxa ay doonayeen inay naqdiyaan qoraal hambalyo ah oo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u diray Madaxweynaha 45-aad ee loo doortay dalka Maraykanka Mr. Donald Trump, warqaddaas Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay 9- November- 2016, waxayna sheegeen in qoraalkaasi ahaa mid ka aradan anshaxa diblomaasiyadda, isla markaana ay ka muuqatay in madaxtooyada Somaliland ay farogalisay arrimaha gudaha ee dalka Maraykanka, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo kula taliyey Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka inuu mideeyo dadkiisa ku kala qaybsamay doorashada.'

 “Inaad ka talo bixiso arrimaha gudaha ee dal wayn oo sida Maraykan ah iyadoo aan wax talo ah lagaa waydiin ayaa ah arrin aad u hoseeya marka la eego cilmiga diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.” Sidaa waxa lagu yidhi maqaalka ku soo baxay labada wargeys ee Foore iyo Somaliland Today.
Annigoo tixgalinaaya waxyaabo badan, haddana waxaan ogahay in mucaaridnimada iyo diblomaasiyaddu aanay ahayn mid ka shaqeysa munaafaqad ay kala dhex-dhigta bulshadda rayid ah iyo wadammada jaarka ah, mana aha diblomaasiyadda caalamku mid beenta caleemo-saarta, oo qosol badan iyo muran joogto ah ku dhaqanta, laakiinse, dhowrsanaanta diblomaasiyadeed caalamku waa mid ku  dhaqanta runta, runtana caleemo saarta, waana tii ay ka turjumaysay warqaddii hambalyada ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  u diray dhigiisa ku guulaystay jagada Madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, Doland Trump, taasoo xambaarsanayn fariinn sax ah oo haba yaraatee aan waxba u dhimayn sumcadda Somaliland, balse aan aaminsanahay inay sare u qaadi karto diblomaasiyadda dalkeenna.
Warqadaas waxa ay ahayd mid hab-qoraaleedkeedu waafaqsanaa hambalyada Madaxweynayaashu iskugu hambalyeeyaan, wakhtiga ay doorashada ay ku guulaystaan, taasoo xambaarsanayd, kal-gacal, naxariis, tallo iyo dardaaran.'

Inkastoo,  Aadamuhu waligoodba dhinaca ra’yiga isku maan-dhaafi jireen, oo ay isku qaban jireen, haddana, waxa la raaci jiray ra’yiga loo yara bato, kii hadhayna waxa la gudboonaan jirtay in uu caarido, isla markaana uu yidhaa, wallee ra’yigaas ayaan meel lagu gaadhin, laakiinse, haddii ra’yigaygii la qaadan waayey, wallee kana socon maayo, oo waxa jirraana jiri maayaan, taasi maaha mid qabata qarankan umadani ay ku wada nooshahay ee ay wada illaashanayaan sharafkiisa iyo magaciisaba, isla markaana, la garto, lana kala saaro xafiiltanka siyaasadda, xiqdiga, xinka iyo xasadka.'

Waxa aan u soo jeedin lahaa in ururka saxaafadda in ay tallaabo ka qaado, isla markaana ay fiiro gaar ah u yeeshaan wax kasta oo khatar ku ah qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti




No comments:

Post a Comment

Mahadsanid