11/9/16, 8:05 PM
Marka laga yimaado dhawaaqa codka dawanka leh iyo xamaasaddihii xawliga ku socday ee xawaarihiisu uu gaadhay heerarkii ugu sareeyey ee ay sameeyaan taageerayaashii taageersanaa, hadba, labada-kooxood ee kuwada ciyaarayey garoonkaasi.

Waxa aan
xaqiiqsaday in ciyaarta kubadda kolaygu ay ka duwan dhamaan ciyaaraha kale ee kubaddaha,
waxa kale oo aan ogaaday in ciyaartoyga kubadda kolayga iyo farshaxannada sawir
gacmeedka sameeyaa uu jiro xidhiidh dahsoon oo ka dhaxeeya, sababtoo ahayd, mudadii aan daawanaayey ciyaaraha ka socota garoonka Timacade, waxa ay
isticmaalayeen ciyaar-yahanaddu farsamooyin
xeelladeysan oo ay iskugu
dhiib-dhiibayeen kubad -gacmeedkaas, mararka
qaarkoodna, waxa ay tuuryo dheer kula
beegsanayeen kubadda goolka kooxda kale ee ka soo horjeeda, marar badana, waxa ku
xiiso-galinaayey habab-farsameysan oo weerar-yahanadu ay ku dhaafayeen difaaca
iyo qaababka ay u dhaafinayeen kubadda difaacayaasha labada- kooxood ee
wada-ciyaarayey.
Waxa ay lahayd
wada-tashi kooxeed oo koox-kasta loo ogolaa 2-illaa iyo 4-jeer oo wada-tashi, isla-markaana,
ay ku yara nasanayeen ciyaar-yahanddoodaasi, waxa kale oo ay lahayd, Saddex siidhi
walle, Saddex-garsoore, Saddex-dhibcood, Saddex-daqiiqadood, saddex xariiqood
iyo saddex nasasho.

Dhanka kale,
waxay ahaayeen garsoorayaashu kuwo khibrad iyo waayo arragnimo dheer u lahaa sharciyadda
u dajisan kubadda kolayga, halka ay
dhex-cararayey labada-baal iyo badh-tamaha garoonka saddex-siidhi wale,
oo isha ku hayey khaladaadka ay sameynayaan ciyaartoygu, kuwaasoo marka aad
daawanayso, aad aad u la yaabayso, Af-garashada
dhaqdhaqaaqa jidheed ee gacmahooda iyo farahooda (sign language
communication) ay sameynayeen, uguna sheegayeen khaladka dhacay, nooca uu yahay
iyo ciyaar-yahanka galay, iyagoo u gudbinayey saddexda garsoore ee fadhiyey
miiska garsoorayaasha.
Garsoorayaashaas
oo kala ahaa garsoore illaalinaayey
wakhtiga ciyaarta, mid qorraayey dhibcaha goolasha iyo garsoore ururinaayey
xogta ciyaaraha iyo khaladaadka ay sameeyaan kooxda ama ciyaartoyguba, ha
ahaado mid shaqsiyaddeed ama mid ku imanayey khalad farsamo, haddana, waxa ay ku
qiimeynayeen, hadba khaladku nooca uu yahay.
Taasoo, marka
lagu khaldamo weerar yahan la dhex-gallay kubadd saddexda-xariiqood, oo doonaya
in uu dhaliyo gool, waxa uu hellayey ciyaar-yahan kaasi laba-tuurasho oo ah
tuurashada- xorta ah (free throw), in uu ku tuurto kubadda goolka kale ee
kooxda ka soo horjeeda, haddii uu ka
dhaliyo goolkaas, waxa loo qorayey hal-dhibic, taasoo waliba, ciyaar-yahankii
khaldamayna loo qorayey khaladkii uu sameeyey, ka dibna, haddii uu gaadho
khaladkiisaasi 5-khalad, waxa uu ka
baxayey ciyaartaasi (disqualified).
Waxa iyana
aad iigu xiiso badnayd oo aan ka dareemaayey in aanay aqoon badan u lahayn ciyaarta
kubadda kolayga, qaar ka mid ahaa taageerayaashii jibaysanaa ee xamaasadda
jiibta iyo jaanta isla-hellayey, Erayaddii ay ku dhawaaqayeen ee ahaa “ Siidhi-walle Cadaaladda, Siidhi-walle
Cadaaladda, Siidhi-walle Cadaaladda,” .
Inkastoo, ay
ahayd xad-gudubyadii ku dhacayey khaladaadkii ay sameeyeen ciyaar-yahannadu mid
aad u koobneyd, marka laga yimaado, laba–ciyaartooy oo ay ganaaxeen gudida
anshax-marinta ciyaaraha kubadda kolaygu (Ethics Committee of Somaliland
basketball federation).

Waxa kale oo
garsoorayaashu xasuusinayeen tababarayaasha in aanay dhaafin inta uu u
ogol-yahay sharcigu wada-tashiga laba-kooxood (time out), halka iyana garaacida gacanta ciyaar-yahanka ay
ahayd hal-mar oo kaliya.
Waxa ay ii ahayd wakhtigii iigu horeeyey ee
aan nasiibka u yeesho in aan daawado ciyaar ka socotay Aduunka 125-Sannadood, taasoo
ay ahayd mudadii aan daawanayeyna tartanka Ciyaaraha kubadda kolayga wadarta guud ee tirsiga dhibcaha goolasha 1080 , habeenkiina
tiiyoo ay maskaxdayda ka sii dhex-guuxayso ““ Siidhi-walle Cadaaladda” ayaan gam’i jiray.
Qalinkii/ Maxamed
Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid