ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015
Qaybtii 3-aad
Qor/ Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) 28/Dec/2014,

Meeraha mercury, (Libdhe) ayey
soomaalidu u taqaanaa, waana meeraha ugu dheerayaa meerayaasha kaasoo sannad kasta ku soo wareegaa saddex
illaa iyo afar jeer, waxaanu gali doonaa burji libra bisha siddeedaad iyo bisha
Tobnaad ee sannadkan, ujeedadda dhaqaaqa
garabaha cagihiisa ee labada bilood ee sannadkan, wuxuu ku hawlan yahay, ganacsiga, socdaalka, ka fikirka nidaamka, dib u
cusboonaysiinta, si kastaba ha ahaatee,
wuxuu ka fikirayaa inuu sameeyo dariiq cusub
isagoo hoos u dhigaya wax kastoo uu
qabanayo, ka dib markay u buuxsanto tamartu, waxaanu taageero cad oo buuxda siin doonaa kuwii
xidhiidhka dhow uu la’lahaa wakhtiyaadkii la soo dhaafay, waxa kale oo uu dib u xalin doono
is faham la’aantii jirtay,
socdaalkiisa ka dib wuxuu ku hakan doonaa burji naariya ee miisaanka waana burjiga dublamaasiyadda,
waxaanu diirada ku haya waxyaabo badan oo muhiima, bisha sagaalaad iyo bisha
tobnaad ee sannadkan.
ka dibna waxay kulmi
doonaan Meeraha Mars bisha 11-aad ee sannadkan iyo bisha kowaad ee
sannadka 2016, waxaanu ka caawin doonaa, oo uu siinayaa maskax-cusub oo lagu gaadho nabad iyo wada
noolaansho, Meeraha Mars oo galid doonaa burji maa’iya ee casaanyada, waxa la
filan jiray dayax madoobaad.
Meeraha mushtar waana meeraha mas'uul ka ah safarka, maskax
furnaanta, balaadhinta heerarka waxbarasho, waana meeraha nasiib wanaagsan waxaana loo tiriyaa dhinaca,
wacyigalinta caalamiga ah, hindise fikradeed, luqaddaha, dhaqanka, siyaasadda,
sharciyada, diimaha, warbaahinta, iwm.
Meerahani wuxuu ku jiraa burjiga
Asad isagoo kusii jeeda burjiga Dabooje bisha sideedaad ee sannadkan illaa iyo bisha
sideedaad ee sannadka 2016, waxa la
odhan jiray, waxay saameyn ku leedahay adkaanta gudashad tayada
awooda shaqo, Isku haleyn, Toosnaanta, Qiimeynta dadka kale, Tayada
awooda caafimaadka iyo sidoo kale awooda saaridoono in la cadeeyo baahiyaha jira sannadkan 2015.
Meeraha Mushatar iyo Meeraha Mariikh waxay ku kulmi doonaan burji Asad bisha Sideedaad ee sannadkan, kulkaas waxay kawada shaqeyn doonaan sideeda
bilood ee soo socotaa shaqo adag, oo ku dhamaata dhameystir wanaagsan iyo inuu
taageero u fidin doono dadka ku xeeran.
Meeraha Mushtar iyo Meeraha
ilimaqabatiga kulan kooda bisha 11-aad ee e sannadkan iyo bisha shanaad
ee 2017, waxay soo bandhigi
doonaan fursado lagu abuuro wax
badan.
Meeraha Raage oo fadhiya
burji Naari ah ee fushade wuxuu
ka faa’ideysanayaa xawaaraha dardar galinta isbedel doonka iyo inuu
sameynayo isbedelka kacdoon oo qoto dheer, Meeraha Pluto oo isna u socdaali
doona burjiga Orgiga bisha saddexaad ee
sannadkan.
Waxa la odhan jiray, wuxuu inagu xujaynayaa in hab cusub loo maro
xalinta, dayactirka, iyo hirgalinteedaba
iyo inuu aaminsan yahay in xidhiidhka dabacsan oo dublamaasiyadeed ay abuurto nabada iyo wada noolaanshaha, in
kastoo ay caqabad kala kulanto madax
adaygii soo jiitamaayey illaa iyo badhtamihii 2012, taasina waxa loo aanayn jiray sadexda bilood ee sannadkan, labda Meere
ee Raage iyo Pluto, laga yaabee inay abuuranto wax-hore oo tagay oo aan loobab baahnayn,
waxaana haboon in arrimahaas jiho cusub
loogaga diyaar garoobo, waana muhiim
xalintoodu, inkastoo meeraha
Jupiter iyo Uranus ee bisha lixaad uu ka
caawinayo tijaabada nidaamka xidhiidhka dhaqanka iyo in dib u habeynta
dheelitirka wada-noolaanshaha laguna gaadho xal-cusub oo nabad ah.
Meeraha Neptune wuxuu u
socdaali doonaa burjiga kaluunka illaa iyo 2026. wuxuu fursad u heli doonaa si
daacadnimo ah inuu u fahmo khibrada aadamaha isagoo u haya maskax iyo qalbi
furan, Sida;- Hobolada, salaadiinta,
dhexdhexaadiyayaasha, xirfadlayaasha, ama si dhib yar uu u xaliyo ceeryaanta iyo muragada isku shareertay
cirka.
Meeraha Mariikh oo gali doona
burjiga kaluunka bisha koowaad iyo labaad
ee sannadkan, waxa la filan
jiray inay leeyihiin dhameystirka mashaariicda. Runta Allaa Og.
Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologist
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid