Monday, December 29, 2014

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015 Q/2-aad

ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015

Q/2-aad

Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      28/Dec/2014, Q/2-aad


Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2015 dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga lamaanaha ee hawaa’iga ah, - dayax tobnaad waa la sharaynsan jiray waxaana la fili jiray dayax madoobaad, waxa la filan jiray  inay maalmahani leeyihiin shucuur isbedel dhakhso ah oo ku yimaada qalbiyada dadka, dabacsanaan iyo koradhka Xawaaraha fikirka, waxa kaloo la arki jiray dabaylo, duufaano, daadad, shimbiraha  iyo Ayaxa oo  bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada.

dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray waa dad bulshaawi ah oo hadalka jecel, kuna mashquulsan mustaqbalkooda iyo  fikradaha cusub, had iyo jeerna leh  degdeg badan oo xamaasadi ku jirto, oo ka walaaca  hawadooda iyo doorashadoodana, umana qaalibna shuraakaddu,  waa kuwo loo arko aamin iyo daacadnimo, in kastoo intooda badani ay yihiin kuwo daacada,
Waxaanay noqdaan : macalimiin, Iibinta, Qoraalada soo bandhiga oo Been-abuura, sii hayaha xilka, Horumarinta  alaabooyinku,  Saxaafadda , war-baahinta, Raadiyaha  iwm.

Burjigan lamaanaha  ee hawaaiga ahi waxa loo eegaa wejiyo badan, dhinaca, madadaalada, xiisaha, dhiirrigelin, sinaanta ,waana mid u wanaagsan guurka, ka warhaynta baahida qoyska  iyo inuu leeyahay saaxiibo badan oo heegan iyo feejignaan ugu jiraan.

Sannadkan Cusub waxa loo eegi jiray dhinaca hawlaha, Fikirka, bogsashada,  iska warqabid, dhabar-adayg, helida fursaddaha, doorasho miyir qabta  iyo Salaadda, lagana yaabee in la dareemo  nabad iyo deganaansho,  waxa kale oo lagu sheegi jiray waxoogaa inay adkaato arrimaha  dibaddu,  isgaadhsiinta oo horumar laga gaadho,  la arkee inay si fudud hoos ku yimaado nidaamka fikirka iyo mowjado tamarta  ee dhulka , waxaana loo baahan yahay in la dedejinta xawliga isgaadhsiinta.

Waxa sidoo kale adkaan doonta iska caabinta xagjirka  haddaladooda iyo fikirkooda, kuwaasoo ku raadiya hab aan  macquul ahayn inay ugu tartamaan awooda sare iyo in fikrado cusub la dareemi doono  taasoo ay  sabab u tahay macluumaadka  horumarka qalabka casriga ee aduunku gaadhay.

Waxa kale oo la filan jiray qas iyo duufaano lama filaan ah daadad  baabiiya  khayraadka qaaliga ah,  xilliyada qorax madoobaaku uu dhaco, haddaba si loogaga diyaar garoobo  waa in laga sii fikiraa  habkii iyo farsamadii  lagu maareyn lahaa, wakhtiyadan waxa haboon in la sameeyo  jimicsi iyo in la kobciyo midhaha cuntada tamarta ee ka soo baxa dhulka,  sida;- Lawska, midhaha la miiro, khudaarta, iyo in la cabo biyo saafi ah.

Nayruuska Sannadkani wuxuu ku curtay maalin khamiisaad oo naari ah, waana maalinta shanaad, waxaana la odhan jiray maalin khamiisaad waxay leedahay  u fiican tahay nasiibka, korodhka, safarka masaafada dheer leh, waxa kale oo bata wararka la isla dhex-maro, naxariistuna way badataa.
Sannadka waxa la filan jiray  soo noolaanshaha heerka maareynta macluumaadka,  koradhka qalabka farsamooyinka casriga ah, Aaladaha loo isticmaalo kaydinta, qoraalada,  isgaadhsiinta gacanta, iyo in la arko dawooyinka dadka fooljari ah, arrinkan waxa lagaga hortagi karaa horumarinta wacyigalinta  bulshada, iyo in la siiyo fursad lagu dhagaysto oo lagu maqlo codkooda.

Sanadkani wuxuu  leeyahay Laba Jid;-  ka hore wuxuu ahmiyad weyn u leeyahay aadamaha, waana  horumar wadareed iyo isbedel wanaagsan oo horseed u noqon kara dhabada dajinta, deeqsinimada, nabad, wada noolaansho.
Jidka labaad; - Wuxuu  leeyahay qof jeclaysi,  jirrabaadka, bakhaylnimo, helitaan- dhaqaale, tartanka iyo gardarada, Inta badan waxa la arki jiray ciidan hoose, diidmo lagana yaabee inay ka abuuranto cudur ay kaga  faa'iidaysanayaan  isbedelka deg deg ah.  Runtana Allaa Og.

Haddaan la xoojin go’aanadii hore loo gaadhay,  waxa dhici jiray inay mudo dheer ay ku qaadato Dajinta nabada gudaha iyo wada noolaanshuhu,  Sidaas darteed dhaqdhaqaaqa loolka labada jiho ka toggan iyo ka Taban ee  sannadkan waxa haboon in laga cabsado fikradaha xooga badan ee dhinaca salaada, akhlaaqda, falalka, go’aanada  iyo in aanay noqon doorashooyin kuwo kala duwan,  laakiinse la qeexo  ahmiyadda dhaqdhaqaaqa mustaqbalka, lana dadajiyo wada- fadhiga, aamusnaanta inta ka horeysa ka fikirka doorasho muhiim ah, dhageysiga hanuunka gudaha iyo dibada,  habka mabda nafta iyo isticmaalida maskax miyir qaba in lagu gaadho.
Sannadkan uma fiican ku xidhnaanshaha Hay’adaha Dibadu  (amniyaatku) inkastoo la fili jiray inay wax u hagaagaan kuwa ka shaqeeyaa  (sida bangiyada, shirkadaha caymiska, iyo dawladaha)  Waxaana  muhiim ah in la muujiyo  cadaalad,  sinaanta bulshada,  la arkee shaqsiyaad xoog  wax ku doonaya  iyo in ay yaraan doonto  Illaha  dhaqaalaha dibadda oo ay kordhi doonto khayraadka gudaha.
Waxa haboon wakhtiga soo socda in loo fiirsado dadka tukada  intooda badan hadday suuro gal tahay  in loo sheego afkaar wanaagsan iyo inay salaadu bogsiiso dhamaan qalbiyada buka ee  dadka lagan hello  tamar  togan iyo hanuunka nafta.

Sannadkani  waxa kale oo loo nisbeeyaa  inuu leeyahay abuurid safar loo dhaqaaqay  horumar wadareed  oo loo dhan yahay  dhinaca dowlada,  taasina waxay sahli doonto iswaafajinta safarka iyo guurka.

Ha loo duceeyo xasiloonida degenaanshaha dibada lagana yaabee in la arko jawi deggan oo gudaha ah iyo bilowga horumar wanaagsan oo midho dhala, Runtana Allaa Og.

Dhinaca saadaasha  waxa  gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2015.


Meeraha  Jilboole   wuxuu  fadhiyaa sannadkan burjiga 10-aad  oo arliya ah,waxaana ugu danbeysay burjigan   29 bishii 11-aad  sannadkii 1982,  illaa iyo 17-kii bishii 11-aad, 1985-kii,  waxaanu mar kale uu ku hakan doonaa burjigan bisha 11-aad  ee sannadka 2041. Hadduu Alle yidhaa.
wuxuu dareensan yahay baa la odhan jiray oo uu doonayaa  inuu ka nasan doono caqabadihii adkaa ee ka  horyimid labadii sannadood ee la soo dhaafa, waxaanu fursad u heli doonaa  oo uu ku hawlan yahay inuu saxo xidhiidhka qorshihiisa shaqo, ka dibna wuxuu u gali doonaa safar  halkaas oo uu ku nagaan doono  burjiga scorpion ee maa’iga ah iyo burjiga naariga ah bisha lixaad iyo sagaalaad ee sannadkan,  lagana yaabaa inay ka sii fiicnaanto  shaqadii la qabtay sadexdii sannadood ee la soo dhaafay, lana gaadho  ujeedo midho-dhala  ah iyo  taageero Toggan.Runtana Allaa Og.

Waxa kale oo uu  ka fikirayaa siduu kor ugu qaadi lahaa, wuxuu doonayo ee uu jecel yahay iyo inuu  talaabo ka qaadi doono  ujeeddada  dhameystirka aragti sare ee haddafka maskaxda qaranka......................la soco qaybta 3-aad

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid