Sheeko kale: Faaliyihii Fakaday.
Oday waayeella oo horjooge tuulo ka ahaa jiray waaggii uu socday dagaalkii u dhexeeyey Dowladdii Siyaad Barre iyo Jabhaddii SNM, waxa uu ku riyooday ciidamadii Siyaad Barre oo soo weeraray tuuladan uu degen yahay, balse, isaga iyo dhowr qoys ay ka bedbaadeen, dadka intii kale ay ciidamdaasi ay laayeen. Wuxuu go'aansaday inuu isugu yeedho saddex faaliye oo tuulada degenaa si uu wax uga weydiiyo maalmahan ku soo foolka leh waxa ay riman yihiin, waxaannu ku yidhi, "Ninka ii sheega waxa ku soo maqan dharaarahan tuulada ee ka dhici doonna, waxaan siinayaa mood iyo nool midka uu jecel yahay, faaliyayaashii mid ka mid ahaa ayaa markiiba dhigay faalkii oo wuu bixi waayey, saddex jeer markuu u bixi waayey ayuu yidhi, maanta waa Arbaca oo iima qaalibna oo hadh baa iga saaran. Faaliyihii labaad ayaa dhigay oo wuxuu sheegay in Gu'gan bishay uu abaar noqon doono, muhiimna ay tahay in la keydsado wixii gacmaha ku jira, inkastoo tuuladan uu ka dhici doonna Alle bari weyn oo meel kast...