Qaadigii Geel-qaadka Ahaa (Xukun Qar-qoosh)
Sheeko Kale:- Gabadhbaa u soo dacwootay qaadi geel-qaad xiddaari ahaa oo ka shaqeyn jiray maxkamada rafcaanka ee degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, taariikhdu markay ahayd 1958-dii. Dacwootadaas ayaa u soo dacwootay maxkamada iyadoo ku soo eedaysay in uu damaaiyey nin ay isku deegan ahaayeen, ka dib markii maxkamadu furtay dhageysiga gal-dacwadeedkii dacwootada, waxay tidhi:- Anigoo baadidoona oo ka imid meel u dhaw tuulada dharkeyngeeyo, waxa iga soo hor baxay ninkan oo soo socda waddadii aan maraayey, isla markiiba waan naxay, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo. Dacwootadii iyadoo dacwaddeedii sii wadata waxay tidhi;- Waddadii ayaan uga leexday anigoo talaabada hoosta ka xadaaya, isaguna xagii aan u weecday ayuu u soo cago- duwaday, waxaana igu abuurrantay dareen cabsi leh, Qaadigii baa yidhi;- Raganimmo. Wali iyadoo Dacwootadii ku guda jirta duriddeedii ayey tidhi;- Waxoogaa ka dib, markii uu isoo gaadhay ayuu sida shabeelka igu soo booday, waan iska caabiyey oo aan iska caa...