Posts

Showing posts from July, 2019

A country is not recognized twice

Image
The major powers that were competing for the division of the countries of the world in the 18th century, although they differed in their views, ideas and political systems, they believed in two methods, the colonial method "Colony" (ruling and managing a country) and directly ruled by another country) and the protected political system "Protectorate (agreement to protect a country and control it from other countries, while they are growing), the British Protectorate of Somaliland was one of the 7 countries It was a protectorate of the British Empire from 1841 to 1960, which was one of the 21 countries directly ruled by the British Empire. In the 19th century, in the 1960s, the British Protectorate of Somaliland became one of the 21 countries that gained their independence from the British Empire, namely, Cameroon,Togo, Somaliland British protectorate, Madafascara, Mali Federation, Union of Senegal, French Sudan, Congo, Republic of Dahomey, Niger, Upper Volta (Burkina Fas...

Madaxweyne Cigaal Oo U Jawaabay Muuse Biixi

Image
  Muddo haatan laga joogo dhowr todobaada ka hor ayey hadal haynteedu ku badatay bulshada dhexdeeda,   jawaab uu ka bixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, su’aal lagu weydiiyey eedaymo uu u jeediyey Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed X. I Cigaal ( AHUN ) Sannadkii 2001-dii. Wakhtigaa waxaan halkan idinku soo gudbinayaa jawaabtii uu ka bixiyey Madax-weynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, “Alle ha u naxariistee” M.X.I Cigaal, oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Madax-tooyada, taasoo uu kaga hadlaayey xaaladda ergada dhex-dhexaadinaysa, Xukuummada iyo Kooxda salaadiinta Guriga ku jirta” M/weyne Cigaal wuxuu hadalkiisii ku bilaabay:-   “Shalay qoraalkii (Statement) aan soo saaray si fiican ayaa looga sheegay war-baahinta, wargays’yadeena, iyo BBC daba, hase-ahaatee arin yar baa la balbalaadhiyey oo si kale loo dhigay, oo laga dhigay nimakii dhex-dhexaatinta waday ama odayaasha ahaa khilaaf na dhex-mar...

Wadan Laba Goor Lama Aqoonsado!

Image
Quwaddihii ugu waaweynaa ee tartanka ugu jiray kala qaybsashada wadamada aduunka Qarnigii  18-aad , inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca aragtida, fikirka iyo nidaamka qorshahoodii siyaasadeed, haddana waxay  aaminsanaayeen laba hab oo kala ahaa,  habka guumaysiga ah “ Colony” (xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah uu u xukumo dal-kale)  iyo nidaamkii siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo ka xakameynta  wadamada kale, inta ay  soo korayaan),   British Protectorate of Somaliland  waxa ay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u  ahaa boqortooyadii ingriiska  sannadihii 1841-kii illaa iyo 1960-kii, kuwaasoo ka mid ahaa 21-kii dal ee sida tooska ah ay u xukumayeen Boqortooyadii Ingiriisku.  Qarnigii 19-aad ged-gedoonkii iyo dabeylihii xornimo doonka ee ka socday dunida  sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British P...

Dr Maxamed Faarax Qoti Oo Ka Hadlay Aafada Xashiishadu Ku Hyso Dhalinyarada

Image

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka. Q/6aad

Image
Sidaa darteed, waxa aynu halkan ku eegi doonaa Beel ama qabiil xeer-dhaqan soo jireen ah u lahaan jiray inay ku soo xushaan hab-doorasho gadh-wadeenka reerka marka uu geeriyoodo ama uu hawl-gab noqdo,   waxaana ka fadhiisan jiray xubno ka mid ah guddi hoosaadyo ay beeshaasi lahayd, kuwaasoo ka soo dhex-xullan   jiray beesha ninka caaqilnimada reerka u noqonaya. Ka dibna, waxa ay guddidaasi u eegi jireen, Diinta, sharafta, karaamadda iyo daacadnimada uu leeyahay, iyagoo ku qiimeyn jiray dhinaca, Dhaqanka, Codkarnimo, Garyaqaannimo, Hawl-karnimada, Caqliga, Aqoonta, Xikmadda, Da’da iyo waayo-aragnimada uu leeyahay ninka gadh-wadeenka reerka u noqonayaa. Waxa dhacday inay sameysteen Suldaankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan, kaasoo ay ku soo xusheen sidii uu dhigaayey xeerka dhaqanka beeshu ee ahayd habka xulashada, isla-wakhtigaas, waxa xafladii caleemo saarka suldaanka lagaga dhawaaqay in aanay ahayn sandaladani mid ku timid dhaxal ama aanay noqon doonin mid la kala dhax...

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka Q/5aad

Image
Didiif:   waa afeef, waxaana la odhan jiray   “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi jiray iga hadhan iyo weedho kale oo la mid ah”, sidaa awgeedna, had iyo goor   marka la garamayo waa lays-xujayn jiray, waxaana la odhan jiray i “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah Nacfi-jiid, Naas-jiid iyo Lug-jiid”,   waxa loola jeedaa Nacfi-jiid waa ninka wax la siiyo, Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (Abtiga loo yahay), Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa   “Saddex nin midna markaati iguma furo.” Dacwi:   waa halka ay gartu u dhimato ee (Ugu muhimsan), Allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale kala baxaa, dacwiga waa habka loo sheegato waxa aad leedahay iyo sidii aad ugaga hor degi lahayd, waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, taasoo ay ka mid tahay, “Hadii uu odhan doono”   adigoo ku hadla...

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka. Q/4aad

Image
Gar-jileed :   Gar jileed ama Gar-badh waxa loo yaqaanaa garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin habaabiyo, macne ahaan kama taggana buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eeg wixii loo sheeganaayey,   si markaas dadka goobtaasi jooga uu ugaga qosliyo, isagoo doonaya in ay labaduba isku nooc noqdaan. Gar dad-ban: Somalidu iyagoo aan moodayn in gartani tahay mid garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda,   waxa jirta xikmad tidhaahda "Qosolna hiil leh", taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo. Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan a...

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka. Q/3aad

Image
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen Suldaannimo, ka dibna waxay goor barqo ah ay iskula tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii , waxaanu ku yidhi "Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya", ka dibna, hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aan ka kicin bacadkiina ugu soo galay, markaas buu dhididay oo uu haraaday, halka ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey. Markii ay gaadhay galabnimadii ayuu u yimid odaygii Guurtida ahaa, waxaanu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, Odaygii Guurtida ahaa ee ay yidhaahdeen na kala saar ayaa yidhi "Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isku garnaqaye, waayo buu yidhi:- ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka k...