Posts

Showing posts from 2019

Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo (Q/3-aad)

Image
Bal u soo noqo suurada kale ee ku jirta suuratul SUMUL, Wa’nufikha fi’suuri fasaciqa man fisamaawaati wal’ardi, fa’nufikha fiiyhi’ukhraa, fa’idaahum qiyaamun yandiruun, fa’arshaqatil ardi binuuri rabbihaa, wajiiha bina’biyiina washuhadaai, faqudiya baynuhum bil’xaq, fasiiqaladiiyna kafaruu ilaa jahanama waladiina aamanuu ilal janati,”   Maxay tahay labadaa aayadood sidaa isku waafajinaysaa, mid aakhirka marka dunidu dhamaanto sugaysa, iyo mid ka sheekaynaysa marka   Ninku” qofku “markuu dhinto waxa dhacaya, in arinku halkaa ku dhamaanayo. Waxaanu intaa raaciyey:- “ low kaana minal muqarabiina farrowxu warayxaanu, minalasxaabul yamiini, fasalaamu laka asxaabul yamiin, wa’inkaana minal mukadibiina daaliina fanasulun min xamiimi” Meeday, labadaa Aayadood miyey is khilaafsan yihiin, ma taqaaniin tafsiirkooda, ma garanaysaan, ju’hallaad tihiin, ma’ogodin, been baad iibsanaysaan ganbada cad ee aad carabta ku dhawrtaysanaysaana anaga nagu khaldi maysaan, dadkani dad mus...

Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo (Q/2-aad)

Image
Qoraaga wanaagsan waa ka fahma waxa ay xiiseynayaan akhristayaashiisu, riyooyinkooda, cabsidooda iyo xoggaha qarsoon ee ay ku farxayaan, waxaanu dhiirigaliyaa wanaaga. Hab-qoraaleedka wanaagsan waxa uu leeyahay qaab-dhismeed la raaco oo ah, sida gogol-dhig, duluc iyo gun-dhig, ayuu hadalka kiisa toolmoon ee la jeediyaana u leeyahay milgo, qurux, qiimeyn, qaab-dhismeed u qaabaysan,   aaraar, ubuc iyo af-meer. Sababtoo ah, hadalku waa farshaxan u baahan in la saxartiro oo laga   fiirsado heerka awoodda erayada fariimaha uu xanbaarsan yahay in ay ku sar iyo jaan go;an yihiin, ujeedada aad doonayso inaad u   gudbiso dhageystayaasha, sidaa awgeedbaa, Soomaalidu ugu maahmaahdaa “ Hadal aan fiirsi loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin labaduba feedhahay wax yeelaan”, Isla markaana, waxa haboon in la kala fahmo, h adallada af-waajiga ah, kuwa af-gobaadsiga ah, kuwa mutuxan, kuwa maldahan, hadallada hubantida ah ee ku salaysan xaqiiqada dhabta ah, hadallada habowga a...

Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo

Image
Waxaan jeclaaday in hawraar ay gocatay laabtaydu ku hogol tusaaleeyo  q oraalku   in uu yahay tixraac lagu keydiyo hadallada ay kuwada xidhiidhaan aadamuhu, laakiinse, way adag tahay in aad ogaato jihada saxda ah ee aad ka bilaabayso   qoraalka, inkastoo ay jiraan afar hab oo loo isticmaalo qoraalka oo mid waliba leeyahay ujeeddooyin u gaar ah oo diirada saaraya jihooyin kala gadisan, sida, mid inoo sheega war, wargalin iyo warbixino oo qeexaya qof, goob, walax ama aarraa hab farshaxannimo leh loogu muujiyo sawir muuqaaleed soo jiidanaya dareenka maanka   akhristayaasha. Faallo-qoraalleed wax laga barto oo lagu gorfeeya dhacdooyinka, fikradaha, baadhitaanada, sheekooyinka dhaliya doodaha iyo murannada u baahda in lagu kala saaro hogol-tusaaleyn muujinaysa sawir fikradeed kooban, hab-qoraaleedkan ujeeddadiisa ugu weyni waa mid wax sharaxaya, q oraalka wax ka dhaadhicinta ee loo isticmaalo wax dhigista iyo fikiradaha la wadaago, waxaanu inoo sheegaa dhacdooy...

Waa Dhacdo Dhab Ah Oo Ka Dhacday Cusbitaalka Hargeysa

Image
“Akhriste, Fadlan Cidna Ha U Sheegin” Markii uu geeriyooday (AHUN) ururiyihii xogta caafimaadka gobolka toghdeer ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, bilowgii Sannadkii 2010-kii._ Marxuunka aroornimadii markii loo qaadayey xabaasha, waxa guriga meydku yaalay yimid laba nin oo ka tirsanaa shaqaalaha ka hawl-gala Qolka Meydka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaanay kadinka hore ee guriga kula kulmeen Iskuduwadihii Caafimaadka Gobolka Togdheer, oo hadda ah Iskuduwadihii Caafimaadka Gobolka Togdheer, kaasoo ka soo qeyb galay aaska marxuunkaas (ALHU), isla markaana waxay u sheegeen in marxuunkan dhintay ay ku leeyihiin deyn gaadhayasa 300,000. Sh/SL, deyntaas oo ahayd bay yidhaahdeen, meydhi laba jeer ah oo ay meydheen marxuunka markii uu yaalay qolka meydka. Iskuduwahaas oo wajigiisa ay ka muuqato argagax iyo amakaag, ayaa ii yimid anigoo jooga gudaha gurigaas, waxaanu farta iigu tilmaamay labadii nin oo taagnaa goob naga durugsaneyd, waxaanu igu yidh...

Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera

Image
Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera Markii ay socotay dabaylihii xornimo doonka ay ku raadinayeen dalalkii ay guumeysanayeen wadamadii reer Yurub,  wakhtigaas oo uu la wareegay maamulka xukunka talada dalka British Protectorate of Somaliland, Mudane, Douglas Basil Hall, hilaaddii 11 July 1959 illaa iyo 26 June 1960. Waxa jray cunto-kariye ka fakaday xabsiga mandheera, cunto kariyahaas oo ahaa  nin aamin ah, lagana dheehan karayey karti, hufnaan, firfircooni iyo deganaansho badan, waxaannu markii danbe shaqo ka hellay   xafiiska cunto karinta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Ingiriiska. Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii shaqo, waxa looga yeedhay xafiiskii ugu sareeyey ee uu fadhiyey Mudane.  Douglas,  markii uu soo galay xafiiskaas waxa uu arkay mudane,  Douglas oo taagan oo wajigiisa ay ka muuqato waji adag oo haddana dabacsanaa, waxaannu ku yidhi Doug...

Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin

Image
Mudo haatan laga joogo 28-Sannadood iyo waxoogaa war baa jiray aan la baahin, waxbaa jiray aan la sheegin, heeso ayaa jiray ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada   Dalabaadka Heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, sababo jiray awgood. Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, M.X.I. Eggal lagama baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heestan tidhaahda, Waadigan’se liitee, leexadu ku sidatee had ba laan cugsanayee. Markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa jiray laba heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Daahir, aramadaadiidii waxay uurka jiifataba afka aan ka dhowraba ka adkeysan waayee, iyo heesta tidhaahda Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa. Ka dib, markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Axmed Maxamed Maxa...

Waxa jira niman carashada yaqaan oo aanay wax-kale u wehelin

Image
Sannadkii 1999-kii bishii May, 30-keedii maalin   Axadeed ayuu u jeediyey Madax-weyne ciggaal (AHUN),   khudbad aad u qiimo badanayd, Ciidanka   Booliska Somaliland isla xarunta Taliska Booliska, qayb- Ciidanka ka tirsan; khud-badaasi waxa uu ku bilaabay sidan:-  Maalin-dhaweyd oo halkan xil-lagula kala wareegayey, waxa ka hadlay rag-odayaal ah oo qiimo iyo qadarin kuligeen inaga wada mudan,  odayaashaasi eray kasta oo ay halkan ka yidhaahdeenba, waan ka markhaati kacayaa inuu runtood ahaa oo ay asiibeen. laakiin anigu maanta warkayga wadadoodii la’marimaayo ee si kalaan rabaa in aan   wax idiin tuso dadkan iyo dalkan aynu xilka u hayno waad og’tihiin waxay ku sugan yihiin, waa dal og’aan iyo ula kac loo dumiyey, oo la baabiiyey oo aan dadaal loola hadhin , sidii loo tirtiri lahaa, khayraadkiisa loo aasi lahaa ee loo lunsan lahaa, dadkeena wuxuu cadowgii isku dayey, in la gumaado oo la tir-tiro xididkooda iyo xun-dhurtoodaba, shuhadadii dhimata...