Friday, November 1, 2019

Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo (Q/3-aad)


Bal u soo noqo suurada kale ee ku jirta suuratul SUMUL, Wa’nufikha fi’suuri fasaciqa man fisamaawaati wal’ardi, fa’nufikha fiiyhi’ukhraa, fa’idaahum qiyaamun yandiruun, fa’arshaqatil ardi binuuri rabbihaa, wajiiha bina’biyiina washuhadaai, faqudiya baynuhum bil’xaq, fasiiqaladiiyna kafaruu ilaa jahanama waladiina aamanuu ilal janati,” 
Maxay tahay labadaa aayadood sidaa isku waafajinaysaa, mid aakhirka marka dunidu dhamaanto sugaysa, iyo mid ka sheekaynaysa marka  Ninku” qofku “markuu dhinto waxa dhacaya, in arinku halkaa ku dhamaanayo.

Waxaanu intaa raaciyey:- “ low kaana minal muqarabiina farrowxu warayxaanu, minalasxaabul yamiini, fasalaamu laka asxaabul yamiin, wa’inkaana minal mukadibiina daaliina fanasulun min xamiimi”

Meeday, labadaa Aayadood miyey is khilaafsan yihiin, ma taqaaniin tafsiirkooda, ma garanaysaan, ju’hallaad tihiin, ma’ogodin, been baad iibsanaysaan ganbada cad ee aad carabta ku dhawrtaysanaysaana anaga nagu khaldi maysaan, dadkani dad muslima weeyaan, Illaahaybay yaqaaniin, nabigiisiibay yaqaaniin, meesha iyo waxay u socdaan iyo waxay doonayaan bay garanayaan, na dhakri maysaan, caalamka islaamka ayaanu ka mid nahay, waxaanu u ognahay ayaanu ugu dulqaadanayaa islaamka daraadii, cadaawad risiq gooyn, risiqii illaahay noo qoray ayey naga xaasidayaan,  xoolahayagii iibsan waayeen, intaas ayaanu diyaar ugu nahay inaanu ugu dulqaadanaynaa xadhiga noo xidhan ayaanu ugu dulqaadanaynaa, “  watama sakuu bil xabli laahi jamiican” intaas ayaanu ugu dulqaadanayanaa.

Markaa hanagu kalifina in aanu idinka tashano, ma idiin naqaano, ma idiin ogin, ma idiiin ictiraafsanin, inaad Diintayada ka tihiin masuul, inaad Diintayada taqaaniin, waxaanu idiin naqaanaa Murtisiqa, irtisaaqaysa,

Waxaan leeyahay Sheekh caliyow adaa dadkaa u madaxa’baa la yidhi, Casuumadbaan kuu fidinayaa anniga iyo wasiirka diinta martiqaad kuu fidinayna ee noo kaalay, wixii aad doonayso soo kaxayso raggaaga cidaad cilmi bidayso iyo kaad caqli bidaysaba soo kaxayso, labadayada oo qudha ayaa kuu imanayna, aynu Niqaasno Diintan, oo waxay tahay iyo waxa Illaahay ina siiyey iyo waxa Nabigeenii Muxamed (CSW) inoo keenay, haddaad dhab idinka tahay Diinbaanu wadnaa, intaas baan ku dhaafayaa arrintaasi.

Waxa uu u guda-galayaa qodobkiisii labaad waxaanu yidhi:- Waxaynu nidhi, waxaynu dalkeena ku dhisaynaa nidaamka la yihdaahdo, Dumuquraadiyaddi, kaasoo caalamku isku raacsan yahay, inuu yahay Nidaamka qudha ee dadka qaataa xoriyad taama iyo ismaamul taama uu ku noolaan karo, wuxuu haddaba u baahan yahay Nidaamkaasi, in la barto sida loogu dhaqmo, oo aan xoriyadda uu balan qaadayaa si xun loogu dhaqmin loo isticmaalin, kuwa xukuummadda hayaana aanay awooda loo dhiibay ku talax-tagin, oo xadka  Dastoorka iyo sharcigu u xaddeeyeeen aanay dhaafin, siday  Digtaatooriyaddii Siyaad Barre u dhaaftay.

Taas sida qudha ee lagu gaadhi karaa waxay tahay, in la hello shacbi feejigan oo xaqiisana yaqaana, xurmadda xeerkiisana yaqaana, xeerku ma’aha xeer waxna ma xukumi karo faa’idana ma yeelan karo, haddii aan dadka xeerkaa dhigtay aanay xurmeyn.

Shacbiga sidaa fahmay ee xeerkaa qaata ee xurmeeya ayaa garsoore xaqa iyo baadilka kala qeexa noqon kara, qof wal oo muwaadin Somaliland ihiba waxa uu xaq leeyahay, xorriyatal-qawl iyo inuu rayigiisa baqo la’aan iyo xeebasho la’aan uu ku soo bandhigo oo uu ku sheego.

Cid aan shacbiga ahayn oo xaq u leh, xukuummad ha noqoto, ama xisbi ha noqotee, ama qof ha noqotee, cid xaq u leh oo ku xukumi karta, qofna rayigiisa inuu wanaagsan yahay qofna rayigiisu xun yahay ma jiri karto, shacbiga ayaa xaq u leh, dadkiina halkan iga dhageysanaya ama hadhow raadiyaha iga dhageysanaya ayaa xaq u leh, ayaa ah in ay rayi walba dhageystaan, oo sidii hargaha loo kala fanashi jiray u kala fanashtaan, qofka uu u arko inuu dan u yahay, oo dalkiisa lagu waddi karo ay ayiddaan, oo ay codkooda iyo  taladooda siiyaan, masuuliyad yar maaha taasi, waa masuuliyad weyn-weyn.

 Idinka weeye waxa kala xukumayaa, idinka weeye waxa inoo doorayaa meesha aynu mareyno iyo halkaynu u kacayno iyo dariiqa aynu raacayno, idinkaa inoo kala dooraya, markaa waa in la hello shacbiga Dumuquraadiyaddi ma socon karto, mana meel-mari karto, hadduu aanu jirin shacbigaas maskax-diisa maalayaa, ee kala xukumaya wixii xun iyo wixii san, wixii meel-mar ah iyo wixii meelmar ahayn, haddii shacbigaa la waayana Dumuquraaddiyadii ma jirayso, haddii Dumuquraaddiyadii la waayana, waxay noqonaysaa markaas, rayiga in inyari wadato, oo kii Af-weyne oo kale ah la innagu qasbo, oo markaynu diidnana xasuuqaas shalay dhacay barritana dhaco ka fiirsada.

Sidee-buu rayi cilmiyeysan oo la soo miisaamay, oo la soo saxartiray loo soo gaadhsiinayaa, oo looga dalbanayaa inay ayidaan ama ay aqbalaan, masuuliyaddaas waxa iska leh Axsaabta siyaasiga ah ee aynu leenahay maanta ha la dhiso.

Asxaabtaasaa madaxdoodu iyo gudiyadoodu iyagoo ka soo ka soo fikiray   Porgramadooda, oo aaraaradooda iyagoo soo buusha-bixiyey, hor-dhigaya shacbiga Somaliland.

kaasoo ay porograamada ay mooddaan in dantooda lagu gaadhayo ay doorran doonaan, oo ay aqbali doonnaan, taageeradoodana ay siin doonnaan, sidaasaa xornimadii shacbigu haystay ku meel’mari lahayd, oo ay  ku joogi lahayd si aanay fowdo ugu noqon tororogtii  makhaayadaha, ee ay noqoto mid ku jihaysan Programo dhisan iyo aarraa cilmiyeysan.

Waxa uu u soo daadagay qodobkiisii saddexaad waxaanu yidhi:- Dowlad-nimadda iyo nidaamka aynu ku dhisayno somaliland ee aannaan cidna ku xumaynayn, ee aynu Danteena iyo Diinteena iyo Duunyadeena u dhisanayno, ayaa waxa aad mooddaa inuu ku yahay, dadkii reer soomaaliya la odhan jiray, bir adag oo ay liqi kari waayeen, waxa aad mooddaa halkay dantooda ay ka  maamulan lahaayeeen, dadkoodana ku heshaysiin lahaayeen, dalkoodana ku dajin lahaayeen, inay iska dhaafeen, waxa qudha ee ay ku mashquulsan yihiin, ka maanta jooga ee Madax-weynha sheeganaya iyo kuwii ka horreeyeyba sidii Somaliland loo dabri lahaa dadkeedana la iskaga horkeeni lahaa, caalamkana six un loo tussi lahaa.

Wuxuu C/qaasim xamar ka dhisay Dowlad dalkii uu af-weyne xukumi jiray oo dhan oo ay ku jirto Soomaaliland uu u yahay Madax iyo Dowlad, manaasibtii ugu waaweynayd dowladdan wuxuu ku taxay, Dad reer Somaliland ah, oo beello miissaan iyo magac leh ka soo jeedda asagga oo ay la’ahayd, in manaasibta  ragaasi  qabtaan ay reer Somaliland kala fidnayn doonto, oo kala kaxayn doonto, kuwii kaa horeeyey, oo sidaasoo kale iyana yeellay, wax fidmo ah oo Somaliland ay ku kala rideen ma jirto, kuwa maantuna, wax fidmo ah oo ay inna galiyeen iyo wax daana ah oo ay innoo geysteen, maanso-booli ay dibada ka toocsanayaan oo qudha mooyaane, oo aanay wax ay innagu yeelayaan iyo wax ay ina yeeli karaan aanay jirrin.

Assaga ayaa Jaalle C/qaasim wax is yeelay, oo maanta sida uu uga qaawan yahay taageerro iyo ta’yiid ugama qaawanaadeen, hadduu fikraddiisa ku koobo daaweynta iyo dajinta dalkiisa, oo uu lixda mansab ee kaga khasaaroobay raga reer Somaliland ah, uu siin lahaa, beelaha maanta ka soo horjeeda ee Raxan-weyn,  Maruursade leh, ee Abgaal leh, ee Mareexaan leh, ee Ogaadeen leh.

Maanta kumuu jireen cidhiidhiga uu ku joogo xamar iyo hudheelada issaga iyo raggiisu ku dhuumaalaysanayaan, waxaan usoo jeedinayaa Jaalle C/qaasim innuu xusuusto maah-maahdii Soomaaliyeed ee odhanaysay, “Awr kaaga ayaannu kuu rarrin nimaan kulla furri doonin” magaca aad hayso si kastaba ha ku yimaaddee, ee aad qaadatay, masuuliyad cullus ayaa la socota, waxaan kugula talinayaa in aanad noqonin, “Habartii xaabad qaadi karri weyday ee tidhi qoryo kale iigu kordhiya”.

Inta aad Dalka aad wax ka qaban karto, ee awooddaada iyo arrinkaagu gaadhi karro wax ka qabbo, hadday kaa dhabtahay soomaaliyaan u danaynayaa, oo aad tanteeda waddo,  annaga Somaliland baa’nalla yidhaahdaa, haddaad xubnaha Dowladdaada oo dhan ku taxdo rag u dhashay Soomaaliland, wax faa’iido ah oo ay kaaga keenayaan Somaliland ma jirto, wax daanno ah oo ay Somaliland gaadhsiinayaana ma jirto, inta sidii ragii kaa horreeyey waagu kuugu dul-baryin, sida iyagaba uu ugu dul-baryey, inta aad Dad tashaday illaahayna la qabtay,  oo arrintoodii dhameystay, inta aad xin iyo xaasid la daba’liicaysay, u jeedso waxa ay danta Soomaaliya tahay,  oo ka fikir waxaad u qaban karto Dalkaaga aad u madaxda tahay, annaga nooma tihid madaxee.

Annagu haddaanu nahay reer soomaaliland waanu ku wareersanahay, fahmina kari weynay, waxa ninkii madax ka noqda Soomaaliyaba, wuxuu  Somaliland  ugu jahwareerayo  waanu fahmi laanahay, waxaynu ahayn laba dal oo is raacay, israaciina idinka reer soomaaliya ayaa baabiiyey, ayaa xasuuq iyo xisdi iyo cadaalad darro iyo dhac iyo boob ku baabiiyey, waxaanu idin daba sidnaa ma jirto iyo wixii na gaadhay waxaanu idinka sheeganaynaa ma jirto, waxa idinka na’kiin daba wada haddaanay ahayn bixiso, oo aan Illaah ka wadin meesha dhexdeena miidamada ka dhex-dhacda “geesi malafsi bartay iyo doqon millantay” haddaanu Illaah ka wadin, waxaan idin leeyahay, ka waantooba oo waxaydaan heli Karin,  oo in mar-danbe xamar naga xukuntaan, ha ku wareerina, oo haku riyoonina.


Waxa uu guda-galay qodobkiisii Afaraad, waxaanu yidhi:- In dhaweyd waxa naga fajiciyey, siday Qaramadda middoobay u dhaqmayaan iyo colaada aanaanu ka kas’banin oo aad moodo in Somaliland lagula kacayo,  siddee’tamaadkii markii faqash Dadkan ay gumaadaysay ee ay xasuuqaysay ee ay dhaca iyo dhibaatda u dhameynaysay madaxda qaramada midoobay ee dhowrida xuquuqda binu aadmiga ka masuulka ah.

Maalin qudha eray hiil ah ama ka hortag sharci darradaa la inagula kacayey, qaramadda bidoobay lagama maqal, aduunka intiisa kale sidaas oo kale ayuu u daawanayey, oo nimankii waxaa inagu falayey ee madaxda ka ahaa, oo lagula saaxiib ahaa, oo lagu jeclaa, oo lagu watay,xitaa markii 1985-kii  nin madax-weyne ku xigeena, oo markaa  wasiiru difaac ahaa, uu washiton uu ku joogay booqasho rasmiya, uu shir jaraa’id ka qirtay, oo waliba aad mood inuu ku faanayey, inuu isagu bixiyey uu ka qirtay amarkii Hargeysa lagu dumiyey ee dadkeedii lagaga  caydhiyey,  Jaraa’id ha ahaato ama dadkii ama dowladdii uu martida ha ahaayeene, wax-ku yidhi balaayaad qiratoo wax xunbaad sheegtay may jirin, sacab ayaa  loo tumay, carrab oo dhamina lacag bay la daba joogtay Maxamed Siyaad Barre,  lacag  uu kayd uu ku sameysto, oo uu hub ku siisto, oo uu inagu laalayo oo uu inagu gubo, oo uu inagu gumaado.

Hadda intaasoo dhan soo dhaaf, wax tagay weeye, wax aynu kaga ciil qabnaa ma jirto, markaynu is nidaaminay ee aynu dowlad dhisanay, ee aynu soo saarnay xabaalihii jamaaciga ahaa ee dadkii la xasuuqay lagu aasay, iyagoo kumanaan iyo kumanaan gaadhaya, madaxdii qaramada midoobay wey diideen inay sida caalamka kaleba  ka yeelaan, oo la baadho oo laga sameeyo war-bixin iyo shay baadh in lagu ogaado dadkaasi waxay ku dhinteen.

Sharciga uu qaramada midoobay ku dhisan yahay, kuma jirto inay dowlad ictiraafaan, kumana jirto mid ictiraaf doonaysa inay  hor-istaagaan , macnuhu waxa weeye mana-ictiraafi karaan dowlad uma diidi karaan dowlada ictiraaf doonaysa,   nasiib darro, taa weeye tay maanta ay Somaliland ay kula kacayaan, ayaga oo leh waxaanu difaacaynaa wadan  soomaaliya la yidhaahdo, oo aanu  midnimmadiisa iyo siyaadadiisaba  badbadinaynaa, ma’oga madaxda Qarammada Midoobay magaca soomaliya la yidhaahaa meesha uu ka yimid, dalka soomaaliya waxa weeye, magacii la odhan jiray mustacmaradii uu Talyaanigu haysan jiray, markii danbana noqotay dal uu qaramada midoobay gacanta ku hayo, taasaa soomaaliya la odhan jiray, anaguna taas waanu u  ogolnahay wada jirkeeda iyo siyaadadeedaba,  waxa  la iska indho-tirayaa waxa weeye, dadkii uu Maxamed Siyaad Barre xukumi jiray waxa uu magaciisu ahaa Soomaali Republic, waxaanay jamhuuriyaddaasi ka abuurantay, israac ay israaceen laba Dal oo la kala odhan jiray Somaliland  ta kalana la odhan jiray Soomaaliya oo isu-tagoodii la baxay ahaa, Jamhuuriyadda Soomaaliyeed “ soomaali republic”.

Cadaalad-darro badan oo gaadhay dadkii somaliland daraadeed  ayaa keentay, inay  israacii ka noqdaan oo xoriyadii ay Ingiriis ka qaateen 1960-kii,  la soo noqdaan oo xadkii ay isticmaalka ka dhaxleen,  ee charteka AOU- du ka dhigay, mid aan la badali Karin, ay dib ugu noqdaan  oo Dowlad’nimadoodii, dib ugu dhistaan,  gartaas waa ogolnahay sharciyan  inaanu ka garrano, laakiin in la is’diidsiiyo oo laga dhigo wax aan jirin, magac aannan  waligayo yeelan in guudka lanaga saaro ma’ogolin, mana yeelayno, geeri ayaanu ka dooranaynaa,.

Arintaas  dooda nooga socota carrab  iyo qaramada midoobay,  wallow aanay noo caada ahayn inaanu ku dhaqano waxa loo yaqaano “Microphone diplomacy “ haddana shacbigu wuu ka warqabi doonaa wuuna la socon doonaa meesha ay ku soo gunaanadato.

Ka dibna, waxa uu ku soo af-meeray ujeedada khudbadiisaas, dardaaran, waano, dhiirigalin iyo in hadafka hiigsiga himilada lagu gaadhi karo, tacab iyo tallo-wadaag, waxaanu yidhi:- Ugu danbeyn, waxaan jecelahay in muwaadin waliba ka fikiro, waxa ujeeddadeenu tahay iyo bar-tilmaameedka geeddigeenu ku socdo, maanta 10- sanno oo aynu madax-bannaanayn, 10- sanno oo aynu madax-bannaanayn ayaa loo dabaal degayaa, 10-kaa sanno wax aynu ku faani karno ayaa inoo qabsoomay, Africa oo dhan kaga tilmaaman yahay, Deganaansho, Nabad kuwada noolaan, iyo haynteenuba hayaraatee sinaan aynu ka simanahay in Gaajada iyo Guul-darrada Africa badan keeda haysaa aynu ka badbaadno, 10-ka sanno ee socda maxaynu rabnaa inaynu gaadhno, oo aynu u dabaal-degno, anigu ma’idinla joogi doonno, maalinta ay 10-sanno ka hadhay ee ay Somaaliland 20-jirsan doonto.

Waxayse hawadaydu I’tusaysaa, in haddaynu ragamadeeda yeellano ay Hargeysadani maalintaas loo dabaaldegayo 20-sanno in aanay noqon doonin ta maanta aynu joogno ee ay noqon doonto mid Daarihii dhaadheeraa ee Imaaraadku ka dhisan yahay, xassaasad beena maaha ee waa wax suura gali kara hadaynu raganimaddeena yeelano, dadaalkeeda iyo tacabka ay u baahan tahayna la nimaadno, waligeena haddaynu nahay reer Somaliland dadka wallaalaheena ee Africa inagula nool waynu iska bidiy jirnay, iska  bididaasi may ahayn mid aynu Aadamaha wax dheer nahay.

Nabi Aadam ayaa wada dhalay 9-bilood ayaa lagu wada dhashay, magtooduna waa wada boqol oo waynu wada simanahay, waxa la is dheer yahay, waxa uu Alle (SW) uu quraankiisa inoogu sheegay, waxa weeye Caqliga Xirfad Ilbaxnimo iyo Tallo-wadaag, haddaynu Tacab iyo Tallo isku keeno, Caqligii iyo Xirfadii iyo Aqoontii waanu haynaa, waynu leenahay, waxa inaga maqani waxa weeye Tacab iyo Dadaalkii aynu inta ay bartilmaameed gudoonsano looguntado, bartilmaameedkaas la gudoonsaday sidii loo gaadhi lahaa.

waxa ay illa tahay Dadka halkan maanta illa jooga inay xasuusan yihiin, inaan dhowr jeer aan halkan ka sheegay, maaliyada kooban ee maanta haynaa ay tahay Shini u baahan in aynu beerano, oo beertaasi maalin walba sii fido, oo barwaaqo iyo badhaadhaha ay rabno aynu gaadhno, haddiise  shinidii la beeri kahaa haddii maalin walba la qadhiidho, kii qadhiidhayna wax qadhiidhkaas wax uu u tarayaana ma jirto, beertii soo bixi lahayd ee lagu badbaadi lahaana way lumaysaa, waxaan barri dhaweyd dhisay Guddi la yidhaahdo, dabargoynta Musuq-maasuqa, uma aan dhisin Guddidaas in cid lagu xumeeyo, umana baahnin maanta is xidh-xidh iyo is xumayntoona, shaqada ee laga leeyahay Gudidaas shaqadeedu waxa weeye, in aynu xaaraani-xaaraan tahay lagu baraarujiyo dadka, wixii loo dhiibtay waajibka saaranina ay tahay amaanadaas in loo dayactiro, oo qaranka amaanadaas loo hayo loogu daneeyo, nasiib-darro, tay Soomaalidu odhan jirtay, “Soo baxbaa la leeyahay oo ay sacabkay leefaysaa”, kuwii la xidhay wax-bay xumeeyeen lagu xidhay, kuwii bedalay ayaad moodaa, in ay markiiba halkii  kuwii laga qabtay ay ka bilaabeen.

Waxaanu intaa raaciyey:- Ma suura galayso in ammaanada Qaranku noqoto wax ninkii loo dhiibaa ku daneysto, sidaana ku gaadhi mayno barwaaqadaas iyo badheedhaha aynu rajeynayno, inaynu ku 20-jirsano, waxa isweydiin rabta, sidee lagu heli karaa Amaano, tacab iyo Dadaal dhaba oo dhamaan Miyi iyo Magaalo loowada guntan yahay, Dadkaa ay ka dhaadhici laadahay masuuliyada Qaranku in aanay ahayn wax lagu xoogsado, waxay ka lid-qabaan waxa weeye mushtamaciina Dadkiinan maanta halkan jooga ee Burco jooga ee Boorama jooga.

Waxa weeye, Mushtamac ay la nool yihiin ay ku dhex nool yihiin oo sidaa ay qabaan la qaba, haddii ay wallaalayaal bulshadeenu u aragto Tuugada Ceeb tahay, oo weynu kawada war-qabnaaye, ka ku dhaqmaaya lagu ceebeeyo, waa la ceebsan lahaa, wax inoo kala qarsoomi ma jiraan, wixii mujtamaceenu diidan tahay waa laga xishoon oo waa laga cabsoon lahaa, maanta kii tuuga ahaa waa fariid, kii Amaanada Ikhlaaska ku shaqeynayey waa Nacas wax ma’tare, wax ma’taransade ah, cid aynu Maxkamad saarnana wax ay taraysaa majirto, cid la xidhaa ama Dad la xidhaana haddaanu kii ka danbeeyey, ku xeebanin wax ay taraysaa majirayso.

Laba-Maayar oo hargeysa ka madax ahaan jiray oo maanta ku eedaysan Xoolo-Qaran oo maqan, waxay ahaayeen laba nin oo aan annigu doortay munaasibta aan u dhiibay, xurmo iyo xishoodna iga mudnaa, kumaan farxin xadhigooda.

Isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi:- wallaalayaal, waxaan rajeynayaan in cadaalad kala kulmi doonaan xukunka, waxayse tahay runtu dhaqankaas aynu xamar ka soo qaadanay ee inaga reer Somaliland haddaynu nahay inoo ahayn xeer aynu ku dhaqano, illaa aynu wax ka qabano oo bulshadeena ka daweyno Guulaha aynu u baahanahay ma’gaadhayno.

Markaa reer Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa, oo aan kula talinayaa in Xaaraanta Xaaraantimeeyaan oo Tuuggada Tuuggo ka dhigaan, Ammaano darrida iska waaniyaan, Illaahay ha inoo dhib-yareeyo halka aynu doonnayno inaynu gaadhno hawl yari iyo tacab.

Ujeeddooyinkeenu Riyo aynu ku Riyoonno ku imman maayaan, haddii ay suuro gasho oo 10-kan sanno ee soo socda aynu gaadhno meesha aynu rabno Dalkan iyo Dadkan ay gaadhaan, waxay noqon doonnaan Dadka u dabaal-degayaa maalintaas, Dad-dadaalay oo muruqooda iyo Maskaxdooda maalay oo  dhidid iyo hawl-karnimo ku soo hooyey, Daarahan dhaadheer ee aynu leenahay hargeysay ka dhismi doonaan iyo wadooyinka balaadhan iyo nimcadda aynu Illaahay ka baryeyno inuu inoo hirgaliyo oo inoo hawl yareeyo, dadkaasi ma noqon doonaan qaar sida maanta aynu nahay Dad 10: 00AM “saacadood” subaxnimo soo toosa, 12:00PM duhurnimana qaad u fadhiista, oo  labaddaa saacadood oo qudha shaqadoodu iyo dadaalkoodu iyo tacabkoodii uu ku kooban yahay.

Cabaade Nin la odhan jiray,oo Gabayaa ahaa ayaa wakhtigii dagaalkii isagoo dadka tirtirsiyaya wuxuu odhan jiray soomaali uunbaa taqaan seexo oo dhereg, wali tii’uunbaynu ku jirnaa, waxa ammaano darada iyo tuuggada iyo dhaca hantida qaranka waxa keena, waxa weeye, damaca aynu kuwada nool nahay, ee qof waliba uu rabo inuu maalintii walba makhaayada ka sheekeeyo iyo muqaylka,

Haddana uu helo laba mijood oo qaada laba Baakidh oo sigaara iyo Laba quraaradood oo Cocalla ah iyo casho, qaddo iyo quraac, iyadoo loo abtirin ayaa qof walba oo inaga mid ahiba uu rabaa inuu ku noolaado heerkaas, iyadoo illo sharciya ama tacab keeno lagu keeno aduunkaas laga fikiraynin laguna hawlanayn.

Wuxuu ina yidhi ;- Alle (SW) Qoomna waxa uu ku eedanyahay kama faa’ido iyagoo iyagu dhaqankood baddelo mooyaane, hadday balaayo iyo dhibaato ku jiraan Alle (SW) kama feydo dhibaatadaas ilaa wixii ay ku kasbadeen dhibaatada ay iyagu  iska daayaan, Hadday nimco ku jireena lagana qaado nimcadaasi illaa ay iyagu wixii nimcadaasi ku heleen ay iyagu iska qaadaan mooyaane.

Annigu sidaan idiin sheegay, Dabaal-dega labaatanaad idinkalama qeyb galayo, laakiin waxaan ku rajo weynahay inaan waddada loo marayo wax ka fallo, hawsha lagu gaadhayana wax ka habeeyo, waxa ay la jirtaa Qarankan Somaliland oo ragamadiisiina leh aqoonteediina leh, dadaalkaana leh iyo xirfad ay ku gaadhaana Alle (SW) wuu siiyey, waxaan idinku ducaynayaa oo aan Alle (SW) idiinka baryayaa, inuu ina gaadhsiiyo, shinidaynu beeran lahayn inaynaan qadhiidhanin, oo qadhiidhka ka dayno, in libta aynu jecel nahay tacabkeedii iyo tamarteedii la nimaadno, waxaan leeyahay taasi ha’saamaato oo ha’la hello.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti





No comments:

Post a Comment

Mahadsanid