Waxaan jeclaaday in hawraar ay gocatay
laabtaydu ku hogol tusaaleeyo qoraalku in uu yahay tixraac lagu keydiyo hadallada ay
kuwada xidhiidhaan aadamuhu, laakiinse, way adag tahay in aad ogaato jihada
saxda ah ee aad ka bilaabayso qoraalka,
inkastoo ay jiraan afar hab oo loo isticmaalo qoraalka oo mid waliba leeyahay
ujeeddooyin u gaar ah oo diirada saaraya jihooyin kala gadisan, sida, mid inoo
sheega war, wargalin iyo warbixino oo qeexaya qof, goob, walax ama aarraa hab
farshaxannimo leh loogu muujiyo sawir muuqaaleed soo jiidanaya dareenka
maanka akhristayaasha.
Faallo-qoraalleed wax laga barto oo
lagu gorfeeya dhacdooyinka, fikradaha, baadhitaanada, sheekooyinka dhaliya
doodaha iyo murannada u baahda in lagu kala saaro hogol-tusaaleyn muujinaysa
sawir fikradeed kooban, hab-qoraaleedkan
ujeeddadiisa ugu weyni waa mid wax sharaxaya, qoraalka wax ka
dhaadhicinta ee loo isticmaalo wax dhigista iyo fikiradaha la wadaago, waxaanu
inoo sheegaa dhacdooyin, sooyaal taariikheed, gabayo, heeso, sheekooyin leh bar
billow, bar-dhexaad iyo bar-dhamaad, qoraalkaas waxa uu yeelan karaa gorfeyn
iyo qeexitaano, haddana, qoraalkan
aasaaskiisu waa mid inoo sheegaya sheekooyin.
Waxa kale oo qoraalku u baahan yahay qorsheyn, fikir, curin, qorrid,
tifatirrid, dib u eegis ku sameysid dhamaan ujeeddada, tusmada iyo
qaabdhismeedka, kamana tagana
adigoo doonaya inaad u sameysid soor aad ugu tallo-gallayso marti, waxaad u baahan tahay ka hor inta aanad karin soortaas qorshihii aad u qaban lahayd, waa in
aad isweydiisaa, waa kuwama dadka u
imanaya qado-sharaftan? maxay jecel yihiin in ay cunnaan? cuntada ay
rabaan ma hillib digaag oo aad u kululbaa, ma kaluun la cajiimaybaa, mise waa
caananis lagu kariyey baasto cad , mise waa canbe laf la miiray oo lagu kariyey bariis suugo leh,
si dhadhanka macaanku ugu dhegdheggo ilkahooda.
Isla markaana, kaftanka iyo haasaawaha ka horeeya cuntada in loo diyaariyo
qaxwe iyo bun ay cabaan, markaana la
go’aansado dalabkii weelka cuntadaas in ay diyaar ahaadaan wakhtigaas, sidaas
buu qoraalkuna ugu baahan yahay in aad isweydiiso, kumaad u qoraysaa qoraalkan?
waa in aad ogtahay dadka fariinta
gaadhayo da’dooda, diintooda, dhalashadooda, aqoontooda, jinsigooda, aaminaadooda,
rumeysashadooda iyo qiyamkooda.
Marka aynu ka nimaadno hab-qoraaleedka, waxa jira qorayaal leh, xirfaddo,
cod, laxan, hab iyo hannaan u gaar ah oo ay ku gudbiyaan hawraarta xiisaha
badan ee ka soo maaxata maankooda iyo maskaxahooda, kuwaasoo, fikirkooda ku
cabira sawir muuqaaleed xanbaarsan xogo kala duwan, sida, qorayaasha ku takhakhusay curinta sheekooyinka gaagaaban iyo sheekooyinka dhaaheer ee
male’awaalka ah, Qorayaasha qora hawraarta, qormooyinka,
buuggaagta iyo sheekooyin loo eekaysiiyey sarbeebo maldahan oo ku saleysan xaqiiqooyin
jira, Qorayaasha qora
dhacdooyinka dhabta ah, Qorayaasha aqoonta sare leh (academic writers) iyo kuwa
xirfadda sare leh (Technical writers), ee awoodda u leh in ay hellaan xoggo dhab ah oo
ay baahiyaan, iyagoo sameynaya hubin iyo
baadhitaano badan, qorayaasha qormooyinka ku baahiya wargeysyada wararka
todobaadkii, wariyayaasha qora wararka lagu daabaco wargeysyada, waxay ka
taxadiraan in ay baahiyaan tibaaxaha, kuwa qoraalada kooban ku baahiya
magaasiinada daawooyinka, raashinka, ganacsiga iyo farsamooyinka iyo kuwa ku qora qoraalada gaagaaban baraha
kulanka akhriska ee xuubka caarada.
Faallo qoraaleedka waxa lagu qiimeeyaa dareen faham oo ina siiya go’aan
aynu ku kala saarno hab qoraaleedyada ay soo gudbiyaan qorayaashu, tusaale,
ahaan tuducdan carab-jalaqsiga ah haddaynu saa qaadano ee odhanaysa “Shimbirbaa
subag sumal oo kulul oo kadan oo kadin hoostii yaala la sii kudhubaa kudhabaa
tidhi,” markiiba fahamka dareenkeenu
waxa uu ina siinayaa in subaga laga lulo
caanaha laga maalo dhadiga xoolaha lo’da iyo adhiga oo kaliya, laakiinse, waa
in aynu fahamnaa in subag laga saaro badhida sumalka.
Marka qoraalku ka kooban yahay gabayo, heeso ama sheekooyin, isla
markiiba, waxa maskaxdeena ku soo duxa in qoraaga ujeeddadiisu tahay in uu madadaaliyo akhristayaasha,
laakiinse, haddii uu gudbinaayo xoggo iyo xaqiiqooyin dhab ah, haddana, waxa
maskaxdeena mar-labaad u sawirmaaya in qoraaga ujeeddadiisu in ay tahay mid xog
siinaysa akhristayaashiisa, haddiise,
qoraaku aanu intaasi ka koobneyn, waxa muhiim ah in aad isweydiiso qoraalkan
ma’yahay mid akhrisayaasha ku kalifaaya in ay qaadaan talaabo qaldan, ama
abuuraya muran iyo dhawaaaq cabasho leh, haddii aanu sidaas kuula muuqan, waa
inaad dib u baadhaa ujeeddada qoraalkaas, waxaana haboon in aad qiimeyso
taariikh nolloleedka qorayaasha, wax-barashadooda, shaqadooda, xirfaddooda iyo
waayo-aragnimadooda, taasoo, saameyn taban ama togan ku yeelata hab-qoraaleedka
qorayaasha.
Sidoo kale’na, codka qorayaashu
waxa uu inoo muujiyaa in aynu fahamno ujeeddada qorayaasha, laxankooda, aragtidooda iyo fikirka ay rumeysan
yihiin, sida, cuqdad,
gurac, jahwareer, naxariis, xamaasad, xanaaq, naxli, niyad
wanaagsan, aflagaado, duco, dulqaad, qallafsan iyo farxad, qoraaga wanaagsan waa
ka fahma waxa ay xiiseynayaan akhristayaashiisu,
riyooyinkooda, cabsidooda iyo xoggaha qarsoon ee ay ku farxayaan, waxaanu
dhiirigaliyaa wanaaga.
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid