19th/Oct/2016
Wakhtiyo hore ama beri hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay guudkeeda ee masaalka iyo tusaalaha loogu soo qaato habkii uu ugaga gaashaantay duufaanadii ceeryaanta lahayd ee dul-hoganaysay.
Wakhtigaasi, waxa
ay dadka wax hilaadiyaana ku sababeeyeen in ay ahayd mid ka ukantay cugashadii gollaha
xukumadda ee Boqorkaasi, waxa kale, oo ay ku tilmaameen in ay ahayd taasi mid
aan si fiican looga fiirsan oo aan loo lafagurin, sidoo kalena, waxa ay ku
tiraabeen dhaadin la’aanta wakhtigii uu kala xulanaayey gollihiisa, erayaddii duur-xulka
ahaa ee ay u sheegeen aqoon-yahannadii ka soo jeeday beelihii ay ka tirsanaayeen
gollahaas, kuwaas oo ahaa sidan:- “
Hebel waa nin aad u fir-fircoon, oo fariid ah, laakiinse, waxa ku jira in yar oo fudayd ah” , Macnaha erayga fudayd ayaa ahaa mid aanu
dhaadin macnihiisa boqorkaasi.
Ka dib, markii ay ku abuureen khal-khal
iyo jahwareer Boqortooyadaas, waxa boqorku go’aan ku gaadhay in uu u kitaab
furo, uguna yeedho sheekh tuf-lahaa oo marka
dadka buka dabiibka loogu geeyo ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba, waxaanu
dheeraaday xog-warankii, isagoo sharaxaad dheerna ka bixiyey xanuunkii ku
dhacay qaar ka mid ah gollaha xukumaddiisa ayuu u sheegay Sheekhii, sidoo kalena,
waxa uu ku tilmaamay xanuunkan ku dhacay
gollihiisa uu yahay xanuunka la yidhaahdo sal-fudaydka, kaasoo inta badana ku
dhaca caruurtu marka ay yar yihiin.
Boqorku isagoo hadalkiisii sii wata, waxa uu yidhi :- Inkastoo,
haddana lagu tilmaamo xanuunkaasi in ay noqdaan dadka uu haleelaa, kuwo marka
ay wax qabanayaan aan ka fikirin waxa ay qaban doonaan, natiijadda ka dhalan
doontaa waxa ay noqonayso, taasoo afka- qalaadna
loogu yeedho “Attention Deficit Hyperactivity Disorder”.
Ka
dib, markii uu fahmay sheekhii tuf-ka lahaa war-bixintii boqorkaasi, waxa uu u dhigay
Qar-dhaas Gollihii Xukumaddaas, waxaanu dabiibkaasi uu noqday mid ay kuwada
caafimaadeen Gollihii Xukumadda Boqortooyaddaasi.
Muddo dhowr sannadood ah ka dib, markii ay ka soo
wareegtay wakhtigaas, waxa mar-labaad ku soo noqday xanuunkii-hore loogaga dabiibay,
isla-wakhtigii ay ku celiyeen eheladoodiina, waxa loo sheegay in uu ku maqan yahay safar-shaqo
oo la xidhiidhay dabiibida dadka bukaanka ah ee ku noolaa deegaanada miyiga ee
aadka uga durugsanaa, safarkaas oo qaadanaayey muddo aad u dheerayd.
Waxa ay eheladoodiina ay go’aan sadeen in ay dabiib ugaga
raadiyaan sheekh kale oo ku dhawaa deegaankii ay degenaayeen, ka dibna, markii ay u keeneen ee uu sheekhii kale ka
dhageystay war-bixinta xaaladda xanuunkoodaas, waxa uu sheekhu ka furay
qoortoodii Qar-dhaaso ka laalaaday oo ahaa Qardhaasihii uu u dhigay Sheekhii
tufka lahaa.
Isla-markaana, waxa uu sii fur-furay Qardhaasihii,
waxaanu hoostooda ugu tagey war-qado ay ku xar-dhanaayeen xarafka “ى” oo lagu qoray khad-madow, ka dibna, waxa uu
soo qaatay sheekhii khad-madow, ka
dibna, waxa uu ku qoray oo uu ku dhigay laba-dhibcood xarafkii Ya’da ahaa “ي”
hoostoodii, waxaanu warqadihii dib ugu sameeyey
Qar-dhaaso kale oo cusub.
Waxaanu sheekhaasi uu ku yidhi:- waxaad u xidhaan marka aad guryahooda aad
geysaan, marka ay dhacdo qoraxduna waa inaad ka furtaan Qardhaasahaas, isla-saacado
ka dib, markii ay dib ugu laabteen hoygoodii ee loo galiyey Qar-dhaasihii, waxa
ay ka sii qaadeen in uu ku sii siyaado xanuunkii hayey, inkastoo, uu ahaa
xanuunkaasi kuwa aan la kala qaadin, laakiinse, haddana waxa dhacday in uu
xanuunkaasi ay qaadaan dadka kale oo markii hore caafimaad qabay in ay u
jiifsadaan xanuunkaasi, kaasoo, cabsi weyn ku abuuray dhamaan dadkii ku noolaa
deegaamadii ay ku noolaayeen shaqsiyaadkaasi.
Mudo dheer ka dib, sheekhii tufka-lahaa markii uu uu ka
soo laabtay safarkiisii-shaqo ayey u tageen ehelkoodii, iyagoo gacmaha ku sida qardhaasahii
uu u dhigay sheekhii kale, waxa kale oo ay isku arkayeen maadaama ay ahaayeen
kuwo khaldamay, in ay ka soo barakeystaan sheekhii tufka-lahaa, isla-markii ay
kulmeena, waxa uu sheekhu ka dhageystay ehelkoodii war-bixin dheer oo
xanbaarsanayd heerka maanta uu marayo iyo in uu ku faafay xanuunkaasi qaybo ka
mid ah dalka.
Dabadeedna, Sheekhii tufka-lahaa waxa uu fur-furay war-qaddiihii
ku hoos jirtay Qar-dhaasahaasi, waxaanu ku arkay xarafka Ya’da “ي” oo leh laba-dhibcood, waxaanu Sheekhii tuf-ka
laahaa uu yidhi:- Ma Ya’dii “ى” aan ogaa, ayuu laba-dhibcoodna uu u raaciyey “ي” .
Waxa aan dhibic ka mid ah fahamka qormadaydan aan u
dhaafayaa dadweynaha akhristayaasha sharafta mudan ee illa wadaaga qormooyinka
aan ku baahiyo war-baahinta madax-banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraa/:
Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid