Date: 1st /September/2016
Boqorkii ugu xikmadda badnaa Boqoradii ka soo taliyey aduunka qarnigii 18-aad ee aynu soo dhaafnay, inkastoo boqorkaasi uu lahaa xikmaddo wanaagsan, haddana waxa caado u ahaan jirtay isagoo is qarinaaya, uu soo dhego-dhegeeyo wararka la isla dhex-marayo ee ka jira goobaha bulshada caasimadda ku nooli ay ku kulmaan, bal si uu u ogaado xantiisa.
Waxa uu inta badan jeclaa, kuna taami jiray, wax ka
ogaanshaha fikraddaha ay dadkiisu ka aaminsan yihiin
xukunkiisa iyo qaabka uu ugu talliyo bulshada, taasoo ahayd dariiqa kaliyaata
ee ka caawin jirtay dib u sixidda khaladdaadka xukumaddiisu ay sameyso.
Boqorku waxa uu aaminsanaa in ay ahaato Boqortooyo ku dhisan xukun
caadil ah iyo maamul wanaag, oo ay sinnaan iyo caddaalad xeer u
tahay, in taasi lagu gaadhi karro guusha himiladda la hiigsanayo, isla-markaana
ay bulshadiisu noqon doonto bulsho caafimaad qabta oo ka fayow dhamaan
xanuunnadda xassadka iyo xiqdiga, oo ay xeer u tahay isjeclaysi iyo isku
tudhid.
Wakhtiga uu ninkaasi Boqorka ahi tallin jiray, waxa
caasimadda ku noollaa, Nin tuug ah oo Affar tuug oo ay saaxiib ahaayeen nidar
ugu marray in aanu waligii been sheegi doonin inta ka hadhay cimrigiisa, habeen
habeenada ka mid ah, waxa ay shantii tuug qorsheysteen in ay dhacaan
dahab ku jiray sanduuqa keydka maalliyadda Boqortooyadda.
Goor caweys ahayd ayey ku kulmeen barxad banaan oo dhanka
galbeed kaga toosnayd boqortooyadda, shantii tuug iyo Boqorkii oo isna ku guda
jiray hawshiisii kormeerka ahayd ee uu xanta ku dhageysan jiray, salaan ka
dibna, waxa uu Boqorku ku yidhi;- Waa kuwama?.
Tuugii daacadda ahaa, ayaa ugu jawaabay;- waxaanu nahay tuug,
taasoo Boqorka ku noqotay fajac iyo amakaag, waxaanu mar-labaad weydiiyey,
;- Xageebaad ku socoteen? .
Waxaanu doonaynaa in aanu soo dhacno dahabka ku jira sanduuqa
keydka maalliyadda ee Boqortooyadda, ayuu ugu jawaabay:- Tuugii daacadda ahaa.
Boqorku, waxoogaa ayuu ka fikiray, oo maskaxdiisu is
weydiinaysay, in ninkani uu u eegyahay, oo uu noqon karo shaqsi naxariis leh oo
wanaagsan, waayo, marnaba lagama yaabo, in erayaddan oo kale uu ka
soo yeedho tuugta dhabta ah, waxaanu markiiba go’aansaday, oo uu yidhi;-
Anniguba waxaan ahay tuug xariif ah, ee inna mariya si wada jir ah aynu u soo
dhacno dahabkaas.
Markii ay gaadheen, kadinkii hore ee dayrka Boqortooyadda,
ciidankii illaaladda ayaa joojiyey, oo ku yidhi, ;- Waa kuwama,?
Tuugii daacadda ahaa ayaa ugu jawaanbay;- Waxaanu nahay Tuugg.
Illaaladdii waxa ay maskaxdoodu is weydiisay, in aanay ahayn
kuwani Tuugg, waayo, suuro-gal maaha, horena ummay dhicin, in niman tuug
ah oo doonaaya in ay wax dhacaan ay u soo mari-lahaayeen dariiqan oo kale,
sidoo kalena, may-sheegteen tuugonimadda, laakiinse, waxa laga yaabaa, in
ay dadkani ay yihiin qaar war-bixino u sida Boqortooyadda.
Markii ay dhaafeen illaaladda, waxa ay weydiiyey mid ka mid
ahaa illaaladdii ku sugnayd guddaha Boqortooyadda, furre ka mid ah
furrayaasha kadinka xafiisyadda, gacantaana laga galiyey furayaashaas.
Ka dib, waxa ay nimmankii tuugta ahaa oo uu Boqorkiina la socdo ay
jabiyeen qasnadii ay ku jireen10-dhagax oo dahab ah, waxaanay ka qaateen
6-dhagax oo ka mid ahaa 10-kii dhagax ee dahabka ahaa, dabadeedna, sideedii bay
u xidheen qasnaddii, isla-markaana, waxa ay ka baxeen xaruntii boqortooyadda,
iaydoo ninkii Boqorka ahaana u raacay gurigii ay seexanayeen shanta Tuug,
isagoo markii danbana ku soo laabtay hoygiisii uu seexan lahaa.
Markii ay soo baxday libidhadu, Taliyihii illaaladdii
Boqortooyadda ayaa sameeyey baadhid ku taxa-luqday, inuu ogaado
kuwa ay ahaayeen, wasiiraddii soo galay madax-tooyadda xallay, markii uu ku
guuleysan waayey, waxa uu ku qancay in ay arrintaasi ay ahayd arrin khiyaamo
ahayd, waxaanu go’aansaday in uu war-bixintaasi u gudbiyo Boqorka.
Isla-wakhtigaasi, waxa uu Boqorku ammar ku siiyey Dhuwan, oo ahaa
wasiirkiisa maaliyadda in uu soo hello waxa ay nimankaasi ay ka qaateen
Boqortooyadda, wasiirku waxa uu baadhis ku sameeyey qasnaddii kaydka
maaliyadda oo ay ku jireen 10-ban dhagax oo dahab ah, waxaanu ugu tagay
4-dhagax oo kaliya, ka dib, markii uu ku soo noqday boqorka, waxa uu u
sheegay in la qaatay 10-kii dhaqax ee dahabka ahaa ee ku jiray qasnadda kaydka
maalliyadda, isagoo isla-markaas qorshaystay in uu isagunna inta ku hadhay
qasnadda kala baxo oo uu qaato, markii uu la baxay 4-tii dhagaxna, waxa uu
dhigtay gurrigiisii.
Inkastoo, Boqorku uu ammar ku siiyey wasiirka in uu soo hello
shaqsiyaaddkii fuliyey xaddida dahabka kaydka maalliyadda boqortooyadda ku
jiray, may suuro-galin in wasiirku ku guuleysto arrintaasi.
Muddo ka dib, waxa uu Boqorku uu iclaamiyey, kuna sheegay shir
jaraa’id, shaqsiyaadkii xadday dahabkii ku jiray qasnadda kaydka
maalliyadda ay iska soo xaadiriyaan boqortooyadda barritoole saacaddu marka ay
tahay 12:00 Duhurnimo.
Wakhtigii ay ballanku ahaa, ayuu u yimid Tuugii daacadda ahaa,
Boqorkii oo la shiraya Gollihii wasiirada oo badnaa kuwo leh hab-dhaqanka
musuqmaasuqa ee khiyaamadda badan, waxaanu boqorku ku yidhi Ninkii Tuuga
ahaa;- waxaynu ahayn Lix-tuug oo halkan u yimid in ay xaddaan wax la
xafiday” markaas waxaan ku weydiiyey, Imisa dhagax oo dahab ah ayaad
qaadatay? waxaanu ugu jawaabay Tuugii daacadda ahaa , mudane:-
waxaanu qaadanay Lix-dhagax, ka dibna Boqorku waxa uu ku yidhi;-
wasiirkiisii maalliyadda ee la odhan jiray, Dhuwad, halkee bay mareen
4-tii dhagax ee dahabka ahaa?
Waxaanu kaga jawaabay wasiirku su’aashaasi;-” Mudane,
Tuugani waa beenaale, haddaba, maadaama uu ogaa Boqorku oo uu la socday shanta
tuug, waa uu ogaa intii ay qaateen, waxaanu ciidankii illaaladiisa amar
ku siiyey in hadda la soo baadho gurriga uu degan yahay wasiirka maalliyaddu,
markii lagu sameeyey baadhitaan qaatay dhowr saacadood ayaa lagu guulaystay in
laga hello 4-tii dhagax ee dahabka ahaa gurigii uu deganaa wasiirka
maalliyaddu, taasoo wasiirka ku keentay in uu ku dhaco qalbi
gariir.
Boqorku waxa uu ku yidhi;- “ Addigu waxa aad tahay tuuga dhabta
ah, laakiin, tuugani runtii waa daacad, waxaanu ku baaqay, in uu tuuga daacadda
ah iyo Dhuwanba uu ku ridi doono jeel gaboobay.
Isagoo haddalkiisii sii wata, waxa uu yidhi;- Dadka ku
nool, nollol leh akhlaaq iyo daacadnimo, waxa ay Alle agtiisa ka helli doonaan
abaal marrin-weyn, kuwa khiyaamadda badan iyo hawl-wadeenadda khiyaamadda badan
ee sida Dhuwan oo kalena, waxa ay Alle agtiisa ka yihiin kuwo khasaaray.
Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid