Date: 3rd/May/2016
Somaliland waxa ay ka mid tahay, 31-ka wadan ee maanta sida fiican ay uga hir-galeen nidaamka dimuquraadiga ee loogu tartamo siyaasadda awoodda tallada dalka, ee ay dadku ku doortaan hoggaamiye ku hoggaamiya nidaamka siyaasadeed ee dalka u dajisan, taasoo loo marayo awoodda siyaasadeed iyo nidaamka siyaasadeed ee la doortay in lagu badelo xukuumada hab-doorasho oo xor ah, xukuumadaha ka jira qaaradaha Aduunka.
![]() |
UPCOMING ELECTION IN THE WORLD 2016 |
Qaaradda
Aasiya waxa ka mid ahaa wadamadaasi,
India, Japan, Mauritius, South Korea, Sri Lanka, Taiwan.
Wadamada
Qaaradda yurubna waxa ka mid ah; Austria, Belgium, Denmark, Finland, Germany,
Iceland, Ireland, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, United Kingdom.
Halka
ay Qaaradda Africana ka midka yihiin wadamada, Benin, Botswana, Somaliland, Cape
Verde, South Africa, Zambia.
Waxa
kale oo mid ah Wadamada waqooyiga mareynkankana, sida; Canada, Costa Rica, United States of America, iyo wadamada
koonfurta mareynkanka oo ah; Argentina, Brazil, Chile
Inta aynaan u guda-galin sababihii aynu ku
gaadhnay guulahaasi, waxaynu si cilmiyaysan u eegi doonaa in aynu wax ka fahamno
qaabka ay iskugu xidhan yihiin iyo xidhiidhka tooska ah ee ka dhaxeeya Carrabka iyo qalbiyada aadamaha, Carabku wuu ka khatar
badan yahay dhamaan ficillada dhaq-dhaqaaqa qaybaha xubnaha oogada jidhku
sameeyo, sababtoo ah, dhawaaqyada dawanka codadka dhiilada leh ee uu sameeyo
carrabku, sidda:- kaftanka, namiiminta, xanta, beenta, cayda, hadalka badan iyo
hadalada turxaanta lihi, waxay sababaan xanuunka ku dhaca qalbiyada aadamaha ee
la yidhaahdo; Qalbi-madoobaadka.
Halka,
dhawaaqyada dawanka codadka farxad leh ee wanaagsan ee carrabku uu sameeyaana sidda;-
Akhriska-quraanka, cilmiga iyo aamusnaanta, ay tahay daawada kaliyaata ee
lagaga hortagi-karo xanuunka qalbi-madoobaadka ee ku dhaca qalbiyada aadamaha.
Waxa haddaba, muhiima in aynu wax ka barano sidii aynu ku gaadhnay
guulahaasi, isla-markaana aynu dib u eegis ku sameyno taariikhihii aynu soo
marnay iyo doorarkii ay ka soo ciyaareen hoggaamiyayaasheenu xaaladdihii adkaa
ee ay guusha ku gaadheen iyo guul daradoodii, Qaabkeebaynu’se kula xisaabtami
karnaa hoggaamiyihii
aynu dooranay iyo kuwii aan dooraninba? Waa
maxayse, Xeeladda, Xaaladda, Xirfadda iyo xikmadda Hoggaamiyuhu? Maxay tahay’se
masuuliyadda shaqo ee hoggaamiyuhu? inta aanan u
gudagalin jawaabaha su’aalahaas, waxaan jeclaystay in aan iyagana halkan ku
xusso macalimiintaydii jaamacada ee ii suura galiyey Cilmiga iyo Aqoonta aan
halkan idinkula wadaagayo, kuwaasoo kala ah; Mss, Joanne Hill, Mss, Tove
Sorensen Bentham, iyo Mr. Ignatius Takawira.
Haddaba, Masuuliyadda shaqo ee hoggaamiyaha waxa lagu qeexaa in ay
tahay saddexdan
qaybood ee kala ah, sidda;- Waajibaadka shaqo ee lagu gaadhayo himilada,
dhisida golle-wadajira oo lagu gaadho yoolkii la hiigsanayey iyo in la
horumariyo shaqsi kasta oo muwaadin ah, laakiinse, haddii
mid ka mid ahi uu ku yimaado hoos u dhac ama da’yaccaadi, waxay soo
gaadhsiisaa qaybihii kale wax-yeelooyin.
Haddaba, si aanay
taasi u dhicin waxa muhiim ah in laga taxadiro, oo laga hortago wax kasta oo saameyn ku yeelan kara
shaqadaasi, waxa kale oo waajibku ah hoggaamiye kastaaba inuu hello habkii loo
maareeyey shaqo kasta oo ay qabteen kooxdiisii, laakiin, haddii hoggaamiyahaasi
uu ku qanci waayo habkii loo maareeyey, ma’aha
inuu ku ixtiraamo kooxdiisii.
Xeeladda hoggaamiyuhuna waa ahmiyadda koowaad, waa sawirka u muuqda
mustaqbalka hoggaamiyahaas, waxaana lagama-maarmaan u ah in la abuuro maal-gashiyaga
khayraadka dabiiciga ee dalku uu leeyahay, halka Xirfadda Hoggaamiyuhuna ay
tahay fulinta hawlaha lagu gaadhi lahaa aragtidiisaas, sidoo kalena, taasi waxa
bar-bar socoto, una horseedi karta inuu gaadho guul-dhamaystiran, afar-qaybood ee kala ah, sidda;- xulashada
kuwa leh xirafaddaha dabeeciga ah, tababaridda, dhiiri-galinta bulshada “taasoo
loola jeedo in laga fikiro mudadaas, masuuliyadda dhiiri-galineed, sababaha abaal-marineed, xidhiidhintooda iyo in la dhiso is-aaminka.
Haddaba, haddii ay is dhex-galaan labadan hab-dhaqan waxay xumeeyaan oo
ay saameyna ku yeesha qaabka hoggaamiyaha, sida;- Hab-dhaqan hawleedka taasoo
ah, mid inta badan hoggaamiyuhu xiiseeyo inay lahaato isgaadhsiintu
jiho-kaliya, oo lagu gaadho hadafka iyo halkii bar-tilmaameedka u ahayd,
isla-markaana, la qeexo doorka ay ku leeyihiin shaqaaluhu, iyadoo loo sheegaayo
waxa la qabanayo, sida loo qabanyo, iyo wakhtiga ay tahay in la qabto.
Ta labaadna waa Xidhiidhka
Hab-dhaqan waxaanu xiiseeyaa in ay
isgaadhsiintu yeelato laba-jiho, oo ah (war-bixin dhiiri-galineed iyo dhagaysiga
ficil celinta ka timaada shaqaalaha fir-fircoon) habkan oo ah mid dhiiri-galineed
iyo mid taageero ah oo lagaga qayb
qaadanayo sidii loo daboolihaa baahida shaqaalaha.
Cabir qiyaaseedka lagu ogaado heerka hoos u dhaca iyo kor u kaca qaabka
hoggaamiyaha, waxa ka mid ah hababkan;-
Habka-dhawaaqida oo ah mid ay aad u sareyso hawlaha, balse
ay hooseyso xidhiidhinteedu, taas
macnaheedu maaha in aanay jirin wax xidhiidh ahi, laakiinse, waa mid ka
hooseysa marka la barbar dhigo xidhiidhada hab-dhaqan ee ay leeyihiin qaababka
kale.
Isticmaalida habkan, waxay u
noqotaa hoggaamiyaha dariiqa uu u raacayo, inuu ugu sheego shaqaalihiisa waxa
ay qabanayaan iyo sida ay u qabanayaan, inkastoo ay lagama maar-maan tahay, in
wax laga weydiiyo, lana dhageysto tallo-bixinta shaqaalaha, haddana arrintaasi
waxay ku beertaa hoggaamiyaha kasta shaki weyn, waxaanu u arkaa in lagala
wareegay go’aan qaadashadiisii iyo
masuuliyadiisiiba.
Waa mid aad loo xiiseeyo, marka loo isticmaalayo xaaladdaha u baahan in
si deg-deg ah wax loogaga qabto dhibaatooyinka jira, lana qaado go’aano iyo
talaabo wax ku-ool ah, oo ku dayasho mudan, halka ay qaababka kalena ka
raadiyaan jihada oo kaliya.
Haddii ay sii dheeraato isticmaaladiisu, ma sii waarto caawimadeedu,
hoggaamiyahaasna waxa ku yimaada xakameyn, xukun iyo amaro badan, taasoo guud
ahaan ku keeni karta in ficil-celini kaga timaado dhinaca shaqaalaha.
Habka-Iibinta
waa
mid ay aad u sareyso hawlaha iyo xidhiidhintooduba, hoggaamiyahaasi waxa uu xiiseeyaa
in uu hello hawlihii shaqo ee la qabtay iyo inuu isku dayo sidii uu u helli
lahaa shaqaale uu soo iibsado oo ka shaqeeya go’aan qaadashada ku saabsan wixii
khuseeya falaqeyn iyo sidii loogu qaban lahaa, si taxadir ah, lana baahiyo tiro
shaqaale ah, habkani waa mid u wanaagsan
cabirka hawlaha iyo xidhiidhintoodaba.
Habka-Isku-xidhka
ayaa
ah mid ay aad u sareyso xidhiidhta, isla-markaana ay hooseyso hawluhu, waxaanu
leeyahay heshiis fiican, marka loo eego habka sheegmada, sidoo kalena, waa mid ku
dhisan habka tallo-wadaaga ah ee hoggaamiyaha iyo shaqaalaha ee sameeya doodaha
badan ee lagu gaadho go’aanada laga soo saaro qaraarada, waana mid ay yar tahay
hawlaheedu, taasi maaha macnaheedu inay tahay mid aan khusyenin hawlihii
hoggaamiyaha, laakiinse, waxa xumaada oo kaliya dhameystirka hawlihii dadaalka
badan la galiyey oo aan ahayn shaqaalihii ku haboonaa sameynta qorshayaasha iyo
go’aan qaaashada, inkastoo, habkani wax tar weyn u leeyahay marka ay shaqaaluhu
si fiican u garanayaan hawlahooda, isla-markaana u baahdaan jiheyn.
Guud ahaan, xaqiiqdii waa
mid raali laga wada yahay, balse, waxa ku yimaada waxoogaa dhibaato ah, marka
loo isticmaalo si xad-dhaafa, waxaana soo wajahda cabsi badan, waa marka ay
shaqaaluhu aanay ahayn kuwo caana, ma kala jeclaysto, haddii ay arrintaasi
dhacdo, shaqaaluhu waxay isku dayaan inay isku biimeeyaan hoggaamiyaha iyo qaab
mudaharaad oo aan sharci ahayn, oo illaa xad aan habeysnayn ( amaba ay iskaga
dareeraan)..... La soco qaybta 2-aad
Qoraa/
Maxamed Faarax Qoti
Dr.
PH, Astrologiest, Writer
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid