Wednesday, May 4, 2016

Xaaladda Iyo Xeeladda Hoggamiyaha

Xaaladda Iyo Xeeladda Hoggamiyaha Qaybtii-2-aad

                                                                                   4-May-2016

Qaybinta hawlaha : waa mid labadooduba ay hooseeyaan xidhiidhka iyo hawluhuba,  waana dariiqa kaliya ee lagu daadajiyo masuuliyadda iyo xukunadda dowliga ah, shaqaaluhuna waxay bixiyaan heshiis weyn oo xoriyadeed taasoo la farsameeyey, haddii shaqaalahaasi ay ku fillan yihiin wax-badan, calaamadda ay bixisaana waa habka ugu saxsan.
Waxaana muhiim ah in hoggaamiyuhu ku ixtiraamo habka awoodaha ay u kala leeyihiin shaqada, iyadoo aan la kormeerayn, ama wax badan laga taageerayo dhinaca hab-dhaqanka, siday doontaba ha-noqotee, marka wakhtigiisu sii dheeraado habkan natiijadeeduna waxay noqotaa in aanu hoggaamiyuhu sii illaalin Karin hawlaha iyo xidhiidhintoodaba, waanay iska cad taasi in aanay lahayn wax-tar.
Xikmadda hoggaamiyuhu waa dabeecadaha maanka aadamaha ee garashada fahamka qotoda dheer leh iyo habka farshaxanka uu u isticmaalo go’aamada caqli galka ah iyo waayo-aragnimada lagu gaadhayo aragtida fog, marna waxa loola jeedaa in ay tahay waajibaadka heerarka hab-dhaqanada fiican ee ay sameeyaan aadamuhu, sidda, samo-falka, daacadnimada, naxariista, geesinimada, himilada, isku-kalsoonida, go'aan qaadashada, raxmada, aqbalida, cadaalada, dulqaadka,  balan-qaadka, dareenka badan iyo wax-ka eegida dhanka wanaagsan, taasoo  aassaass u ah xaqa, halka baadilkuna uu yahay  khalad.
Xaaladda hoggaamintu waa mid muhiim u ah in uu fahmo hoggaamiye kastaaba wakhtiga ku haboon ee la isticmaali karro qaababkan kala duwan ee hoggaamineed, taasoo isticmaalideedu u horseedi karto guusha hoggaamiyaha,  marna waxa ay u noqotaa hagaha xaalaaddaha dabeeciga ah, waxaana muhiim ah in si taxadir leh loo qiimeeyo xaaladahaas, isla-markaana la kala doorto marba qaabka ku haboon.
Waxa kale, oo lala xidhiidhiyaa habka hoggaamiyuhu u isticmaalo isku xidhka, maskaxda iyo muruqa shaqaalaha, haddaba hoggamiyaha kali-talliyuhu wuxuu u isticmaalaa hawl kasta oo la  sameeyo ka go’aan qaadashadeeda, waa maxay, waa goorma, sababtee, sidee baa loo qabtay, iyo kumaa qaban doona, shaqaaluhu way ku guul dareystaan jihada ay u raaci lahaayeen.
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaasina go’aan kasta oo uu gaadho, wuxuu u isticmaalaa awood, taasoo ah, baahi aan ku dhisnayn xaqiiqada, isla-markaana, nidaamkii ciqaab xad-dhaaf ah loo isticmaalo, mana ogolaadaan in wax la iska weydiiyo go’aanadaas, haddii ay sii badato baahidaas aan ku dhisnayn xaqiiqadu, waxa soo hadheeya daruuro wata ceeryaamo caadifiyaysan, ka dibna, wixii uu garan waayo, wuxuu wax ka weydiiyaa saaxiibkii oo kaliya  dariiqa loo marayo go;aanadaas.
Xukunku wuxuu oggol yahay in go’aan wada-gaadhista, hab-dhaqanka  hoggamiyahaas waxa lagu tilmaamaa inuu leeyihiin aqoon iyo waayo-aragnimo badan,  oo inta badana guul-dareysta, waxaana ku yar kalsoonida ay ka haystaan awoodaha dadka kale, waa kuwo leh fikrado kala duwan oo khatar badan, si fududna wax u khariba, isla-markaana ay yar tahay garowshiiyaha ay bixiyaan, waxaanay isticmaalaan faa’iidooyinka dadka kale ay helli lahaayeen iyo balan-qaadyo afka ah oo leh tartan aad u sareeya.
Wada-tashiguna wuxuu diirada saaraa sida uu u isticmaali lahaa xirfaddaha, waayo- aragnimada iyo fikraddaha dadka kale, si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyahaas wuxuu isticmaalaa isagoo haya go’aanka kama danbeysata ah ee uu u isticmaalayo awooda, mana gaadho go’aanada fudud, haddii aanay ka hor-imanin wax dhibaato ah kuwa fulinaya hawshaas.
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaas, waa mid inta badan ku jihaysan xalinta khilaafaadka, dhisida wada-jirka, iyo sidoo kale inuu hayo go’aanka kama danbeysta ah, waxaanu diirada saaraa in wakhtiga socdaa ahmiyad weyn u leeyahay wax-qabadka, waxaanu bixiyaa aqoonsi sax ah iyo maamul daadajin, laakiinse waxa waajiba inuu illaaliyo diidmada qayaxan ee ah “Veto power”
Tallo-wadaaga waa mid leh dareeno badan oo aan lagu wada-qanacsanayn, habka loo maareyn lahaa midowga qaabka tallo -wadaagaas
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaas waa mid isku ururiya fikradaha xubnaha kooxahaas, waana tababaraha kooxada, ahna macalinka ciyaarta, waxaanu aqbalaa fikradaha xadidan ee ay leeyihiin kooxadaas, waxa kale, oo uu diirada saaraa wixii la jaan qaadi karaya abuurnimadaas, taasoo ah abuurista dhaqanka hal-abuurnimada saxda ah ee qaabka-hoggaamiyaha.
Geba-gabadii waxa aynu u baahanahay in aynu is-weydiino dhowr su’aalood oo u baahan jawaabo waafiya, Waa kuma hoggaamiyaha wax ka qaban doona, wixii uu ka soo bartay Hoggaamiyayaashii hore ee Somaliland, sida, (AHUN) Abdirahmaan Axmed Cali, (AHUN) Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Hoggaamiyaha hadda tallada haya ee Axmed Maxamed Maxamud? Maxay ku fiicnaayeen dhinaca awoodaha taasoo ay tahay casrigan mid ku dayasho mudan in ay qabatimaan mustaqbalka hoggaamiyayaasha soo socdaa, iyo sidoo kale, dhinacii awooddaha ee ay ku liiteen, si aanay ugu dhicin? Waa noocee qaabka iyo tayada hoggaamiyayaasha aynu u baahanahay ee aynu ka filanayno  inuu wax ka qaban doono, khaasatan ujeedooyinkeena la xidhiidha dhinaca sharciga iyo caqabadaha waaweyn ee ina soo wajahi doona?

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
Dr. PH, Astrologiest, Writer


No comments:

Post a Comment

Mahadsanid