Posts

Showing posts from 2015

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB 2016 Qaybta 2-aad

Image
Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2016 , Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga dabooje oo arliyo ah:-    wuxuu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah. Dayax labaatanaad waxa la filan jiray dayax madoobaad,  waxa kale oo la filan jiray in maalmahani ay leeyihiin in dib u eegis lagu sameeyo wixii khaldamay, lana xaliyo muranadii jiray ka dibna la hagaajiyo camalka, xilligan qayb bay ka tahay billowga, la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta  iyo caadooyinka xun ee aan loo baahnayn,  waxa kale oo ay leedahay dareenka kicinta, go'aan qaadashada, ka hortagida, sameynta waxyaabaha aan la rabin, Xaaladaha aan loo baahnayn, daaweynta,  ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la qabto. Yoolkeedu waa:  In billowga shaqo oo laga ...
Image
ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015 Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      28/Dec/2014, Q/1-aad   Eebbe ayaa  iska leh xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna  ku joogtaa  amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku manaystay  wax kooban. laakiin  Aadamuhu aadbay u jecelystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda , hase yeeshee  umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahooda, umana  adkaysan karaan ogaanshaha  hadday xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo fool leh noloshooda  iyo saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin, haddana aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka. Ku dhaqanka saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeed bulshaweynta, iyagoo u sahaminaya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshooda, waxaana arrimaha sa...

RIYADII SAC-MAALLADA : Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Qor/ Maxamed Faarax Qoti. Sabti: 24th/Oct/2015

Image
RIYADII SAC-MAALLADA  :  Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta.   Qor/ Maxamed Faarax Qoti.  Sabti: 24th/Oct/2015 Waxay sheekadan ku aroortaa boqortooyo bari hore ka talin jirtay aduunka oo ka koobnayd boqor iyo hawl-wadeenadiisa oo la odhan jiray gollaha sac-maallada, kuwaasoo koox ka mid ahi sameeyeen kacdoon ay kaga soo horjeedeen fikir boqorkoodu qaatay, waxa kale oo ay la xidhiidhaa habka hoggaaminta fiican iyo qaabka murrasharaxiinta oo lagu saleeyo rabitaanka dadka. Beri hore ama wakhtiyo hore oo la soo dhaafay waxa jiray boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay ee masaal iyo tusaalaha loogu soo qaato sababihii uu ku gaadhay guusha iyo ka dib sababihii dhaliyey guul-daraddiisa. Waxa ay Boqortooyadaasi ka koobnayd saddex-xubnood, taasoo xubin-kastaaba uu  ka soo bixi jiray  musharax  u lay-lisan hogaaminta inuu ku guuleysto jagada boqornimada,  isla-markaana waxa lagu...

GEERI IYO GUUR ! MA GABADHA MISE SHABEELKA ? SHEEKO XIISO BADAN OO KU SAABSAN HOGAAMINTA

Image
GEERI IYO GUUR !   MA GABADHA MISE SHABEELKA  ?   SHEEKO XIISO BADAN OO KU SAABSAN HOGAAMINTA  Wakhti hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee aduunka ku noolaa, uguna awood baddnaa, boqorku wuxuu lahaa fikrado badan oo uu ku soo kordhiyey xeerarkii iyo sharciyadii u dajisnayd ee wakhtigaasi la isku xukumi jiray, Inkastoo ay ahaayeen fikrado horumarineed oo wanaagsan oo midho dhal lahaa, haddana fikradihiisa qaarbaa dadka ku keeni jiray xanuun, mid ka mid ah fikradaha boqorkaasi waxay ahayd in goob fagaare ah, ay ku soo bandhigaan wakiiladiisu carwada sooyaalka cadaaladda, oo lagu abaal-marin jiray ciqaabta eedaysanaha  qiran waaya danbiga lagu soo eedeeyey iyo kuwa daacada ah ee lagu eedeeyey danbiyo aanay galin, ay kaga go’aan qaadan jireen hadba natiijada wixii ugaga soo baxa  nasiibkooda, inkastoo dadka qaar ay ka soo horjeedeen fikradaas, diidanaayeena in dadka gacmahooda lagu ciqaab marriyo, haddana waxa fagaarahaa...

GEERI IYO GUUR ! MA GABADHA MISE SHABEELKA ? SHEEKO XIISO BADAN OO KU SAABSAN HOGAAMINTA

Image
Hilaaddii 14 -kii Bishii July ee sannadkii 2014-kii, markii uu ku dhawaaqay hankiisii siyaasaddeed ee Murasharaxnimo, Madaxweynaha hadda tallada hayaa mudane Muuse Biixi Cabdi oo wakhtigaas ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye in uu iska soo sharaxi doono Xisbiga gudihiisa murasharaxa Madaxweynaha Xisbiga ugaga tartamaya doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha talada wakhtigaas hayeyna uu yahay macalinkiisii, ka dib, arrintaas waxa ay ka cadheysiisay canaasiir baddan oo ka mid ahaa Gollihii Wasiiradda ee xukuumaddi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), taasoo dhalisay buuq badan in ay ku dhex abuurto dadweynaha, dadweynuhuna waxay aamin sanaayeen in ay arrintani tahay mid u taala Xisbiga gudihiisa, balse aanay habooneyn bulshada dhexdeeda ay soo gaadhaan dhawaaqyadda xanafta leh ee hawada la isku marinaayaa. Hilaaddii 7-dii bishii Octoobar sannadkii 2015-kii, ayaan garowsaday in ay taagneyd Wakhtigaas oo aan qoray, sheekadii uu...