Sunday, March 30, 2014

“Dr. Macow Wuxuu Doonayey Inuu 40-Kii Ill-Bidhiqsiba Ku Baadho 1 Hal Qof Oo Bukaan Socod, Taasina Ma Waafaqsana Siyaasadda Caafimaadka, Waana In Sharciga La Mariyaa”

“Dr. Macow Wuxuu Doonayey Inuu 40-Kii Ill-Bidhiqsiba Ku Baadho 1 Hal Qof Oo Bukaan Socod, Taasina Ma Waafaqsana Siyaasadda Caafimaadka, Waana In Sharciga La Mariyaa”

 Madaxa Maaraynta Qashinka Iyo Ka Hortaga Khatarta Deegaanka Ee W/Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti




Hargeysa, March 30, 2014 (Jamhuuriyanews) – Madaxa maaraynta qashinka iyo ka hortaga khatarta deegaanka ee wasaarada caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ayaa sheegay in talaabada lagaga joojiyay Dr. Macow hawshii baadhitaanka bukaan socodka ee lacagaha farabadan uu kaga qaaday la kulankiisa ay tahay arrin saxa, isla markaana Dhakhtarkaasi hanaanka uu u agaasimay Baadhitaanada caafimaad ee bukaan socodkii loo sii diiwaangaliyay ay baalmarsan tahay sharciga Caafimaadka.

Maxamed Faarax Qoti waxa uu intaa ku daray in kharashka baadhitaan ee uu ka qaaday bukaan socodka qofkiiba tahay $40, halka muwaadinka dhakhtarka ah ee Somaliland baadhitaanka bukaan socodka ay ka qaadaan qofkiiba 5000 ilaa 2000/Shilinka Somaliland, isla markaana dhakhtarka ugu qaalisan la kulanka bukaan socodka uu qaado $20, ayaa Dr Macow kharash aanay u taag hayn ummada reer Somaliland uu ugu soo shaqo tagay, waxaanu tilmaamay in sharciga la mariyo isaga iyo cidii u fududaysay hawshaasi.

Sidaana waxa uu ku sheegay Maxamed Faarax qoraal uu shalay soo gaadhsiyay wargeyska Haatuf, isla markaana uu kaga hadlay shuruucda caafimaadka u taala iyo habka baadhitaanada bukaan socodka ee dalka u yaala inuu ku gafay Dr Cali Macow.

Madaxa maaraynta qaashinka iyo hortaga khataraha deegaanku isagoo arrinkaasi oo dhinacyo badan taabanaya kaga hadlay waxa uu u dhignaa qoraalkiisu:-
“Horta talaabadan ay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Dr. Cusmaan ay shaaciyaan waa arrin waafaqsan qaynuunka siyaasada wasaaraDda caafimaadka  sababtoo ah haddaynu si cilmiyaysan u yara qeexno waxaynu u kala saari karnaa dhowr siyaabood.

1.  Dal ku gal:-  marka hayad ama cid kale ay doonayso in qof ajanabi ahi uu soo gallo dalka, waxay la xidhiidhaan wasaarada markaas xirfadiisa shaqo ay khusayso, waxaanay  u soo gudbiyaan warqad codsiya oo ay ku lifaaqan tahay baasaaboorkiisu si loogu ogolaado warqada ogolaanshaha ee dal ku soo galida taasoo  ku socota wasaarada arrimaha gudddaha, ka dibna sidaas bay wasaarada arrimaha gudduhu ay ugu samaysaa fiisaha dal ku soo galida. markaas Dr. Macow wuxuu ku soo galay ogaalnsho dalxiis, waa siday ka dhawaajisay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadkuye.

2.  Ku shaqeysiga xirfadda shaqo:  marka ynu eegno dhinaca caafimaadka waxa uu qaynuunka dhigayaa in Dhakhtarkastaa uu u soo gudbiyo codsi ogolaansho ah in uu ka shaqeyn karro dalka iyo shahaadadaha aqooneed ee uu sito inuu u soo gudbiyo wasaaradda caafimaadka iyo guddida mihnadlayaasha caafimaadka qaranka (NHPC) marka ay wasaaradda caafimaadka u gudbiso Guddidaasi Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka ee ay iyaguna hubiyaan, ka dib ayey siiyaan warqad ogolaansho ah inuu ka shaqeyn karro dalka si waafaqsan siyaasada wasaarada caafimaadka. taasi may dhicin inuu soo marro Dr. macow.

3.  Baadhitaanka bukaan socodka :  Wasaaradda caafimaadka xeerka nidaamka shaqo ee u dajisan wuxuu tilmaamayaa in Doctorku eegi karro ama baadhi karro halkii saacba ama saacaddiiba inuu baadhi karro 2-3 qof oo bukaan socodka ah, Habkani waa habka hawl-maalmeedka  Dhakhaatiirta dalku ay u gutaan wajibaatkooda xil-gudasho iyagoo oo maalintii eegaya ama 12 saacadoodba 40 qof oo ah bukaan socodka, markaas halka  Dr. macow uu maalintii ama 12 saacadood uu doonayey inuu baadho 490 qof oo bukaan socodka ah saacadiiba wuxuu doonayey inuu eego 62 qof oo bukaan socodka ah, taasoo noqonaysa in  40 ill bidhiqsi uu baadho  1 qof oo bukaan socod ah, qof bukaan ah lagagama bogan karro 40 ill-bidhiqsi in lagu baadhi karro taasina waxay halis ku tahay bukaan socodka in la siiyo ama uu u qoro daawo khalad ah oo caafimaadkooda  khatar ku keeni karta, iyagoo markoodii horaba la  il-darnaa/la Il-dareyd xaalad caafimaad darro, markaas taasi ma waafaqsana qaynuunka xeerka eegitaanka bukaan socodka ee u dajisan wasaarada caafimaadka iyo guud ahaanba Hay’adda caafimaadka Aduunka WHO,  waana danbiile Qaran waa in sharciga lagu abaal mariyaa.

4. Dhinaca kharash:  waynu ognahay mar-xaladaha wakhtigan xaadirka ah ee dalkeenu marayo  iyo baahiyaha dhaqaale ee ku gadaaman bulshadda reer Somaliland in aanay awoodi karrin qadarka lacageed ee Dr. macow kaadhadhka aragtida loogu jarayey $40 qofkiiba , waxaynu odhan karnaa dhinaca booqashada Dhakhaatiirta dalka jamhuuriyadda Somaliland waxa ugu yar oo lagu booqdaa Dakhtarka kaardhka eegitaanka  lacag dhan 5000 Illaa 20,000 oo shillin Somaliland ah oo u dhiganta $1 illaa $3 dollarka mareynkanka ah, waxa kaliyaatee maanta la odhan karaa dhkhtarka kaliyaata ee  eegitaankiisu u qaalisan yahay Somaliland waa Doctor gaboose oo bukaan socodka ku eega 130,000 oo Somaliland shillin ah oo dhiganta $20 dollarka mareynkanka ah, markaas Dr. Macow wuxuu bukaan socodka ku eegayey lacag dhan 260,000 shillinka Somaliland ah oo u dhiganta $40 dollarka Maraykanka ah  inuu kula kulmo bukaan socodka  qadar  40 illbidhiqsi ku kooban,  lacagta Jeebada ugu dhacday Dr. macow  ee uu ka urursaday dadka bukaan socodka ee somalialnd  waxay dhan tahay 80.000 oo dollarka mareynkaka ah, taasi tilmaanteedu  dadka aqoon yahanka ah muhmal kama gali karro, rabitaanka Dr. Macow iyo kuwa ku xeeran ee shirqoolkan ka waday dalka jamhuuriyada Somaliland.
Hadaba waxaan tallo ahaan ku soo jeedin lahaa in talaabo laga qaado ciddii u fududeysay iyo dadkii bukaan socodka ahaa ee laga qaaday lacagta kuwii ka qaaday iyagana in la soo qabto,  si dadkaasi lacagtoodii dib loogu celiyo, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado”.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid