Posts

Showing posts from March, 2026

Saddex caabuqa uma fiicna baa la yidhi,

Image
  Saddex caabuqa uma fiicna baa la yidhi,  -Gu'goo ku curtay cirkoo caad leh, sida gu'gan aynu maanta galnay caadku uma fiicna baa la yidhi, waxa la filan jiray roob yaraan. -Aroos cadho lehna ma'fiicna baa la yidhi, Arooska ama Aroosadda midkood haddii uu cadho qabo ka kale ayuu qaadsiiyaa baa la yidhi -Ugub carcar leh ma'fiicna baa la yidhi, taas waxaan u dhaafayaa akhristayaasha sharafta mudan in ay sharax kooban ka bixiyaan. Author. Mohamed Farah Qoti

Nin 22-sannadood Tuug ahaa oo dalbaday in la cafiyo

Image
(Mucjisadii Wariye Kalshaale ka qabsatayTuuggii xariifka ahaa ee uu wareystay) Waa dhacdo aad u ciiso badan oo aanad mar'naba jeclaysaneyn inay indhahaagu ka sii jeedsadaan taxanaha qormadan. Goor caweysnimo ah ayuu wiil dhalin yaro ah oo ku labisnaa shaadh iyo surwaal uu ka soo galay kadinka hore ee xaruntii Wargeyska Jamhuuriya, h ilaaddii bishii Deyr-habis (Octoobar) 8-deedii sannadkii 2016. Salaan ka dib, wuxuu u soo kicitimay dhankii aan fadhiyey, waannu i'soo garab fadhiistay, waxaannu igu yidhi:, Waxaan idiinku imid i n aan idinla wadaago dhibaato igu kaliyeysatay in Wargeyska Jamhuuriya uu iga wareysto, waxaan ahaa Tuug muddo 22-sannadood ahayd, waxaan noqday Tuug caan ah, inkastoo gashigaan xadi jiray aan ugu deeqi jiray dadka dan-yarta ah, dadka buka iyo darbi jiifka, balse, waxaan go'aansaday in aan shaqadaas iska casilo muddo haatan laga joogo siddeed bilood ah. Nasiib daro'se, marka meherad ama qof wax laga xado ciidanka nabad-galyadu qofka ugu horeeya...

Red Sun

Image
  Aroornimaddii hore ee maanta markay Qoraxdu la soo dhalatay midabkan guduudan, dadka qaar waxay u qaateen in habeenimadii ay ahayd habeenkii Laylatul qadriga, laakiinse, arrintu waybka duwan tahay sidaas, sababtoo ah marka bikaaca Iftiinka falaadhaha Qoraxdu inoo soo gudbinayso ay dhex-galaan boodh ama wasakhow ku jira hawada ama qiiq ka dhashay qaac oo hawada isku dhareeray, taasaa sababaysa in midabkaa casaanka ahi uu soo dhex galo hirarka iftiinka Qoraxda. Waxaanna inta badan la arkaa labada fiidyo cawl, maantana waxaynu ognahay dagaalka ka socda bariga dhexe ee la isku adeegsanaayo gantaalaha ridada dheer, waxyeeladda ka dhalatay iyo qiiqa isku beddelay daruuraha ee ka dhashay goobaha shiidaalka ee la qarxiyey, markiibtii siday saadka shiidaalka iyo goobo badan oo hol-caya oo sababay wasakhowga hawada ku yimid. Qoraa Maxamed Faarax Qoti