Posts

Showing posts from September, 2025

Aasaaskii Golaha Guurtida

Image
Golaha Guurtida waa golaha ugu sareeya labada aqal ee xeer-dejinta qaranka, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakilada oo la isku yidhaaahdo baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Macnaha eray bixinta magaca Guurti ayaa ah mid lagu saleeyey afar eray oo dhigan sidan, (Guddi-Gar-Xeer-Beegti,) waana Gole xeer-beegti oo ka kooban 82-xil-dhibaan oo laga soo xulay dhamaan beelaha Somaliland, kuwaas oo u xil-saaran hawlaha ugu muhiimsan ee xalinta khilaafaadka, diinta, dhaqanka iyo xasiloonida nabada dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Golahan waxa lagu aasaasay oo dhidibada loogu taagay tuulada Cadaroosh oo dhanka Konfureed kaga beegan masaafad dhan 35-km caasimadda Hargeysa, xiligii lagu jiray halgankii dibu-xoraynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu horseedka u ahaa Ururkii SNM badhtamihii sannadkii 1988-kii. Golaha guurtida oo bilawgii Lagu magacabi jirey Golaha Abaabulka iyo Taakuleynta, waxaannna qaban- qaabadii shirkii ugu horeeyey aasaasay, iyagoo iskood isku xilsaarey Todobada xubnoo...

Awr-fuulkii noqday Xil-dhibaanka

Image
  Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, maanta waxa aynu ku soo qaadaan doonaa riyadii aan xalay ku riyooday, xalay waxaan ku riyooday anigoo qolkayga ku jira oo Mas weyni uu isku kala bixiyey tuumbada qasaaladda dharka lagu maydho oo dul saarneyd miis kadinka qolkayga yaalay, Masku wuxuu madaxa ku sitaa walacadda dabka laga shito, indhihiisu waxay ahaayeen laba indhood oo waaweyn, kuwaasoo aad iigu soo dhaygagsanaa, hurdadii baan ka soo booday, illeyn waxa ahayd riyo been ah oo markaas ayuun baan soo baraad-rogay, isla markiiba waxaan qaatay qalin iyo warqad, waxaan ku qoray sheekadan haalaasiga ah oo maskaxdayda ka soo burqanaysa, riyada'se waxaan u dhaafayaa dadka riyooyinka fasila. Waagii hore dadkeenu waxa ay odhan jireen hebel waa Awr-fuul iyagoo u xil qarinaaya Tuuggii xoolaha xaday, tuuggu euxuu ahaan jiray laba nooc, mid xoolaha nool xadi jiray oo marka uu Awr xado, ayuu inta uu tu'iyo uu gurada ka fuuli jiray, si uu u sameeyo raad-gad, waa...

Boqorkii Lixaad

Image
"Boqor, Shaaha diyaaradduhu ma'dhanaanbaa" sidaas waxa weydiiyey xubin ka mid ahaa golihii wasiiradda ee boqortooyadii uu xukumayey Boqorkii Lixaad. Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa, Jilaagii caanka ahaa ee ka midka noqday Boqoraddii ka soo taliyey aduunka qarnigii 21-aad, boqorkaas wuxuu aaminsanaa in boqortooyadii uu xukumi jiray ay noqoto mid ku dhisan maamul wanaag iyo xukun cadaalad ah, oo xeer ay u tahay wadajir, wax-qabad, isjeclaysi, isku tudhid iyo sinnaan, lagu gaadhi karro guusha himiladda xukuumaddiisu ay hiigsanaysay, si markaa loo hello bulsho ka fayow qabyaaladda iyo eexda. Boqorku wuxuu lahaa murti aad u badan, waxaannu ahaa boqor la dareen ahaa dadkiisa, ma'naanu jeclayn amaanta, qabyaaladda, dusduska iyo khiyaamada, waxaannu ku riyoon jiray dalkiisa oo nabad ah iyo dadkiisa oo qaniya oo uu juhdi badan galiyey, sidii ay u heli lahaayeen dhamaan baahiyaha aasaaska u ah nolasha, sida, h...