Monday, December 16, 2024

Erey waa iga duco

Erey waa iga duco, Inteenan Face-buugga ku wada-jirta iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo xaqiisa, ninkii aan wax lahayna, aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn.

Erayna waa iga dardaaranoo Ninka ka hor-dhaca tirinta codka doorashooyinka wali laga dhur-sugayo ee Face-buuga ku soo qora tiro-male awaal ah ama suuqa ka tow-tow leeya, waxa la odhan jiray "Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug", sabatoo ah, haddii aad baahiso hadal lagaaga toosan yahay odhaahdiis oo ay ahayd inay baahiso guddida doorashooyinka loo xil saaray , Somalidu waxay odhan jirtay "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado".

Eray waa digniin, Waxa la yidhi, Faataxada dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo.

MFQoti 

 Doorashadii Way Kala Miirantay

Xertu waxa ay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena ee lagu baran jiray Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga, xertu waxay ka dhex abuurantay nolosha miyiga ee reer guuraanimada, kolba halka ay u guuraan ayey iyaguna u guuri jireen, manaanay jirin meel u gaar ah oo ay degenaayeen, waxay ahaayeen kulliyad guuraysa oo dadka reer miyiga ah yar iyo weynba bari jiray, Quraanka, culluumta Islaamka iyo Afka-carabida.

Sidoo kalena, waxa ay reer miyiga u maamuli jireen dhaxalka, guurka, aaska, casharinta xoolaha, sekada, ducada iyo nabadaynta, ka dibna, Reer miyiguna waxay abaalgud u siin jireen xoolo.

Wakhti wakhtiyada ka mid ah, Xer guuraysa oo Sheekh wato ayaa deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo degtay, sheekhii ayaa ardaydii qaar u diray balaygii oo ku yidhi, “Biyo inooga soo dhaamiya.”

Markii ay ardaydii baligii tageen, waxay arkeen dhaankii, Geelii, Lo'dii iyo Adhigii oo ku dhex jira baleygii oo ay ka cabayaan, oo xareeddiina ay dhooqowday.

Ardaydii markii ay ku soo noqdeen sheekhii, waxay ku yidhaadeen, “Sheekh, way qaseen! Biyihii way qaseen! Dadkii xoolaha waraabinayay biyihii way qaseen!”

Waxaannu ku yidhi Sheekhii “In yar iska suga, Biyaha iyo dhooqadu ha kala miirmeene,” 

ka dib, markii xoolihii iyo dhaankiiba ay ka fulleen balaygii, ayuu sheekhii u diray ardaydii, waxay arkeen biyihii oo kala miirmay oo xareeddii walaclaynayso, waanay soo dhaamiyeen biyihii.

Ardaydii markay biyihii keeneen degmadii xertu degenneyd, ayaa Sheekhii weydiiyay, “ Ka warama biyihii?”

Waxaannay ku war celiyeen Sheekhii, "way kala miirmeen,”.

Sheekhii waxa uu yidhi, “Ogaada, wax wal oo la qasaaba, way kala miirmaan, marka qaska laga daayo!!!”.

Qoraa Mohamed Farah Qoti

DOQONKA

Nin xidaariya baa la weydiiyey, Bal nooga waran Doqonka?

Doqonku yaanu kula dhalannin buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu kula dhalasho ka waran? ma'hadduu kula dhalasho meel kaa fog ha joogo, oo yaanu meel kuu dhow joogin, bal hadduu meel kuu dhow joogo ka waran baa la yidhi? ma'hadduu meel kuu dhow joogo, gacantaada ha u baahnaado buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu gacantaada aanu u baahneyn ka waran? waar bal yaanu xoog-weyn lahaannin buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu xoog-weyn leeyahay ka waran? 

Ninkii xiddaariga ahaa baa yidhi, Ma'doqon kula dhalashay, oo meel kaa fog jirin, oo meel kuu dhow jooga, oo gacantaada u baahneyn, oo xoog weyn, bal yaanu shisheeye kaa jeclaannin buu yidhi, waxa lagu bal caaqillow hadduu shisheeye kaa jeclaado ka waran?

Wuxuu yidhi ma'doqon shisheeye kaa jeclaaday wuu ku dilayaaye, inta aanu ku dilin dil ama la meerayso buu yidhi.

Madaxweyne Siilaanyo

 Wax yar oo ogaanshayga sooyaalkii taariikheed xilligii uu ahaa Musharaxa Xisbiga KULMIYE (AHUN) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hilaaddii 2008-dii.

Xilligaas Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cashuur dhaaf u sameeyey Xisbiga KULMIYE deeq 6-koontiinar oo iskugu jiray agab caafimaad iyo daawo ay ugu tallo-galeen in loo qeybiyo cusbitaalada Gobolada Dalka, deeqdaas mucaawimada ahayd markii ay soo gaadhay dalka, gaar ahaan, qeybta lagu keydiyo daawada dalka ee caasimadda Somaliland, goobtaas oo ay ahayd in uu Wasiirka Caafimaadku kala wareego deeqdaas Xisbiga KULMIYE ugu tallo-galay cusbitaalada.

Axmed (AHUN) markii uu yimid qeybta keydka daawada ee Wasaaradda Caafimaadka, Aniga ayaa u soo qaaday Kursi uu ku fadhiisto inta uu u imanayo Wasiirka Caafimaadku, waxa yar ka dib, Axmed ayaa la hadlay Wasiirka, waxaannu u sheegay in uu joogo goobta keydka daawada ee ay ku balansanaayeen, ka dib, wasiirku waxa uu ugu war-celiyey in Madaxweynuhu la soo hadlay oo uu yidhi hakala wareegin, runtii aad buu uga cadhooday, balse, haddana muu shareysan, inkastoo deeqdaasi sidii loogu tallo-galay aanay u wada gaadhin cusbitaaladdii loogu tallo-galay.

Waxa uu ahaa Axmed hoggaamiye bulshadiisa la jecel horumarkiisa, isagoo ka warqabay baahida dadkiosa iyo dalkiisa taala, muu ahayn hoggaamiye Xisbi mucaarid oo dadkiisa iyo dalkiisaba dhiig u horseeda si uu ugu gaadhi Kursiga ugu sareeya talada d

 Waxaan la hadlayaa Labadiinan gayaanka ah ee haddana is gaya, ee is bartay, ee is jeclaaday, ee isku faraxsan, ee is ogol ee dhawrka sannadood wada-sheekaysanayay ee aan haddana weli aan guri- yegleelin, maad riyooyinkii ka midho-dhalisaan oo kaga dhabeysaan inaad yegleeshaan rug iyo raas cusub, maad gacmaha is qabsataan, oo is garabsataan iskuna hiilisaan oo nolosha ku midowdaan, miyuu midba midka kale kaabo oo uu garab iyo gaashaan u noqdo inta aad geldaloolooyinkiina u fiirfiirsanaysaan, maad isku xil-qarisaan, oo wanaagiina xoogga saartaan, oo midba dhinaca uu ka liito ka taageertaan, inta aad waqtigiinna ku luminaysaan shaki iyo muran dhexdiina ah, maad qorshe cad sameysataan, kuna wajahdaan qalbi furan iyo Jewi farxadeed, maad dadka warkooda iska dhaaftaan oo dantiina garataan, dhibka waayaha iyo walbahaarka caashaqa iska gargaartaan, waad isku baahantihiine labadiinuye anagana waad nagu raagteene maad wada-tashataan, wakhtigu wuu ordayaaye, doorashadiina dhamaataye maad dhab-dhab isku doorataan anagana naga farxisaan.

Dadku noocyo badanaa


Weli waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa waxaan arkay iyo waxaad aragtay.

Waxaan arkay Illa giringiri caashaqa, Giraangirayaashu waa kuwo inta badan wakhtigooda ku lumiya tamartooda, waana kuwo u baahan in wax walba iyaga loo qabto, mana daneeyaan wanaaga, laakiinse, waxay rumeysan yihiin in dhibka ku haysta aad ku xaliso dhibaatooyinkooda, marka aad shaqo u abuurto si ay u kobciyaan noloshoodanna, haddana waxa aad arkaysaa ka hor inta aanay hawluhu dhaqaaqin inay kaaga baah yihiin iyagoo fuushan kaariyoonihii ay ku shaqeynayeen in aad ku riixdo.

Dadka hab-dhaqanka Xamasta lihi (Kaneecada) waa daneystayaal aan wax tar u lahayn nolosha aadamaha dib u dhac mooyaanne, waa kuwo had iyo goor xiiseeya inay ka nuugaan dhiiga waxyaabaha wanaagsan ee waxtarka u leh caafimaadka nolosha aadamaha, isla-markaana ay ugu beddelaan sun, marka hareerahaaga ay ka qaadayaan heesaha ay kugu amaanayaanna, waa marka ay doonayaan dhiiggaaga inay jaqaan oo ay kuugu beddelaan sun aad ku dhimato.

Caawiyayaashuna inta badan waxay ku hawlan sidii ay u heli lahaayeen mahad-naq iyo amaan, waxaannay iska dhigaan rabigii quudinayey nolosha aadamaha, waxaannay jeclaystaan inay dadka xukumaan oo ay jaan-gooyaan jihooyinka noloshooda, mana jecla inaad ka xorowdo oo aad noqoto xidig-iftiimaya, balse, waxay jecel yihiin inaad hoos joogto waligaa oo aanad guuleysan, haddii aanad ka tashanna xidigaagu iftiimi-maayo.

Dadka hab-dhaqanka Yaxaas lihi, waa jilayaal aan lahayn wanaag ama ujeeddooyin cibaado leh oo loogu soo dhawaado, waxay raadiyaan oo ay ku mashquulaan dadka kale ceebahooda in ay wax ka ogaadaan, yaxaasku isma yeelyeelo, laakiinse, waa munaafiqiin.

Jirjiroolayaashu waa kuwo had iyo goor ku jira tartan caafimaad darro ah, waxay iska dhigayaan kuwa kula jira oo haddana aan ogoleyn in aad guulaysato, oo jecel guuldaradaada, waxay ka xumaadaan in nolosha qofka baniaadamka ahi uu gaadho horumar, xumaantoodaasi waa mid ujeedooyin badan wadata, waxaannay arrintaasi sababtaa in ay kula galaan tartan xaasidnimo ay ku jirto, kuwan midabada badan lihi ee marba halkay joogaan isku eekaysiiyaa waa saaxiibadaada kuu dhow ee aadka kuu taageersan, laakiinse aan u debaaldegi doonnin horumarkan aad gaadhay, waxaannay ku dedaalayaan in waxyeelooyin soo gaadhsiiyaan dedaalkaaga oo ay fashilin doonaan qorshayaashaada iyo riyooyinkaaga.

Dab-daacayaashu waa kuwo had iyo goor abuura dhibaatooyinka xalka u baahda, marka xalka la helana, waxay abuuraan kuwo kale oo hor leh oo waxyeelo soo gaadhsiiya dareenka rajada.

Cod-baahiyayaashuna waa kuwa ugu xun aadamaha, waxaanna qalbiyadooda ka buuxa xumaan, wasakh iyo naxli badan, waa kuwa xanbaara warka xun, waa sidayaal fidiya wararka qalbi jabka ku rida bulshada ee aan cibaadada lahayn, waa baayac-mushtarka qeybiya dhacdooyinka nasiib-darrada ah iyo horumar la'aanta, waad garanaysaa sida aan aniguba ugaranayo.

 MFQoti


Wednesday, December 11, 2024

Sheeko Xiiso badan:- Dharab yaa beddelay.?


Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta waxaynu isweydiin doonaa Dharab yaa beddelay? 

Markii loo doortay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Ali waxa ku xidhnaa silsilad geed ku horyaalay madaxtooyada horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayàan ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? waxaannu iigu hal celiyey, Maya, Nin Maxamed la yidhaado oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doonna ee iska tag.

Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan jiray Faadumo oo joogi jirtay wadada madaxtooyada illaa cusbitaalka weyn ee caasimadda Hargeysa, Faadumo inta ay mashxarad dhawaaq dheer leh "Illilig,Illilig,,Illilig, kaga siiso, ayey ku soo afmeeri jirtay “ Laydh Qabow, Laydh Qabow, Laydh Qabow, markii uu geeriyooday Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, iyana way geeriyootay ka dib markii uu dul maray gaadhi Bas ahi.

Markii uu ku guulaysatay jagada Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland muddane, Daahir Rayaale Kaahin, Laydh qabow waxa beddelay Nin weyn oo la odhan jiro Dhido, kaasoo ahaa Nin lagu lamaanaa oo had iyo goor feedha qaawanaan jiray oo sidan jiray murjin dheer, magacan Dhido waxa uu ahaa kalmad uu halhays u lahaa oo ay dadku ugu magac dareen, waxaannu ku luuqeyn jiray, “ Dhido, Dhido, Dhido ka dul muuqoo ha daalin" isagoo ula jeeday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii uu ku guuleystay jagada madaxweynihii Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Dhido waxa beddeshay gabadh hooballad ahayd oo la odhan jiray Caasho KANEECO, gabadhaas waxa ay ku luuqeyn jiray hees jaceyl ah oo ay u tirisay Madaxweynaha, waxaannay odhan jirtay “ Allahayow calaf,calaf,calaf iigu dhig jaceylkayga”

Markii uu ku guukeystay Jagada Madaxweyne mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa Caasha Kaneeco waxa beddalay Dharab, inkastoo uu aad u jeclaa Madaxweynaha, haddana waxa uu ahaa Nin hadalkiisana la fahmin oo aan hawl-yaren oo jiidh-jiidh badan.

Maanta oo uu ku guuleystay jagada madaxweynaha Lixaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudanne, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa isweydiin mudan Dharab ya beddelay?

MFQoti