Dhaqanka iyo Xidigiska
(Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi) Waar Lo'da waadaamo lugudkeedii dhacay ama jir laa ama jiilaal laaye, ceelka ka soo bax ayey odhan jireen xoolo dhaqatadu iyagoo u sahaminaaya xoolahooda maalmaha foolka ku soo haya waxa ay mudan doonaan, iyagoo uu eegaaya dhinaca xidigiska. Sidoo kale Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu haysan biyo iyo baad uu ku noolaado, Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta. Waxa dhacday in Laba nin oo lo'lay ahi oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ay soo food saarto abaar aad u xumeyd, labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan, isla markaana, weysha hadhay ku sidkaan oo ay ku maalaan labada Sac ee irmaan, markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo iyo baad ku filan. Dhinaca xid...