Waxa
jiray sheekh tuf lahaa, kaasoo dadka buka marka loo geeyo si uu u soo dabiibo
ama ugu soo tufo dabiibkiisa ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba oo ku
soo bogsaday tufkiisii uu ku dabiibay
sheekhu.
Ninkii Sheekha ahaa
jiray, ayey tiisii noqotay oo geeriyooday waqti dambe, kadibna wiil uu dhalay
oo intii uu noolaa uu baray cilmiga tufka, kaasoo muddo dheer ka soo hoos
shaqayn jiray aabbihii, ayaa la wareegay
shaqadii uu aabbihii dadka buka ku dabiibi jiray.
Bulshadii ku nooleyd
deegaankaasi, marka ay xaalad caafimaad-darro ku timaado qof ka mid ah qoysaskooda,
waxay dabiib uga raadin jireen wiilkii uu dhalay sheekhii tufka lahaa, laakiinse, marka loo geeyo qofka buka kamuu
soo noqon jirin isagoo caafimaad qaba, balse, waxa ku sii kordhi jiray
xannuunkii uu qabay ee la doonayey in laga soo dabiibo.
Ka dib, markii dadka
bukaan ah ee loo geyn jiray ay ku bogsan waayeen dabiikiisii wiilka uu dhalay
sheekhu, waxay arintaas ku noqotay, wax ay aad u la yaabeen bulshadii
deegaankaas degenayd, waxaanay isweydiiyeen
su’aal ahayd, Waar ma sheekha
ayaan sheekhii ahayn, mise tufkaan tufkii ahayn?
Waxaanay isku dayeen sidii
ay u ogaan lahaayeen wiilka uu dhalay sheekhu in uu akhriyayo dabiibka cilmigii
uu lahaa ee uu akhriyi jiray sheekhii tufka lahaa ee dhalay wiilka, arintaas markii ay u kuurgaleen waxay ogaadeen in wiilku
akhriyo cilmigii uu aabbihii wax ku dabiibi jiray.
Ka dibna, waxay
yidhaahdeen, tufku waa tufkii, laakiinse, sheekha ayaan ahayn sheekhii.
.Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
.Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid