Posts

Showing posts from 2016

BURJIGU MA JAANBAA !

Image
NAARI :- (Wakiil rasmiga ah ee dadka, tamarta, xamaasada iyo wax-yiga) Dabku waa shay u socda kor oo gaadhi kara daruuraha iyo wixii ka baxsan, inkastoo, Qorraxda iyo Xiddiguhuba ay yihiin dab heer kulkoodu aad u sareeyo oo jooga cirka dunida guudkiisa aynu ku noolnaha, haddana, run ahaantiina dabkaasi lama garan karo sida uu u eeg yahay. Dhinaca ruuxda aadamaha waxa lala xidhiidhiyaa dabka in ay noqdaan dadka arragtida fog ee xeel-dheerayaasha ah, marka aynu dhanka kalena ka eegno, dabku waa tamar qaydhin, marna waynu isticmaalnaa, mar-kalena waxa uu inoo abuuraa iftiinka nolosha, dhirtuna waxay dhalisaa dab, waxa kale, oo aynu odhan karnaa dabku waa mid wax baabiiya amaba dhalan rogga. Sida muuqata Dabka ciidamadda waxa la dareemaa isagoo dhex maraya hawada in uu baabiiyo wax-walba, biyahana waxa uu ka dhigaa uumi bax, dhulkana wuu kala jeexaa, dhagaxana waxa uu ka dhigaa dareere ama unugyo dhalaalaya. Faraxa siidhka Geedka:-   siidhka geedku wuxuu ku farx...

Xafiiltanka Siyaasaddu Ma’laha Xiqdi, Xin iyo Xassad

Image
11/16/16, 10:29 PM Hore dunida    ugamay dhicin in wargeys ka mid ah wargeysyada madaxabannaan uu duqeeyo waddankiisii uu ka difaaci lahaa cadowga lidka ku ah qarannimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, laakiise, nasiib-darro, taasi maanta waxa ay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah in uu ka qaybqaato illaalinta iyo dhowrida siyaasadda dibadda,    guddaha, nabad-galyadda, midnimadda,    waxa kale oo iyana jirta,    wax xaq    u siinaya qof kasta oo muwaadin ah inuu ka dhiidhiyo, ka dagaalamo, kana hadlo, oo uu ka jawaabo wax kasta oo lid ku ah qaranimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, amaba ha noqoto war lagu baahiyey wargeysyada madaxabannaan ee ka soo baxa gudaha iyo dibaddaba oo lagu wiiqayo horumarka waddanka iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Ka dib, markii laba wargeys oo ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ay ku baahiyeen ra’yi qof oo ku cabbiray malahiisa sida ay ula mu...

Waxaan Daawaday Ciyaar Socotay 125-Sannadood

Image
                                                                                                                                         11/9/16, 8:05 PM Marka laga yimaado dhawaaqa codka dawanka leh iyo xamaasaddihii xawliga ku socday ee xawaarihiisu uu gaadhay heerarkii ugu sareeyey ee ay sameeyaan taageerayaashii taageersanaa, hadba, labada-kooxood ee kuwada ciyaarayey garoonkaasi. Haddana, Goolku waxa uu ahaa kubadd lagu tuuray Laba-gacmood ama gacan kaliya oo dhex-gashay kollay laga sameeyey shabag yar oo lagu xidhay bir-goobo leh oo ka soo laalaada bir dhererkeedu uu yahay   3.048 mitter,   inkastoo, haddana ay kala duwana...

Muuse Biixi, George Washington, Charles de Gaulle, Andrew Johnson, Winfield Scott ..........

Image
                                                                                          30/Oct/2016 Markii uu dhamaaday dagaalkii  ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM )  kaga guulaysatay Taliskii Siyaad Barre, ka dib, dib u xoreyntii Dalka jamhuuriyadda Somaliland  sannadkii  1991-kii. Isla-wakhtigaas, waxa ciidamaddii xaq u dirirka ahaa ee (SNM) la kala siiyey Affar Darajo oo kala ahaa, sidan. Darajadda-koowaad waxa la siiyey Raggii  siidhiga affuufayey ee  ku jiray jiidaha hore ee ciidamaddu ay ka dagaalamayeen,  “Premier to Premier”,  taasoo ahayd , ahmiyaddii koowaad ee ugu muhiimsanayd, uguna sareysay  Madax-da hoggaaminaysa Dowaladda Jamhuuriyadda Somaliland. Halka iyana la siiyey Darajaddi...

Ma Ya’daan (ى) Ogaa Ayuu Laba-Dhibcoodna u Raaciyey

Image
                                                                                                                                          19th/Oct/2016 Wakhtiyo hore ama beri hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay guudkeeda ee masaalka iyo tusaalaha loogu soo qaato habkii uu ugaga gaashaantay duufaanadii ceeryaanta lahayd ee dul-hoganaysay.  Wakhtigaasi, waxa ay dadka wax hilaadiyaana ku sababeeyeen in ay ahayd mid ka ukantay cugashadii gollaha xukumadda ee Boqorkaasi, waxa kale, oo ay ku tilmaameen in ay ahayd taasi mid aan si fiican looga fiirsan oo aan loo laf...

Boqorkii Sideedaad

Image
                                                                                                        24/September/2016 Hooyaddii waxa ay ka soo jeeday dhalasho ahaan dadka Giriisiga (Greece) ee ku nool dalka Giriiga, waxaanu ku dhashay dalka Kanada, laakiinse, dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeeday dadka Jerokee (Cherokee) ee ku nool dalka Jarmalka. Waxaanu ka mid noqday Boqoraddii hore ee ka soo taliyey dalka Kanada (Canada), Boqorku waxa uu had iyo jeer dadkiisa kala hadli jiray goob fagaare ah oo aad u qurux badnayd kuna beernaayeen dhir iyo doog qurux-badan oo si fiican loo illaaliyey,  isla- wakhtigaas, khudbadihii halkaasi uu ka  jeedin jiray waxa ay ahaayeen murti iyo hadalo aadd u qiimo badnaa, laak...

Anniga Iyo Cimiladdii Ayaa Heshiin Waayey

Image
                                                                                                                   6th /September/2016 Xeel-dheere ku takhakhusay dhinaca cilmiga barashada saadaasha hawadda ee loo yaqaano Meteorological, kaasoo ka shaqeyn jiray wakaaladda sahaminta cimiladda hawadda, ayaa ka fadhiistay shaqadii uu ka hayey wakaaladdaasi, ka dib, markii muddo dhowr-billood ah ay soo food saartay in ay kala duwanaadeen cimiladdii iyo war-biximihii uu kaga faaloon jiray saadaasha hawadda maalmaha soo socda, taasoo sababtay in khal-khal iyo jahwareer weyni ku abuurmo   dhamaan bulshadii ku noolleyd degaanaddii uu ka soo jeeday Khabiirkaas. Sidaa darteed  muddo yar k...