Posts

Showing posts from 2014

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015 Q/2-aad

Image
ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015 Q/2-aad Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)       28/Dec/2014, Q/2-aad Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2015 dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga lamaanaha ee hawaa’iga ah, - dayax tobnaad waa la sharaynsan jiray waxaana la fili jiray dayax madoobaad, waxa la filan jiray  inay maalmahani leeyihiin shucuur isbedel dhakhso ah oo ku yimaada qalbiyada dadka, dabacsanaan iyo koradhka Xawaaraha fikirka, waxa kaloo la arki jiray dabaylo, duufaano, daadad, shimbiraha  iyo Ayaxa oo  bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada. dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray waa dad bulshaawi ah oo hadalka jecel, kuna mashquulsan mustaqbalkooda iyo  fikradaha cusub, had iyo jeerna leh  degdeg badan oo xamaasadi ku jirto, oo ka walaaca  hawadooda iyo doorashadoodana, umana qaalibna shuraakaddu,  waa kuwo loo arko aamin iyo daacadnimo, in ka...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015 Qaybtii 3-aad

Image
ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015 Qaybtii  3-aad Qor/ Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)       28/Dec/2014,  Waxa kale oo uu  ka fikirayaa siduu kor ugu qaadi lahaa, wuxuu doonayo ee uu jecel yahay iyo inuu  talaabo ka qaadi doono  ujeeddada  dhameystirka aragti sare ee haddafka maskaxda qaranka. Meeraha mercury, (Libdhe) ayey soomaalidu u taqaanaa, waana meeraha ugu dheerayaa meerayaasha  kaasoo sannad kasta ku soo wareegaa saddex illaa iyo afar jeer, waxaanu gali doonaa burji libra bisha siddeedaad iyo bisha Tobnaad ee sannadkan, ujeedadda  dhaqaaqa garabaha cagihiisa  ee  labada bilood ee sannadkan,  wuxuu ku hawlan yahay, ganacsiga, socdaalka,  ka fikirka nidaamka, dib u cusboonaysiinta,  si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka fikirayaa inuu sameeyo dariiq cusub  isagoo hoos u dhigaya wax kastoo uu  qabanayo,  ka dib markay u buuxsanto  tama...
Image
SIYAASIGU WAA KA ARKA DHAMAADKA KAAHA KA IFAYA HOGGA:!   W/Q . Mr. Maxamed Faarax Qoti  December/17th /2014 Siyaasadda Toggan iyo Ta Taban: Fahamka macnaha Erayada Xisbiyada Siyaasadda Dumuquraadiga iyo Cod bixiyaha. Siyaasadda Toggan iyo ta Taban: Siyaasadda togan waxay qayb ka tahay oo lagu qeexaa farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax-qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, waana habka barshada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee dunida ka jira. Mar kale, waxa loola jeedaa awoodda iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama nidaamka ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa maamulka iyo aragti ee xisbiyada siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu hoggaasamaan siyaasadda maamulka dowladda. Sidoo kale mararka qaarkoodka waxa loogu yeedhaa inay tahay go’aan ama hadal ujeedo leh, sida; siyaasadda dadka, ururrada, kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo ama ay tahay mabda ‘hanuuniya go’aannada. Siya...

Somaliland: Government Cautions on Ebola

Image
Somaliland: Government Cautions on Ebola By: Yusuf M Hasan July/31/2014 HARGEISA (Somalilandsun) – The government of Somaliland intends to screen all visitors to the country especially those whose journey emanate or has traversed West Africa. This was informed by the ministry of health Director of sanitation and public health Mr. Mohamed Farah Qoti who said that the screening is geared towards ensuring persons infected with the Ebola virus do not enter the country. "We have requested the Immigration department to fully cooperate with health officials at all entry points namely within Airports, Borders and seaports" revealed Qoti According to the ministry of health the screening is only pertinent to those who have been recently in some West African countries like Liberia, Serra Leone and Guinea where the spread of the   deadliest to date   Ebola has so far claimed 600 lives of the reported infected figure of 1,093. Should you be afraid of the Ebola th...

Cudurka Halista ah ee EBOLA ee Afrika ku baahay oo laga digay inuu Somaliland u soo gudbo

Cudurka Halista ah ee EBOLA ee Afrika ku baahay oo laga digay inuu Somaliland u soo gudbo Hargeysa(Aftahannews):- Madaxa Maaraynta Qashinka iyo Ka-xakamaynta Khataraha Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dekedaha, madaaradda iyo Laanta Socdaalka inay ka feejignaadaan dadka u kala safra Somaliland iyo dalalka Afrika ee uu ka dillaacay cudurka hallista ah ee Ebola Virus. Sarkaalkan ayaa qoraal uu soo saaray shalay oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, waxa uu ku sheegay in xannuunka Ebola yahay mid halis ah oo aan wax dawo ah lahayn, isla markaana la hayn tallaal lagaga hortago, sidaa awgeedna ay waajib tahay in laga taxadiro isu-socodka waddamada cudurkaas ka dillaacay dalalka Galbeedka Afrika. Qoraalkaas uu soo saaray Madaxa Qashinka iyo Ka-xakamaynta Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ee Aftahannews helay waxa uu u qornaa sidan:- “Waxaannu la socodsiinaynnaa  dhammaan masuuiyii...

“Dr. Macow Wuxuu Doonayey Inuu 40-Kii Ill-Bidhiqsiba Ku Baadho 1 Hal Qof Oo Bukaan Socod, Taasina Ma Waafaqsana Siyaasadda Caafimaadka, Waana In Sharciga La Mariyaa”

Image
“Dr. Macow Wuxuu Doonayey Inuu 40-Kii Ill-Bidhiqsiba Ku Baadho 1 Hal Qof Oo Bukaan Socod, Taasina Ma Waafaqsana Siyaasadda Caafimaadka, Waana In Sharciga La Mariyaa”   Madaxa Maaraynta Qashinka Iyo Ka Hortaga Khatarta Deegaanka Ee W/Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti Hargeysa, March 30, 2014 (Jamhuuriyanews) – Madaxa maaraynta qashinka iyo ka hortaga khatarta deegaanka ee wasaarada caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ayaa sheegay in talaabada lagaga joojiyay Dr. Macow hawshii baadhitaanka bukaan socodka ee lacagaha farabadan uu kaga qaaday la kulankiisa ay tahay arrin saxa, isla markaana Dhakhtarkaasi hanaanka uu u agaasimay Baadhitaanada caafimaad ee bukaan socodkii loo sii diiwaangaliyay ay baalmarsan tahay sharciga Caafimaadka. Maxamed Faarax Qoti waxa uu intaa ku daray in kharashka baadhitaan ee uu ka qaaday bukaan socodka qofkiiba tahay $40, halka muwaadinka dhakhtarka ah ee Somaliland baadhitaanka bukaan socodka ay ka qaadaan qofkiiba 5000 ilaa 2000/Shil...

Khatarta ka soo fool leh sunta wasiir buureed sheegay in Badda lagu shubay ee aanu qaylo-dhaanta ka bixin.

Image
  Hargeisa (Haatuf)  5. Murch. 2014. wasiirka wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cali jaamac  buureed ayaa 1 bishan saddexaad  war-bixin siiyey qaar ka mid ah warbaahinta, isagoo sheegay oo kaga waramay in maraakiib shisheeye ay sun ku qubeen meelo kamid ah badda Somaliland, balse wasiirku suntaasi khatarta iyo saameynta ku soo fool leh badda iyo deegaanka qaylo-dhaan kamuu bixin. Tanni maaha wax la sahashan karro summaha iyo wal-xaha kale ee lagu daadiyey  baddeena taasina waxay saameyn khatar ah ku keeni kartaa khayraadka baddeena, deegaankeena iyo caafimaadka bulshadeena , haddii aan laga hortagin, oo aan la iska kaashanin sidii gacan bir ah la iskaga qaban lahaa maraakiibta ku soo xadgudbaysa baddaheena eek u daadinaya sumaha iyo walaxa kale. Sidaa daraadeed annagoo ka duulayna siyaasadda fayo-dhowrka wasaaradda caafimaadka,  waxaanu qaylo-dhaan u diray dhamaan haydaha caalamiga ah ee Illaada badaha nool inay soo faragaliyaan ...

SOMALILAND: FARAHA, FALLAGA IYO AFARTA-MADAX-WEYNE MAXAA KA DHEXEEYA?

Image
                                                                                                                                                                                                                       11/February/2014 Inkastoo aanay caado ii ahaan jirin wax ka sheega masuuliyiin xijaabtay iyo kuwa hadda nool, haddana   waxaan halkan ku iftiimin doonaa  qormo hore oo  male aadame  aanu ku mala’awaalayey, taas...

Somaliland :-Wasiir Beertiiisa ku dhisay Wasaaradda Caafimaadka

Image
                                                                                                                                                                                                                                                                                             ...