Posts

Showing posts from October, 2025

Fanka

Image
Fankii ugu horeeyey Somaliland waxa la odhan jiray Walaallo Hargeysa, hilaaddii sannadkii 1940-kii. Cabdi deeqsi warfaa waxa uu ahaa Ninkii ugu horeeyey ee curiyey dhawaaqa laxanka heesaha ee heeseeyey heesaha Balwo'da, heeladda iyo qaraamiga, sannadkii 1930-kii. Inantii ugu horeysay ee ku luuqaysa heesaha balwada waxa ay ahayd Qadiija Cige Dharaar (Qadiija balwo), Inantii ugu horeysay ee idaacad ka qaada heesna waxa ay ahayd Shamis Abokor (Guduudo Carwo) hilaaddii 1954-kii, Inantii ugu horeysay ee goob fagaare ah soo fuushay ee Ruwaayad ka heestana waxa ay ahayd Sahra Iftin hilaaddii1958-kii. Ninkii ugu horeeyey ee ruwaayad ku matala ruux dumar ahna waxa uu ahaa, Cumar Carte Qaalib, waxaanna ku xigay, Cumar Dhuule, waxaanna ku sii xigay, Maxamed Yuusuf, Alle ha u naxariisto dhaamaantood. Afartii Nin ee ugu horeeyey ee tuma qalabka dhawaaqa dananka leh ee qoob ka ciyaarka ee laga baahiyey Radio, waxa ay ahaayeen Laba Yamaniya, mid Hindiya iyo Mid Somaliland u dhashay, waxaannay ka...

Xoriyaddu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, madax-bannaaniduna....

Image
Dad badan waxay ku oddorosaan oo ay u haystaan inay tahay fikirka madax-madax-bannaanida Afrika, dad aad u faraxsan oo lulaya calamo cusub oo ay ugu dabaaldegayaan dhalashada cusub ee qarannimada dalkooda, calamadii guumeysiga oo hoos loo dhigayo iyo dhalashada calan cusub oo la saarayo,  laakiinse, arrintu sidaas maaha, waxa jira Sagaal Dal oo ka duwan oo ka mid ah Dalalka Afrika. Dhamaantood sagaalkaa Dal, haddana, way ku kala duwan yihiin xuska dabaaldega madax-bannaanida qarannimadooda, taasoo ka turjumaysa waayo-aragnimo dheer iyo sooyaal taariikheed oo mid waliba gaar uu u leeyahay. Dalalka qaarkood sooyaalkoodii taariikheed waa xaalad aad u adag oo aad u xannuun badan, qaarna waxay madax-bannaanidu u timaaddaa bulsho uu ku dhacay dhaawac qaran, iyadoo waliba ay u sii dheer tahay in qaar ka mid ah dalalkaasi ay la kulmaan in madax-bannaanidoodu ay tahay mid aan dhameys tirneyn ama laga dhigo mid lagu muransan yahay, taasoo ka dhigaysa maalinka madax-bannaanidoodu in ay ka si...