Dr. Philosopher, Author Mohamed Farah Qoti

Thursday, July 3, 2025

Dharab waxa beddelay Maxamed


 Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa 

Sheekadii ugu cajiibka badneyd, taasoo illaa iyo hadda aan la fahmin ciriqa ka dhexeeya magacyada dadkan hoos ku xusan iyo Madaxweynayaasha had iyo goor hoggaanka u qabta talloda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii loo doortay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa ku xidhnaa silsilad geed ku horyaalay madaxtooyada horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayĆ an ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? waxaannu iigu hal celiyey, Maya, Nin Maxamed la yidhaado oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doonna ee iska tag.

Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan jiray Faadumo oo joogi jirtay wadada madaxtooyada illaa cusbitaalka weyn ee caasimadda Hargeysa, Faadumo inta ay mashxarad dhawaaq dheer leh "Illilig,Illilig,,Illilig, kaga siiso, ayey ku soo afmeeri jirtay “ Laydh Qabow, Laydh Qabow, Laydh Qabow, markii uu geeriyooday Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, iyana way geeriyootay ka dib markii uu dul maray gaadhi Bas ahi.

Markii uu ku guulaysatay jagada Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland muddane, Daahir Rayaale Kaahin, Laydh-qabow waxa beddelay Nin weyn oo la odhan jiro Dhido, kaasoo ahaa Nin lagu lamaanaa oo had iyo goor feedha qaawanaan jiray oo sidan jiray murjin dheer, waxaannu ku luuqeyn jiray, “ halheystan, Dhido, Dhido, Dhido, ka dul muuqoo ha daalin" isagoo ula jeeday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, balse aanay dadku fahamsaneyn, Dhido waa eray ka mid ah halheystii uu lahaan jiray, taasoo dadku ay ugu magac dareen oo loogu yeedhi jiray magaca Dhido.

Inkastoo uu jiray xilli aanu halgan aanu wada-galnay Dhido, balse, aanan jeclayn in aan halkan ka tiraabo, haddana markii uu ku guuleystay jagada madaxweynihii Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Dhido waxa beddeshay gabadh hooballad ahayd oo la odhan jiray Caasho KANEECO, gabadhaas waxa ay ku luuqeyn jiray hees jaceyl ah oo ay u tirisay Madaxweynaha, waxaannay odhan jirtay “ Allahayow calaf,calaf,calaf iigu dhig jaceylkayga”.

Markii uu ku guuleystay Jagada Madaxweyne mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa Caasha Kaneeco beddalay Dharab, inkastoo uu aad u jeclaa Madaxweynaha, haddana waxa uu ahaa Nin hadalkiisa aan la fahmin oo aan hawl-yaren oo jiidh-jiidh badan.

Markii madaxweynihii lixaad uu ku guuleystay jagada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudanne, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, Dharab waxa beddelay Maxamed oo ah Nin yar oo haddan weyn, Maxamed waxa uu yidhaahdaa, Kheyr, kheyr, kheyrkaa xigi-doonaa, inkastoo Maxamed maalin maalmaha ka mid ah uu igu yidhi eray lama filaan ah, "Halkan waad ku soo khaldantay oo may ahayn I aad ku dhalato ee iskaga tag, dadkanni dadkaagii maahaa, dalkanna dalkaagii maaha, waxaan ugu hal celiyey, intaas soo qor.

Anniguna waxaan leeyahay Dadkeygow, Dhulba waxa leh kii hee dhimashada ku aaminna.

Author Mohamed Farah Qoti

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta

Ma'ihi qof dhaleecaynaya xirfadda duuliyayaasha wada gaadiidka hawada sare aada, laakiinse, haddana waxa jira ujeeddooyin kuu sameynaya ujeeddooyin kale oo macno badan leh, waxaan ka hadlayaa xilliyo aan nafteyda u baqay oo aan moodayey in aan cirka ka soo dhacayo, laakiinse, kama hadlayo xilliga uu fulaygu ka shakiyo diyaaradda uu saaran yahay, tiiyoo aanay jirin cilad farsamo oo ku timid diyaaradda.

Waxa xusuus gaar ah igu beertay xilligii iigu horeysay ee aan ku socdaalo mid ka mid ah gaadiidka rakaabka ee hawada sare haada oo ku socotay caasimadda London, markii aan imid gegada diyaaraduhu ka haadaan ee Red sea inteanational airport, waxa nalagu war-geliyey in dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn, sababo jiray awgeed oo ahayd cilad farsamo oo ku timid taangiga diyaaradda shiidaalka oo liigayey.

Saacaddo kooban ka dib, duuliyaha oo aan ogeyn xadiga shiidaalka ku jira diyaaradda ayuu go'aansaday in uu duuliyo diyaaraddii aan ku qornaa, aniguna waxaan u qaatay in duuliyuhu garanayo waxa uu sameyn doono, haddii ay wax ku yimaadaan dhinaca farsamada, kamanaanan shakiyin oo waan aaminsanaa duuliyahaas, balse, daqiiqad kasta waxa niyaddayda ku soo dhacayey, iyadoo shidaalkii ka dhamaaday diyaaradda oo aanu cirka ka soo dhacayno.

Marka aynu ka nimaadno werwerkaas, haddana intii aanu ku jirnay duulimaadka, waxa ay ahayd cimiladu mid aad u daran, waxaanna dhacayey duufaanno aad u waaweynaa, markii aanu ku soo dhawaanay gegida diyaaraddaha ee (London City Airport) caasimadda London ee dalka Ingriiska, waxa lagu war-galiyey duuliyaha in aanay soo cago dhigan karayn diyaaraddu, sababo la xidhiidhay dhinaca cimilada awgeed oo ay dul hogonaysay ceeryaan badan gegida diyaaradaha Caasimadda London ee dalka Ingiriiska.

Qof kasta oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaraddaas, wuxuu mar walba ku dheygagnaa oo u dhegtaagayey xogaha iyo dhaqdhaqaaqyaddii ka socday qeybta hore ee laga waddo diyaaraddaas, markii aanu saacado kooban hawada duulimaad hoose ku wareegnaba, waxa ku guuleystay, oo si nabad-galyo ah u soo cago-dhigay hagayaashii gegida diyaaradaha (London City Airport) ee Caasimadda London ee Dalka Ingriiska.

Dharaar waliba waayo leh, waxaan ku soo galay furfurnaan iyo farxad gegada diyaaraduhu ka haadaan, ka dib, markii aan ogaaday duuliyuhu inuu yahay bare duuliye, waxaan isku kala bixiyey kursigii aan ku fadhiyey, waxaan markiiba dheggaha gashaday sameecaddii dheggaha oo aan ku dheggaysanaayey cilmiga barashada shimbiraha.

May jirin wax lagu qoslo oo ku saabsanaa Duulimaadkaas oo ahaa socdaalkaygii labaad, waxaanse maqlay dhawaaq qosol leh oo igaga yimid dhankayga danbe, waxaan dareemay in duuliye diyaaraddeed uu saaran yahay kuraasta iga danbeysa ee diyaaradda, haddii aanu qosolkaasi ahayn qosol-gariirka keen naxdinta kadiska ah, sababtoo ah, waxay ahayd goob dadku ay ku sugnaayeen cabsi iyo murugo badan.

Muddo yar ka dib, waxaan maqlay dhawaaq cod naxariis leh oo cod-baahiya qeybta isgaadhsiinta diyaaraddu nagu war-galiyey xilli ay diyaaraddu ku haadaysay duulimaad qiyaastiisu dhameyd shan iyo koton-kun oo dhundhunka hawada sare ah, uu si lama filaan ah duuliyihii (Pilot) diyaaraddii uu u geeriyooday (AHUN), isla markaana, uu la wareegay kaaliyihii duuliyihii labaad (Co-pilot) diyaaradaas, dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas qaarkood waxa ku dhacay miyir-beel, kuwo anfariirsan iyo kuwo naxdintii la kurbanayey. 

Ka dib, markii waddihii labaad la wareegay duulimaadkii diyaaraddaas, waxa uu markiiba codsi ogolaansho degdeg ah u weydiiyey in uu soo fadhiisin karo iyo in kale, hagayaasha gegida diyaaradaha (O. R. Tambo International Airport) ee caasimada Kempton ee dalka South Africa.

Nasiib darro'se, waxay ahayd degitaankii ugu khatar badnaa, ka dib, markii luguhu ay u soo bixi waayeen diyaaraddu, waxaanna nalagu war-galiyey in ay cilad farsamo ku timid markii ay u soo dhawaatay gegedii diyaaraddaha, waxaanna markii danbe ku guulaystay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka South Afrika, kuwaasoo hab xirfadeysan u hagayey samoto-bixinta diyaaraddaas, kuna ku dhiiri-galinayey in uu ku soo fadhiisiiyo taayir la'aan gegeda, ka dib, markii ay soo cago dhigatayna waxa u soo baxay taayiradii laabnaa, duuliyahaas waxa uu ka faa'ideystay dhageysigii tallooyinkii ay siinayeen khabiiraddii hagayey diyaaradda.

Xilli danbe ayaan ogaaday sababta loogu sameyn waayey dib u socoshada gaadiidka hawada sare aada iyo Duuliyayaasha qaarkood in loo layliyo hawl-gallo gaarka ah, kuwo loo tababaro maaweelada ciyaaraha iyo madadaalada, kuwo kalena loo tababaro tababaraayasha duuliyayaasha.

Inkastoo duuliyayaasha gaadiidka ganacsigu ay mas'uul ka yihiin qaadista rakaabka iyo xamuulka, haddana, duuliyayaasha sahanka, duuliyayaasha sawir qaadayaasha, iyo duuliyayaasha dagaalka ciidamada cirku waxay mas'uul ka yihiin xilliga colaadduhu ay jiraan inay ka difaacaan cadowga iyo khataraha hawada kaga iman lahaa dalkooda.

Xilliyada aanay jirin hawl-galaduna waxa la siiyaa tababar iyo aqoon dheeraad ah, sababtoo ah waajibaadka duuliyayaasha ciidamada cirka waa mid aad u kakan oo khatar badanni ku gadaaman tahay, sidaa awgeed ayaa waajib loogaga dhigay in xirfaddooda aqooneed iyo waayo-aragnimaddooda kor loogu qaado.

Marka aynu ka nimaadno arrimahaas oo dhan, aniga oo dareensan kurbo yar ayaan diyaarad u raacay caasimadda Paris ee dalka Faransiiska, socdaalkaas oo ahaa socdaalkaygii saddexaad, taasoo goor caweysnimo ah aanu ka haadnay gegida diyaaraddaha (O. R. Tambo International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa.

Saacaddo kooban markay hawadda ku jirtay ee ay u gudubtay jooga hawadda sare, waxa walaac nagu abuuray markii duuliyuhu nala-wadaagayay xog ku saabsaneyd in cilad farsamo ku timid mid ka mid ah afartii mishiin ee diyaaradda, sidaa awgeedna, farsamo-yaqaanadii diyaaradu ay ku hawlan yihiin hagaajinta matooradaas, taasoo ku qaadatay helitaanka ciladdii ku timid matooraddaasi muddo 15-daqiiqadood gaadhaysay.

Waxa mar labaad, haddana nalagu war-galiyey war-dhiilo xambaarsanaa, kaasoo ahaa, “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow, suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii, ka dib, markii ay nala soo deristay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, 

Waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee iska ashahaata oo tukada.

Waxaannu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradu (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaraddaha ee Charles de Gaulle International Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska, dhammaantayo markii aanu ka soo dhaadhacnay diyaaradda, degdeg-baanu u dhaafnay tagaasidii gegada diyaaraddaha taagnayd. 

Inkastoo socdaalkaygii Afaraad ay cimiladu ahayd jawi aad u degan, haddana dadka waxay ku sugnaayeen wer-wer iyo walaac weyn oo ay ka qabeen hab-dhaqanka duuliyaha diyaaradda, kaasoo si lama filaan ah hoos u dejiyey, marna uu kor u kiciyey diyaaraddii aanu saarneyn oo markii hore ku socotay hab-quman oo deganaansho badan laga dareemayey.


Xaaladdu may ahayn wax la suureyn karo, waxaannay arrintaasi sababtay in dad-badan uu u go'ay suumankii kuraasta ee ay dhexda ku xidhnaayeen, kuwo qabay wadne-roorna waxay galeen xaalad miyir-doorsoon ah, kuwo khalkhalay iyo kuwo guux iyo gariirba laga waayey.


Intaas waxa noo sii dheeraa dhawaaqa qaylada naxdinta leh ee ka soo yeedhayey haweenka iyo caruurtii saarneyd diyaaraddaas, balse, markiiba waxaan isweydiiyey in duuliyuhu uu yahay wadayaashii gaadiidka ciidamada cirka oo u haysta diyaaradan uu wadaa inay leedahay baarashuud uu markuu doono ka goosan karo, laakiinse, ma'oga in aanay lahayn baarashuud, waxa kale oo aan niyadda galiyey wax badan oo aanay dadka kale ka filan karin duuliyaha, xiligaas waxa ay ahayd mar aan socdaalkaygii afaraad u raacay mid ka mid ah gaadiidka qaada dadweynaha ee hawada sare haada oo ku jihaysneyd Caasimadda Jurisalaam ee dalka Israaiil...... la soco socdaalkaygan, socdaalkayga kale ee ku xiggi doona hadduu alle yidhaa ....


Author Mohamed Farah Qoti











Sheekh Cusmaan Nuur

Umaan holannin in aan qalinka u qaato ka qorista mid ka mid ah culimaddii ugu waaweyneyd dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Balse, waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago qiso kooban oo aan idiinka soo garoocay mid ka mid ah ehelkiisii Sheek Cusmaan Nuur oo ahaa sheekhal beledkii magaalada burco ee Gobolka Togdheer.

Sheekh Cusmaan Nuur wuxuu tamaniyey dhisitaanka Masjid Jaamaca weyn ee Burco, isagoo u diray farsamayaqaan ku xeel-dhismayaasha in uu soo qiimeeyo lacagta ku baxaysa dhismaha Masaajidka oo waagaas cariish ahaa hilaaddii 1919-kii.

Farsamayaqaankaasi wuxuu ku soo qiimeeyey lacag gaadhaysay 4000- rubadood, waxaannu Sheekhu arrintaas ka jeediyey baaq uu kaga hadlayo qiimaha uu ku kacay dhismaha masaajidka iyo in qof waliba uu ka qeyb qaato tabaruca masaajidkan, baaqaas waxa uu gaadhay meel fog, waxaanna markiiba ka soo jawaabay DC-gii xukumayey magaalada Burco.

Waxaannu u soo dhiibay 4000-rubaddood Nin reer Burco ah si loogu  dhiso masaajid Jaamacaas, markii Ninkii uu soo gaadhsiiyey bushaqaddii 4000-ku ee rubaddood, wuxuu sheekhu weydiiyey cidda u soo dhiibtay, waxaannu Ninkii lacagta siday u sheegay DC-ga magaalada Sheekhu wuxuu ku yidhi u celi lacagtiisaas.

Culimadii ka ag-dhaweyd Sheekha ayaa ku yidhi, Sheekh xilligan aynu ku jirno waad ogtahay waana kabo-qalad ee maxaad lacagta intaas leeg aad inoo dhaafisay maad Masaajidka inoogu dhistid.

Waxaannu Sheekh Cusmaan Nuur ugu hal- celiyey culimaddii ka ag'dhaweyd sababta uu ugu celiyey deeq lacagta ah ee DC-gu  ku caawiyey dhismaha masaajidkan in ay ahay  laba arrimood.

Waxaannu yidhi,  Haddii deeqdan Lacagta ah aynu ku dhisi lahayn Masaajidkan, waxa uu qaadan lahaa Magaca masaajidka (DC-gaas oo ahaa sarkaal dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Ingiriiska ee xukumi jiray Gobolka Togdheer xilligii maxmiyaddii Ingiriiska, Somaliland protectorate)

Arrinta labaadna in ay tahay maadaama aynu kala haysano laba diimood, waxay noqon lahayd biriishkii la inoo soo mari lahaa,  Sheeku waxa uu hadalkiisaas raaciyey oo yidhi,  Inta aynaan salaada makhrib aynaan tukan ayuu inoo iman kii saxda ahaa.

(AHUN) Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa ganacsade weyn oo ka ganacsan jiray Hargaha oo ka yimid magaalada Oodweyne, ayaa tukaankii uu dhigan jiray Agabka uu dhoofiyo ayaa looga sheegay baaqaa Sheekh Cusmaan Nuur ee ahaa qaadhaanka lagu binnaynayo Masjid Jaamaca Burco.

Ibraahim wuxuu ku yidhi Ninkii Tukanka hayey, horta noolkii doonta ee aad ii haysay imisay ahayd, waxaannu ugu jawaabay 4200- oo rubaddood, wuxuu ku yidhi, 200-ee rubaddood ii hay 4000-kuna keen.

Salaaddii makhrib inta aanay gaadhin ayuu kula kulmay Sheekh Cusmaan Nuur Masaajidkii, waxaannu ku yidhi, imisa ayey ahayd lacagtii qaadhaanka ee aad ku yaboohday  in ay dhisayso Masjid Jamaaca.

Waxaannu Sheekhu ku yidhi, waa 4000-kun oo rubaddood, ka dib, waxa uu u dhiibay bushqadii ay lacagtu ku jirtay, Sheekhu markuu tiriyey ee ay noqotay kharashkii galayey Masaajidka.

Waxa uu ku yidhi, Sowdigan wada-qaatay  ducadii aanu ugu tallo-galnay dhamaan bulshada deegaankan ku nool, waxaannu intaas raaciyey, Hadda ku noqo gurigaagii waxa kuu dhalan doona wiil boqol nin ah oo umaddoo dhan anfaca.

Ibraahim isla habeenkaas waxa uu ku laabtay qoyskiisii, waxaanna u calool galay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, markii uu dhashay waxa magaca u bixiyey Sheekh Cusmaan Nuur.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti