“Qormo iftiiminaysa in Jidkii shalay, maanta ay ina tusinayso, Bari khasaaraha wiiqi kara kobocii isadaba joogay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland”
Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka (WHC) Jamhuuriyadda Somaliland, oo horena loo odhan
jiray Wasaaradda Caafimaadka (WC) marna, Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada
(WCSH), waa ha’yad dowladeed oo ay shaqadeedu tahay in kor loo qaado tayada
adeegyada caafimaadka, lana hubiyo tayada adeegyada caafimaadka ay bixiyaan,
lana joogteeyo caafimaadka meertada nolosha deegaanka, himiladeeduna waa in
dhamaan muwaadiniintu reer Somaliland ay helaan adeeg caafimaad oo tayodeedu aad
u sareyso, si simanan loo joogteeyo, kuna noolaadaan nolol wanaagsan oo
badqabta, hadafka hiigsiga lagu gaadhayo himiladaasina ay tahay, in loo abuuro
deegaan kasta xidhmooyinka adeegyada caafimaadka bulshada oo tayo’doodu
sareyso, wax tar leh, la awoodi karo, la helli karo, si simana loo wada
gaadhsiiyo bulshada, kaasoo tayada daryeelka caafimaad uu ka turjumaayo baahida
bulshada, fiiro gaar ah loo yeelanayo dadka ugu nugul in ay helaan daryeel
caafimaad oo joogta ah, taasoo loo marayo nidaamka maamul daadajinta goobaha
caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Halka,
Wasiirkuna uu yahay hogaamiyaha guud ee siyaasadda lagu hagaayo
wasaaradda horumarinta caafimaadka, hagaajinta addeegyada caafimaadka bulshada
ee daruuriga ah, hirgelinta xeerarka caafimaadka, hagidda iyo hubinta maamul la jaanqaadaya
siyaasadda guud ee Xukuumadda ee ku wajahan himilooyinka loo dejiyey Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka, hiigsashada dhaqaale lagu horumarinaayo caafimaadka,
magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada markuu la tashado Agaasimaha
Guud, Iyada oo ay ka reeban tahay soo saarista amaro xanbaar-san ciqaabo, isku
xidhka Wasaaradda iyo hay’addaha kale ee Xukuumadda, saxeexida Waaranada Guud
iyo mashaariicda, u gudbinta ku talo galka Miisaaniyadda Wasaaradddiisa
Madaxweynaha isaga oo u marinaya Wasaaradda maaliyadda ku talo galka kharashka
Wasaaradda ee sannad maaliyadeedka dambe isaga oo ka duulaya warbixinada,
hay’addaha, wakaaladdaha iyo mas’uuliyiinta hoos yimaada Wasaaradda, dejinta
hab iyo hannaan si xilli-le ah loogu qiimaynayo xil gudashada Wasaaradda, kaas
oo uu sannad kiiba mar Madaxweynaha hor dhigayo, wasiirku wuxuu ku leeyahay
hay’addaha, wakaaladdaha ama shirkadaha hoos yimaadda kormeer, horumarinta xidhiidhada caalamiga ah iyo
suggidda, adkaynta midnimadda ummadda ee ku wajahan jiritaanka.
Haddaba, innagoo ka duulayna xilka waajibaadka
wasiirnimo, ayeynu halkan ugu soo qaadan doonaa, habkii farshaxannimada lahayd
ee ay u isticmaaleen go’aamadii caqli
galka ahaa, waayo-aragnimadii ay ku gaadheen aragtidaa fog, dabeecadihii garashada
maanka fahamkiisu qotoda dheeraa iyo sababihii keenay guul darooyinkoodii, hab-dhaqanadii fiicnaa ee ay sameeyeen
muddadii ay xilka wasiirnimo hayeen 18-wasiir ee soo maray xilka wasiirnimo ee
wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kalena, dhowrsoonaanta dublamaasiyadeed
awgeed marnaba u gudagalimaayo dhinaca hab-dhaqada cakiska ee ay lahaayeen, sida,
samo-falka, daacadnimada, naxariista, geesinimada, himilada, isku-kalsoonida, go'aan
qaadashada, raxmada, aqbalida, cadaalada, dulqaadka, balan-qaadka, feejignaan
iyo dhanka wanaagsan wax-ka eega.
Markii uu dhamaaday dagaalkii ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM
) kaga guulaysatay Taliskii Siyaad
Barre, ka dib, dib u xoreyntii Dalka jamhuuriyadda Somaliland sannadkii
1991-kii.
Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland
(AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Aw Cali markii uu soo dhisay gollihii xukumadiisa,
waxa uu u soo magacaabay jagada xilka wasiirnimo ee wasaaradda caafimaadka
mudane, Abiib Diiriye Nuur (Abiib timacad), laba wasiir oo mid ka mid ahi
isagoo aan la wareegin xilka wasiirnimo geeriyooday, halka wasiirka kale uu
geeriyooday, isagoo xilka hayey muddo laba-todobaad ah, (AHUN) Xassan Cabdule
Walanwal (Xasan Keyd) iyo (AHUN) Xassan
Yuusuuf Nuur (Xassan waraabe Cade), ka dibna, waxa loo soo magacaabay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan
Cabdi Guuleed, wakhtigaas lagama soo kaban burburkii ku yimid dalka, waxa
kale oo xukumadu ku hawlaneyd aassaasska nabad iyo xasilooni ka dhalata dhamaan
dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii loo doortay jagada hoggaaminta Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Sannadkii 1993-kii bishii
Dirir-cawleed, 5-teedii, waxa uu u soo
magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, muddane, Yaasiin
Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo hadda
Wasiir ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, muddo yar ka dib, waxa kala wareegay Axmed
Xaaji Cali (Cadami) oo xilka hayey muddo aad u koobneyd, isla-wakhtigaas
waxa mar-labaad loo soo magacaabay Dr.
Saleebaan Cabdi Guuleed, waxaana kala wareegay oo muddo aad u gaabneyd hayey
Mudane, Cali Maxamed Warancade, wakhtigaas waxa lagu hawlanaa aassaasska
nabad-galyada iyo xasilooni ka dhalata dhamaan gayiga dalka Jamhuuriyadda
Somaliland, waxay abuurtay xasiloonidii iyo nabad galyadii ka dhalata fahankii
fiicnaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho-dhalkiisa, in ay maanta
ahaysiiso in midhihii la beeray aynu ku gurano jawi degan iyo rajo fiican.
(AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, markii
uu ku guuleystay mar-labaad doorashadii loo tartamayey jagada Madaxweynenimo ee
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u soo magacaabay (AHUN) Dr. Cabdi aw daahir in uu
ahaado Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 13-kii
bishii Daalalo sannadkii 1997-kii illaa
iyo 11-kii bishii Deyr-halalood Sannadkii 2001-kii.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadu waa xiligii ay ugu
wax-qabadka badneyd, wakhtigaas waxa la dejiyey qorshe shan sanadood oo ku
saabsanaa horumarinta caafimaadka dalka iyo shuruucihii caafimaadka oo ay
ansixiyeen labada golle qaran, qorsheyaashii xeelladeed ee horumarinta
caafimaadka waa kuwo ka caawiyey in la qabto shaqo fiican, oo diirada saarayey
dhaqaalaha iyo tamarta, waxa kale oo nidaamkani uu muujiyaa dhinaca aad ka
liidato iyo cabaqadaha laga hortagi karaayo, lana fuliyo talaabooyinka lagama
maarmaanka u ah, si markaa loo gaadho heerka ugu sareeya ee suuragalnimada ah.
Wax-qabadkaas waxa ka mid ahaa in dib-u-habeyn lagu sameeyey
dhamaan qeybaha adeegyada caafimaadka bulshada ee ku yaala wadanka
jamhuuriyadda Somaliland, waxaana dalka laga hirgaliyey shan cusbitaal, sideed iyo afartan xanaanooyinka hooyadda iyo dhalaanka
iyo boqol iyo labaatan goobaha daryeelka caafimaadka, kuwaasoo dhamaantood si
hufan u gudanaayey bixinta adeegyada daryeelka caafimaadka bulshadu u
baahnaayeen, waxa kale oo la hirgaliyey nidaamka dhaqaalaha maaliyadda
caafimaadka.
Waxa suuro-galiyey wax-qabadkaas oo sabab u ahaa Shaqaalaha
Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada oo xirfad
aqooneed u lahaa hirgalinta nidaamka caafimaadka iyo xirfadaha dabiiciga ah, waxaanay
ahaayeen shaqaale aqoon iyo waayo aragnimo badan u lahaa habka maareynta
caafimaadka, isla markaana isku duubnaa dhinaca shaqada.
(AHUN) Dr.
Cabdi aw daahir markii uu xilka ku wareejinaayey Xasan Ismaaciil Yuusuf, waxa uu
yidhi:”, “iyada oo lagu jiro xilli adag
ayeynu haddana wax badan qabsanay marka loo eego duruufaha inagu xeernaa,
waxaanu intaasi ku daray “Gaar ahaana Wasaaradda Caafimaadka oo xil balaadhan u
haysa ummadda adduunyana aan soo saarin waxayse la dagaalantaa cadawga koowaad
ee dadka iyada oo daweysa dadka buka, xilkaana waxa qabta xooga halkan fadhiya
iyo bahweynta caafimaadka iyadoon mushahar hagaagsan la qaadan, tabobar la
qaadan intaana waxaynu ku gaadhnay dedaal”,
waxaanu qiray in ay dhaliilo jiraan balse aanay badnayn marka loo eego
halka ay maanta marayso “Iyada oo dhaliilo iyo canaanoba jiraan laakiin halka
aynu maanta maraynaa waa meel fiican”.
Ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii
Madaweynenimo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Daahir Rayaale
Kaahin waxa uu u soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (AHUN) Cusman
Qaasim Qodax, oo xilka hayey 05-tii bishii Samo-laho Sannadkii 2003-dii illaa
iyo bishii Karaneed 6-deedii Sannadkii 2006-dii, (AHUN) Cusman Qaasim Qodax
waxa qabadkiisii waxa lagu xusuusan karaa in uu ku guuleystay maamul daadajinta
Miisaaniyadda Caafimaadka Gobollada, waxa kale oo uu soo saaray kuliyaddii ugu
horeysay xirfadlayaal caafimaad oo ka qalin jabiyey Maxadka Culuunta
Caafimaadka Hargeysa (Hargeysa Nursing School), ardeydaas oo tiradoodu dhameyd
85-arday oo maanta ka hawl-gala dhamaan goobaha adeegyadda caafimaadka dalka,
waxa kale oo la diiwaan galiyey dhamaan goobaha adeegyada caafimaadka ee gaarka
loo leeyahay iyo dejinta qorshe shan Sannadood oo ku saabsanaa horumarinta
caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.
(AHUN)
Cusman Qaasim Qodax markii uu xilka la wareegayey waxa uu yidhi:” Anigu halkan
umaan iman in aan ka hello dhaqaale xilka wasiirnimo ee la ii igmaday, waxaan
halkan u imid in aan si daacad ah uga hawl-galo sidii umada loo gaadhsiin lahaa
adeeg caafimaad oo hufan, maanta qiyaasta cabirka dhexdaydu way idiin muuqataa,
marka aan xilka ka dego, haddii ay wax ku kordhaan cabirka dhexdeyda iyo haddii
ay ku kordhi waayaanba, waxay idiin muujin doontaa in aan ku talax-tagay
hantidii umada iyo kale.” (AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa uu ahaa shaqsi daacad
ah, oo naxariis badan, cadaaliya, iskuna-kalsoon, balan-qaad iyo go'aan
qaadasho wanaagsan.
(AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa xilka Wasiirnimo
kala wareegay Mudane, Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ahaa Wasiirka
Wasaaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii bishii karan
sannadkii 2006-dii illaa iyo 6-dii
bishii karan sannadkii 2007-dii.
Wasiirkan oo
ahaa wasiirkii labaad ee ugu muddada
dheeraa wasiiraddii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ahaa
Wasiirkii labaad ee ugu muddada gaabnaa 18-kii wasiir ee xil ka soo qabtay
wasaaradda horumarinta caafimaadka, wasaaraddan oo hore loo odhan jiray
wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, ayaa haddana noqday Masuulkii ugu
wax-qabadka badnaa Wasiiraddii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iskaga
danbeeyey, wakhtigaas waxa uu hirgaliyey qorshaha shan sannadood oo lagu horumarinaayey caafimaadka
dalka.
Wasiir walba wax-baa lagu xasuustaaye, Mar aan
booqday Xarunta xafiiska hayadda Caruurta Aduunka ee UNICEF ku leedahay
koonfurta magaalada Hargeysa, taasoo ah
xarunta ugu weyn xafiisyadda hayaddu ku leedahay dalalka geeska Africa,
intaanan galinba waxaan dib u xasuustay sidii ay ku suuro gashay xarun dhul
intaa leeg ku fadhida in laga hir-galiyo caasimadda dalkeena ee Hargeysa, ka
dibna, waxaan markiiba ku farxay midho dhalka
hiigsigii wasiirka ay maskaxdiisa ka soo maaxatay in xarun intan leeg ay
hayadda caruurta Aduunku ku yeelato Somaliland,
waxaanay taasi suuro gashay markii uu ku dhiiraday inuu dhul uu sigaara
u lahaa ugu deeqay hayaddaasi, in kastoo aanu nasiib u hellin isagoo xilka
Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada haya
in la hir-galiyo.
Lamaan yaabin dhismaha, laakiin, waxa darreen gaar
I galiyey hiigsiga iyo arragtida fog ee uu lahaa Cabdilaahi Xuseen Iimaan
(Dirawal) oo ahaa wasiirka caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd
6-dii bishii karan sannadkii 2006-dii
illaa iyo 6-dii bishii karan sannadkii 2007-dii.
Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu siiyey
dhulka ay ka hirgalisay xarunta ugu weyn xafiisyaddeeda dalalka geeska Africa,
kaliya wuxuu shuruud kaga dhigay in ay Wasaaradda Caafimaadka u dhisto gurriga
labada dabaq ah ee hadda Wasaaraddu ku shaqeyso, inkastoo xilka wasiirnimo uu iska casilay haddana
nasiib umuu hellin isagoo xil umadda u haya dhameystirka labaddaa dhisme ee
aynu ka waranay, waxay taasi ka markhaati
kacaysaa qiyamka iyo arragtidiisii suubaneyd, taasoo ay ku dheehnayd
Wadaniyad iyo xilkasnimo.
Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu iska
casilay xilkii wasiirnimo, waxa loo soo magacaabay Cabdi Haybe Maxamed oo ahaa
Wasiirka Wasaaradda Caafimaaka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii
bishii karan sannadkii 2006-dii illaa
iyo 23-kii, Diraacdii Sannadkii 2010-kiii.
Wakhtigaas hamsami u socodkii adeegyadii caafimaad
ee la gaadhsiin lahaa bulshada, waxa curyaamiyey daruuro watay ceeryaamo badan
oo dul hogonaayey Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, waxaana hoos u dhac weyni
ku yimid Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ka dib, markii Wasiirka Caafimaadku ka
caydhiyey dhakhaatiir ka hawl-gali jiray Cusbitaalkaas, isla markaana, waxa
xilkii iska casilay Agaasimihii Cusbitaalka, ka dib, markii uu wasiirku ka
dalbaday in uu ku soo wareejiyo gaadhi Land-crueser ah oo hayada SARC ay lahayd
looguna shaqeynaayey xafiiska kufsiga ee
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Wasiirka
Caafimaadka Md. Cabdi Haybe waxa uu mar kale soo saaray qoraal uu ku
maroorsanayo maamulkii xidhiidhka hay’adaha wadashaqaynta la leh wasaaraddiisa,
waxaanu wasiirku ku wargaliyey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga
ah ee maalgeliya mashruuca tallaalka carruurta (CHD) in isagu yahay meereeyaha keliya ee maamulaya
mashruucaas oo qiimihiisu ku kacayey lacag ku dhow hal milyan oo dollar,
($1milyan dollar) sidaa darteedna aanay
cid kale u gacan-dhaafi karin hawshaas, taasoo masuuliyadda fulinta iyo la
xisaabtanka hawlaha mashaariicda
caafimaadka ee hay’adauhu kala shaqeeyaan wasaaradda caafimaadka uu u
xil-saaran yahay Agaasimaha Guud.
Agaasimaha Guud (AHUN) Dr. Anwar Maxamed Cige ayaa tallaabadaas Wasiirku ku weecsaday hawshiisii shaqo ee loo igmaday kaga falceliyey warqad qoraal ah oo uu u qoray hay’adaas, isagoo ku cadeeyey in aanay hay’adu kala xisaabtami karin wixii ka yimaadda fulinta mashruuca tallaalka carruurta, maadaama isaga laga wareejiyey, waxaanay sababtay arrintaas inay muddo aan la cayimin hay’adaha caalamiga ahi hakiyeen fulinta mashruucii ugu ballaadhnaa ee tallaalka carruurta Somaliland, kaasoo hore loogu qorsheyey in uu dalka ka bilaabmo dabayaaqada bishii March sannadkii 2010-kii.
Agaasimaha Guud (AHUN) Dr. Anwar Maxamed Cige ayaa tallaabadaas Wasiirku ku weecsaday hawshiisii shaqo ee loo igmaday kaga falceliyey warqad qoraal ah oo uu u qoray hay’adaas, isagoo ku cadeeyey in aanay hay’adu kala xisaabtami karin wixii ka yimaadda fulinta mashruuca tallaalka carruurta, maadaama isaga laga wareejiyey, waxaanay sababtay arrintaas inay muddo aan la cayimin hay’adaha caalamiga ahi hakiyeen fulinta mashruucii ugu ballaadhnaa ee tallaalka carruurta Somaliland, kaasoo hore loogu qorsheyey in uu dalka ka bilaabmo dabayaaqada bishii March sannadkii 2010-kii.
Khilaafkaas
oo ay gacanta ku hayeen guddi wasiiro ah oo u saaray Madaxweynuhu, ayaa cirka isku sii shareertay, waxaanay sababtay in wasiirka caafimaadku soo
saaro wareegto uu shaqada kaga joojinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda (AHUN) Dr.
Anwar Maxamed Cigge.
Qoraalkaas oo xanbaarsanaa erayo qalafsan oo aad u liitay oo ka baxsanaa nidaamka dowladnimo, aflagaado, cambaareyn iyo eedaymo iskugu jiray ayaa qornaa, sidan “Maanta laga bilaabo wareegtadan waxaan kaa joojiyay shaqadii aad u haysay waaxda caafimaadka ee Wasaarada Caafimadka iyo Shaqada ka dib markaad ku kacday falal ku lidi ah hawsha qaranka ee laguu igmaday taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay oo aan kaa waaniyay in aad isbedel ku samayso hab-dhaqankaaga maamul, balse aad ka waantoobi weyday, adiga oo ku tallaabsaday ficilo dhaawacaya qaranimada iyo xidhiidhka wasaaradu la leedahay hay’adaha caalamiga ah, sida qoraalo sharci-darro ah oo aad u qortay hay’adaha Qaramada Midoobay ee wasaarradda wada shaqayntu ka dhaxayso. taas oo aad ku wargalisay in ay hakiyaan wadda shaqayntii, taakuladii iyo taageeradii caafimaad ee ay la wadeen.
Arrinkaas oo ka baxasan milgaha iyo maamulka dawladnimo isla markaana hoos u dhac weyn ku keenay sumcadda wasaarada iyo karaamada Qaranimada Somaliland,
Qoraalkaas oo xanbaarsanaa erayo qalafsan oo aad u liitay oo ka baxsanaa nidaamka dowladnimo, aflagaado, cambaareyn iyo eedaymo iskugu jiray ayaa qornaa, sidan “Maanta laga bilaabo wareegtadan waxaan kaa joojiyay shaqadii aad u haysay waaxda caafimaadka ee Wasaarada Caafimadka iyo Shaqada ka dib markaad ku kacday falal ku lidi ah hawsha qaranka ee laguu igmaday taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay oo aan kaa waaniyay in aad isbedel ku samayso hab-dhaqankaaga maamul, balse aad ka waantoobi weyday, adiga oo ku tallaabsaday ficilo dhaawacaya qaranimada iyo xidhiidhka wasaaradu la leedahay hay’adaha caalamiga ah, sida qoraalo sharci-darro ah oo aad u qortay hay’adaha Qaramada Midoobay ee wasaarradda wada shaqayntu ka dhaxayso. taas oo aad ku wargalisay in ay hakiyaan wadda shaqayntii, taakuladii iyo taageeradii caafimaad ee ay la wadeen.
Arrinkaas oo ka baxasan milgaha iyo maamulka dawladnimo isla markaana hoos u dhac weyn ku keenay sumcadda wasaarada iyo karaamada Qaranimada Somaliland,
Sidaa
awgeed waxaan kaa joojiyay masuuliyaddii aad ka haysay wasarada caafimaadka iyo
shaqada. Waxa si ku meel gaadh ah u sii wadaya ilaa amar dambe agaasimaha
waaxda qorshaynta oo sii haynaya xilka Agaasimaha Guud.”
Khilaafkaas waxa uu dhaliyey in Wasiirka loo badelo
wasaaradda Beeraha, halka, Agaasimihii Guudna loo badelay Wasaaradda Dib-u
dajinta, waxaana Wasaaradda loo soo magacaabay, Wasiirkii Wasaaradda Cadaalada Mudane
Axmed Cali Casoowe, taariikhdu markay ahayd 23-kii bishii Diraaceed sannadkii 2010-kii
illaa iyo 2-dii bishii karaneed ee sannadkii 2010-kii, Wasiirkii oo ahaa
wasiirkii ugu muddada gaabnaa 18-kii Wasiir ee soo maray Wasaaradda Caafimaadka
iyo Shaqada, ayaa ahaa Wasiirkan loogu jeclaa, samo-falkiisa,
daacadnimadiisa, naxariistiisa, raxmadiisa, waxaanu ahaa wasiir dhanka
wanaagsan wax-ka eega, oo ahaa dhul lagu dul socdo oo qun yar socod ah.
Markii uu xilka la wareegayey waxa uu yidhi:” Anigu
waxaan ahay askar loo tababaray sida qofka loo dilo, laakiinse, waxaan muddo
dheer wasiir ka ahaa wasaaradda cadaalada oo la mid ah wasaaradda caafimaadka
iyo shaqada, sababtoo ah, Rugta xabsiga waxay la mid tahay Rugta caafimaadka ee
loo yaqaano Health Post, halka Saldhiguna ka yahay Xannaanooyinka hooyadda iyo
dhalaanka, isla markaana, Jeelasha xabsiyaduna ay ka yihiin sida Cusbitaalada
caafimaadka ee lagu dabiibo dadka jiran”
Waxaanu intaas ku daray “ Dadka xabsiyada lagu
hayaa waxay u baahan yihiin adeegyada caafimaadka ee la siiyo dadka buka ee
jiifa cusbitaalada”
Wasiirkan waxa uu fuliyey muddadii gaabneyd ee uu
xilka hayey mashruucii ugu balaadhnaa ee loogu tallo-galay talaalka caruurta oo
ka hir-galay dhamaan gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo uu
wasiirkaasi uu ku soo beegmay xilli kala guura ah oo dalka ay ka qabsoomaysay doorashadii
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii uu ku guuleystay doorashadii Madaweynenimo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) waxa uu u soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, oo hore
loo odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed
(Dr.Xoog), taariikhdu markay ahayd 2-dii
bishii Karaneed sannadkii-2010-kii illaa iyo 20-kii bishii Dirir sagaalood
sannadkii 2013-kii.
Dhameystirka dhismihii uu ku suntanaa Mudane, Cabdilaahi
Xusseen IImaan (Dirawal), waxa nasiib u yeeshay in uu xadhiga ka jaro Dr. Xusseen Maxamed Maxamuud (Dr. Xuseen
Xoog), wasiirkaas oo markii loo qorsheeyey xafiis ku yaalay dabaqa sare ee
dhismahaasi muu jeclaysan, waxaanu yidhi:-“ Waxaan doonayaa in xafiiskaygu uu
noqdo dabaqa ugu hooseeya, waxaana arrintaasi sabab u ahayd in uu hoos u soo
dego wasiirkaasi, isagoo eegaayey dadka waayeelka ah ee aan soo fuuli karin
jaran jarada dabaqa sare, dadka curyaamiinta ee laxaadka la’a ee aan soo fuuli
karin jaran jarada dabaqa sare, waxay ka markhaati kacaysaa naxariista dhakhtarnimo
iyo arragtidiisii suubaneyd ee ay ku dheehnayd xilkasnimo.
Qoysaska
danyarta ee aan haysan kharashka adeeg qaliinka lagu qalayo Hooyooyinka
shinkoodu buuxsamo ee ay fooshu ku raagto, ayaa inta loo raadinaayo lacagta
adeega qaliinka oo ahayd $ 500 oo dollarka, kala kulmi jiray in ilmuhu ku dhex
bakhtiyo ama ay sidaasi ku umul aroorto hooyadii xaamilada ahayd cusbitaalka
guud ee Hargeysa, Wasiirkan waxa uu ahaa Wasiirkii ugu horeeyey ee bilaaba in
adeeg qaliin oo lacag la’aan ah Hooyooyinka ay ku Dheeraato waqtiga Dhalmadu ka
hirgaliyey Cusbitaalada gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa
lagu xasuustaa Wasiirka Caafimaadka in uu ku soo kordhiyey talaalkii saddexanta
ahaa, laba talaal oo lagag hortagyo cudurka beer xannuunka (hepatitis B Vaccine)
iyo qoor-gooyaha (Haemophilus influenzae type B
(Hib), labadan
talaal ayaa lagu soo daray talaalka saddextan ahaa ee caruurta lagaga hortagi
jiray talaakooda, cudurada Xiiq-dheerta, Gowracata iyo Qalajisada ee afka
qalaad loogu yeedho DPT Vaccine (Diphteria, Pertusis and Tetanus Vaccine), talaalkaas
oo maanta la yidhaahdo Talaalka Shanta ah, Pentavalent Vaccine.
Wakhtigaas waxa la dejiyey qorshe shan sanadood oo ku
saabsanaa horumarinta caafimaadka dalka, waxaana dhidibada loo taagay dhisida Komishanka
Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (National
Health Provissional Council) iyo shuruucdii lagu dhaqaajin lahaa, waxa si
fiican loo fuliyey mashruucii laga hirgaliyey gobolka saaxil ee xidhmooyinka
adeegyada caafimaadka (EPHS) Somaliland, waxa xilka laga qaaday isagoo wada
qorshe lagu keenayey qalabka
shaybaadh oo lagu hubiyo tayada daawooyinka ka soo dega dhamaan dalka Somaliland.
Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) Taariikhdu
markay ahayd 20-kii bishii dirir sagaalood sannadkii 2013-kii illaa iyo 14-kii
bishii Damarsame sannadkii 2017-kii.
Waa
wakhtigii Wasaaradda Caafimaadka ay ugu habacsanaanta iyo musuqmaasuqa badneyd,
sababto ah, xannunkii shuban biyoodka ee
ka dilaacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagu arkay xannunkaas shuban
biyoodka 5-qof oo uu ku dhacay xannuunkaas goobo ka mid ahaa tuulooyin ku yaala
xuduudaha Somaliland iyo Dalka Itoobiya,
nasiib daro’se, waxa uu
xannuunkaasi uu aafeeyey dad tiradoodu ka badan tahay 18,000-qof, waxaana ku
naf-waayey in ka badan dhowr boqol oo qof, kaasoo lagu qiyaasay in uu haleelay
xannuunkaasi tiro ka badan 12,000 oo qof, halka xannuunkaas ay u dhinteen tiro
ka badan 300 oo qof gobolka togdheer oo kaliya, waxa maalintii la soo dhigi jiray 200-oo qof
oo xannuunkaasi ku dhacay, waxaana lagu tilmaamay in boqolkiiba 70% ay ahaayeen
dad u dhashay Somaliland. tixraac:- https://www.devex.com/news/volunteers-and-loudspeakers-how-a-local-response-curbed-somaliland-s-cholera-outbreak-91358
Gobolka laascaanood waxa uu xannuunkaas haleelay tiro lagu
qiyaasay 312-qof oo ay u dhinteen 17-qof, halka buuhoodle’na uu asiibay
xannuunkaas tiro lagu qiyaasay in ka badan 3000-qof dhimashadu ay ahayd in ka
badan 75-qof, tirakoobkaasi ayaa ahaa dadkii soo booqanaayey cusbitaalada oo
kaliyaata, balse, lama hayo tirada sugan dadka ku waxyeeloobay ee daganaa
miyiga iyo tuulooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii uu ku guuleysatay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Muuse biixi Cabdil, Sannadkii 2017-kii bishii dabersame, 14-keedii,
waxa uu u soo magacaabay Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ooh ore loo odhan
jiray Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, taariikhdu markay ahayd
14-kii dambersame sannadkii 2017-kii illaa iyo 14-kii bishii seerma-weydo
sannadkii 2019-kii.
Muddo
haatan laga joogo toban bilood, ayaan maalin ay ammintu ahayd aroor hore oo
qoraxdu liiqa ka soo wada baxday, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro riman
iyo kuwo hoorayey, Wakhtigaas oo ay
dhacaysay dabaylo goos-goos ah oo xanbaarasaneyd neecow qabow oo ay naftaadu ku
raaxaysanayso, indhahuna aanu ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaala
deyrka hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, haddana, guud ahaan,
shaqaalaha waxa ka muuqatay wer-wer iyo walaac aanay saadaalin karin waxa ay ku
danbeyn doonto mustaqbalka danbe ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Markii
aan soo galay gudaha hore ee Wasaaradda, waxa aan kula kulmay albaabka hortiisa
ee xafiiska wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka oo ku yaalay dabaqa ugu
sareeya ee dhismaha wasaaraddaas, ruux dumar ah oo ka mid ahayd jabhaddii xaq u
dirirka ee SNM, taasoo ku caga beeshay dagaaalkii ay kula jireen taliskii
siyaad bare, waxay ku soo gaadhay iyadoo badhida ku siqaysa xafiiska wasiirka,
waxaan weydiiyey in loo maqan yahay iyo in kale, waxa ay iigu jawaabtay, in loo
sheegay wasiirku in aanu cid la kulmi doonin, isla markaana ay halkan ku sugi
doonto, marka uu soo baxo wasiirka.
Wasiirku
markii uu ka soo baxay xafiiskiisa ee uu isha ku dhuftay ruuxan naafada ah,
waxa uu dib ugu noqday xafiiskiisii, waxaanu la hadlay, agaasimaha maamulka iyo
lacagta oo uu amar ku siiyey in uu ugu yeedho, dhamaan shaqaalaha ka hawl gala
ka dinka hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, lix nin oo ay laba ka
tirsan yihiin ciidanka asluubta iyo ciidanka amniga, afarta kalena, ay ahaayeen
shaqaale ka tirsan wasaaradda, ayaa markii ay la kulmeen wasiirkii, waxa uu ku
yidhi”, “ Dhageysta annigu halkan uma fadhiyo dadka naafada ah, wax la iigu
dhiibayna ma jirto, iskaba daaya taasoo, waxa aan la yaabanahay buu yidhi,
sidii aad u soo qaadeen ee aad xafiiskayga hortiisa u soo dhigteen ruuxan
dumarka ah, hadda laga bilaabana, shaqadii waan idinka joojiyey.” shaqaalahaas
oo muddo shan iyo caanamaal, ka dib, lagu soo celiyey shaqadoodii.
Wasiirka
waxa lagu xasuustaa in uu ka saaray bisinkii iyo
takbiirtii ku xardhanaa dusha sare astaanta qaranka, kuna kordhiyey halaq laba
carab leh oo ku maran shay dhumuc yar oo eegaaya Astaantii qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo, lagu tilmaamo in uu yareeyey musuqmaasuqii baahsanaa
ee ka jiray wasaaradda, haddana waxa ku maqnaa afar-gaadiidka loo yaqaano
ambulance ee gargaarka degdega ah.
Waxa xilkii kala wareegay oo loo soo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane, Cumar Cali Cabdilaahi Bade.
taariikhdu markay ahayd 14-kii bishii seerma-weydo sannadkii 2019-kii. ?
Wasiirkan oo ku soo beegmay wakhti aanay jirin
qorshe caafimaad oo loo dajisan shanta sanadood ee 2017-2022-ka oo ku eegtahay muddo
xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse Biixi Cabdi.
Haddaba, Jidkii shalay, maanta waxay ku tusinaysaa, khasaaraha
bari wiiqi kara kobocii isadaba joogay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,
haddii aanay ka taxadirin Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Soomaliland cida ay u
soo wakiilanayaan masuuliyada wasaarada horumarinta caafimaadka.
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid