Qamaamkii Dahabka Magaalada Dawson iyo Marsada Berbera Maxay Wadaagi doonaan!
Wariye u dhashay dalka mareykanka oo inta badan wax ka qori jiray xuquuqda arrimaha bulshada, dhacdooyinka iyo sheekooyinka mala’awaalka ah oo la odhan jiray John Griffith Chaney "Jack" . 16 th bishii August sannadkii 1896-kii, maalin axadeed ayaa markii uu waagu baryey ee uu toosay aroornimadaasi ayey indhihiisu halacsadeen war lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo The White Pass Chronicle, cadadkiisii 11-aad, kaasoo ciwaankiisu uu ahaa “ War ka yimid Klondike “ oo laga hellay Dahab,Dahab, Dahab, Dahab . John Griffith Chaney "Jack" markii uu wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi ayuu jaleecay Aygiisii la odhan jiray “Buck” oo hareertiisa taagnaa, waxaanu ku yidhi: Haddii aad akhiriyi lahayd ama aad ogaan lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska The White Pass Chronicle, sidaas umaad faraxsanaanteen ee waad murugoon lahayd. Waxaanu warkaasi ka diyaariyey qormo taxane ahayd oo uu ciwaankee...