Posts

Showing posts from January, 2017

Illayn Geel-didisna kama Darro

Image
                                                                                                                                                                                  Hoggaaminta iyo Maareyntu waxa ay ku saleysnaayeen dhaqanka hiddahheenii hodanka ahaa ee miyiga iyo reer guuraanimada, gadh-wadeenka reerku waxa uu ahaa hoggaamiyaha qoyska, halka ay affadiisuna ka ahayd maareeyaha qoyska. Inkastoo hawlaha uu qaban jiray gadh-wadeenka reerku ay ahaayeen, hillaadinta, sahaminta, arriminta, illaalinta, garta, beerista, kaydinta, dha...

Maxaa ka jira in Miishiinkii Weynaa ee soo saari jiray Oksajiinta Cusbitaalka Hargeysi uu fadhiistay?.

Image
                                                                                                                     23rd. Januery.2017 Muddo haatan laga joogo 12-Sannadood ka hor ayaan booqday dhisme weyn oo loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka degmada saylac, wakhtigaas, waxaan ku arkay dhismahaas oo hoy u noqday Ay’da ku nool degmadaas. Annigoo arrintaas aad ulla yaaban ayaan weydiiyey oday ka mid ahaa deegaankaasi, sababta keentay in dhisme weyn oo aad u qurux badan oo loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka, in uu hoy u noqdo nooc ka mid ah xayawaanada ku nool deegaankan. Waxa uu iigu jawaabay odaygaasi, bulshada ku nool deegaankani wax aqoon ah u malaha sida loo dabaasho ...

Wax kasta oo la Qasaaba, Way kala miirmaan…..

Image
Waxaan aad u jeclaystay in aad mar-labaad nala wadaagtaan sheekadan oo lagu baahiyey mid ka mid ah wargeysyada madaxa-banaan ee ka soo baxa dalka jamhuuriyadda Somaliland. Habka farshaxanimada leh ee qoraagu uu inoogu soo gudbiyey bahdeena wax akhrida, hab-qoraaleedka sheekadaas oo ahayd mid aad u iftiiminaysay xaaladda siyaasadeed ee wakhtigaasi ka taagnaa dalkeena, waxa kale oo uu qoraagu si ladifan inoogu soo gudbiyey in wax wal oo la qasaaba ay kala miirmaan , marka qaska laga daayo. Waxaanu qoraalka qormadiisaasi uu ciwaan ugaga dhigay, Sheeko kale: Way Qasayaan, taasoo uu ku bilaabay qoraagu sidan:-   Xertu waxa ay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena, waxaana lagu baran jiray  Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga, xertu waxay ka dhex abuurantay nolosha miyiga ee reer guuraaga ah, oo kolba halka ay u guuraan ayey iyaguna u guuri jireen, manaanay jirin meel u gaar ah oo ay degenaayeen. Waxa kale, oo ay Xertu ahayd kulliyad guuraysa oo...

Saddexdii Kiish ee Wasiiradda Iyo Boqorka !

Image
“Sheeko Gaaban: “ Boqor Iyo Saddexdii Kiish ee Wasiiraddiisa “ Boqor ka mid ahaa   Boqoradii ka soo taliyey aduunka qarnigii 16-aad ee la soo dhaafay,   inkastoo, Boqorkaasi lagu tilmaami jiray inuu lahaa   karti, aftahannimo, hal-adayg iyo wax-qabad toosan oo lagu ma’jeerto, haddana,   dadka indheer-garadka ah ee ka soo hor-jeeda siyaasaddiisa, waxa ay qabeen arragti taa ka duwanayd, waxaanay ku dhaliili jireen   maamulkiisa inay ka jirto cadaalad darro, eex, hufnaan la’aan iyo musuq-maasuq baahsan, taasoo ay sabab ugaga dhigi jireen, la’xisaabtan la’aanta gollihiisa wasiiraddiisa. Boqorka waxa lagu xaman jiray inuu dabeecad u  lahaa isagoo soo jeeda inuu khuuriyo, waxaanay taasi sababtay inay soo baxaan goddaloolooyin dhinaca maamul ee xukumadiisaasi, isla-markaana, gacan yarayaashiisiina ay uguga faa’iideysteen wax-badan  nidaamkii dowliga ahaa ee boqortooyadaas. Boqorku waxa uu amar ku siiyey saddex wasiir oo ka mid ahaa Golla...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2017-ka

Image
Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha. H...