Posts

Showing posts from November, 2016

Xafiiltanka Siyaasaddu Ma’laha Xiqdi, Xin iyo Xassad

Image
11/16/16, 10:29 PM Hore dunida    ugamay dhicin in wargeys ka mid ah wargeysyada madaxabannaan uu duqeeyo waddankiisii uu ka difaaci lahaa cadowga lidka ku ah qarannimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, laakiise, nasiib-darro, taasi maanta waxa ay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah in uu ka qaybqaato illaalinta iyo dhowrida siyaasadda dibadda,    guddaha, nabad-galyadda, midnimadda,    waxa kale oo iyana jirta,    wax xaq    u siinaya qof kasta oo muwaadin ah inuu ka dhiidhiyo, ka dagaalamo, kana hadlo, oo uu ka jawaabo wax kasta oo lid ku ah qaranimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, amaba ha noqoto war lagu baahiyey wargeysyada madaxabannaan ee ka soo baxa gudaha iyo dibaddaba oo lagu wiiqayo horumarka waddanka iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Ka dib, markii laba wargeys oo ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ay ku baahiyeen ra’yi qof oo ku cabbiray malahiisa sida ay ula mu...

Waxaan Daawaday Ciyaar Socotay 125-Sannadood

Image
                                                                                                                                         11/9/16, 8:05 PM Marka laga yimaado dhawaaqa codka dawanka leh iyo xamaasaddihii xawliga ku socday ee xawaarihiisu uu gaadhay heerarkii ugu sareeyey ee ay sameeyaan taageerayaashii taageersanaa, hadba, labada-kooxood ee kuwada ciyaarayey garoonkaasi. Haddana, Goolku waxa uu ahaa kubadd lagu tuuray Laba-gacmood ama gacan kaliya oo dhex-gashay kollay laga sameeyey shabag yar oo lagu xidhay bir-goobo leh oo ka soo laalaada bir dhererkeedu uu yahay   3.048 mitter,   inkastoo, haddana ay kala duwana...